Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Rai’sul Wasaare-xigeenka Ethiopia, ka dibna u dhoofay dalka India

May 13, 2012 - Written by

Addis Ababa:Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta [Axad] ka dagay magaalada New Delhi ee xarunta dalka India ka dib markii uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta dalka Ethiopia. Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir) ayaa ka soo duulay magaalada Garowe ee xarunta Puntland maalintii Jimcaha (11 May 2012) iyagoo kusii jeeda New Delhi oo ay ka heleen casuumaad rasmi ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka India.

Madaxweyne Farole ayaa maalinimadii Sabtida ah kula kulmay Addis Ababa Rai’sul Wasaare-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Mr. Hailemariam Desalegn, iyadoo ay mas’uuliyiintaasi ka wada hadleen arrimaha kusoo cusboonaaday guud ahaan Somalia dhanka amaanka iyo arrimaha siyaasadda. Madaxweyne Farole iyo Wafdigiis ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Indira Gandhi International Airport kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka socota Safaarada Somalida oo ay hormuud ka tahay Ambassador Ebyan M. Salax iyo saraakiil ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka India.

no images were found

Madaxweynaha Puntland ayaa la filanayaa inuu kala hadlo mas’uuliyiinta Dowladda India arrimaha Somalia guud ahaan iyo Puntland gaar ahaan, wadahadalaas ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa horumarinta hey’adaha Dowliga ah, iskaashiga la dagaalanka burcad-badeeda, iyo ka faa’idaysiga teknoloojiyada casriga ah oo uu ku hormaray dalka India.

— END —

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online