Manhajka Salafka ee Nusuusta waciidka Sheekh Maxamuud Shible (Warbixin+Dhageysi)

May 19, 2012 - Written by

Nairobi:-Muxaadarada Shiikh Shibli ayaa xalay gashay habeenkeedii labaad, waxaana uu xalay diiradda saaray qeyb ka mid ah Nusuusta ku soo aroortay Gooddiga ee Qur’aan iyo Sunaba leh.

Intii uusan Shiikhu guda galin soo bandhigidda Nusuusta ayaa waxa uu sheegay inay muhiim tahay in laba arimood maanka lagu hayo marka hore:

1- In Magacyada iyo Axkaamta ka dhalaneysa ay isku hayeen Ahlu Sunaha iyo Firqooyinka kale sida, Khawaarijta, Muctazilada iyo Murji’ada.

2- In lama huraan ay tahay in Nusuusta la jamciyo si’ ayan u soo bixin khaladaad ka dhashay fahan xumo in hal qeyb lagaga dhaqmo nusuusta, iyadoo ay jiri karaan qeybo kale oo fasiraya nusuusta qaarkood.

Intaas ka dib ayaa Shiikhu wuxuu gudagalay inuu soo bandhigo nusuusta ku soo aroortay gooddiga ee qur’aan iyo sunabada leh, isagoona qeyb ka soo qaatay, walow xitaa qeybtii uu rabay inuu wada sheego qeyb yar oo ka mid ah uu waqtiga u saamixi waayey, wuxuuna sheegay inuu 83 Nas uu ku soo bandhigi doono 6 qeybood oo kala ah:

1- Dad laga anfinayo Imaanka.

Qeybtaan wuxuu ku soo qaatay aayado qur’aan ah iyo axaadiith ku saabsan dad falal ay sameeyeen dartood imaanka loogu diidayo, wuxuuna Shiikhu sheegay in Imaanka Nusuustu diideyso jiritaankiisa uusan aheyn Iimaankii oo dhan ee uu yahay qeybo ka mid ah Iimaanka, ama nuqsaan lagu sheegayo Imaanka ee aan dadkaas diin ka bax lagu xukumeyn.

Tusaale.

Nabigu wuxuu yiri” Qofi ma Zineysto isagoo Mu’min ah, Qofi Khamri ma cabbo markaas isagoo Mu’min ah, Qofi wax maxado marka uu wax xadayo isagoo Mu’min ah” macnaha Imaanka qofka falalkaas sameynaya loo diidayo ma ‘ahan mid diin ka bax ah ee waa Imaan naaqis ah.

Qeybtaan oo Shiikhu ku soo qaatay ilaa iyo 16 Nas oo aayado iyo axaadiith isugu jirtay, ayaa Shiikhu sheegay in Nusuusta loo baahan yahay in dhinacyo badan laga fiiriyo ee aan hal Nas oo meelo kale lagu faahfaahiyey aan xukun laga qaadanin, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in uu keeni doono sida nusuustan ay u fasireen culimadii Ahlu Sunaha.

2- Dad lagu xukumayo Munaafaqnimo.

Sidoo kale qeybtaan ayaa Shiikhu ku soo bandhigay Nusuusta dambi ay galeen darteed Munaafaqnimo ugu xukumeysa dad ahlu qibla ah, waxaana ka mid ah tusaalayaasha Shiikhu soo qaatay:

Nabigu NNKH wuxuu yiri ” 4 arimoom qofkii laga helo waa Munaafiq dhameystiran,qofkii qeyb ka mid ah laga helana waxaa ku jirta qeyb Munaafaqnimo ah”

Qeybahaas ayaa Nabigu NNKH ku sheegay, balan ka baxa, beenta, iyo khiyaanada, markii Shiikhu nusuustaasi fasirayeyna waxa uu sheegay in nifaaqii qalbiga ahaa aan laga wadin ee loo jeeday nifaaq camal ah, ciddii nifaaq qalbi ah ku fasirtana ay si aan sax aheyn Nusuusta u fahantay.

3- Dad Kufri lagu xukumayo.

Qeybtaan ayaa Shiikhu ku soo qaatay Nusuus isku dhow, wuxuuna sheegay Kufriga nusuutu ka sheekeyneyso inuusan aheyn kii weynaa ee diinta looga baxayey ee uu yahay mid yar, waxaana tusaalayaashii uu soo qaatay ka mid ahaa:

Aayadda qur’aanka ah ee ku jirta suuradda Maa’ida ee Illaahay ku leeyahay ” qofkii aan ku xukumin wixii ilaahay soo dajiyey kuwaasi waa gaalo” Shiikha ayaa sheegay gaalnimada ay aaddan ka warameyso inayan aheyn mid diin ka bax ah ee uu gadaal ka sheegi doono waxa laga wado Kufri yar.

Sidoo kale qeybtaan ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay axaadiith tilmaameysa in nabiga NNKH gadaashiis aan gaalo la noqonin, kuwaasoo qaarkoodba qaarka kale ay laayaan, macnaha gaalnimada ee halkanna ma aha tii weyneed ee diin ka baxa aheyd, sida adilo kale oo qur’aan iyo sunaba leh ay caddeeyeen.

4- Dad lagu sheegayo inay Shirki ku dhaceen.

Qeybtaan ayaa Shiikhu ku soo bandhigay nusuus dadka qaar ku xukumeysa inay shirki ku dhaceen, isagoona mid walba isdul taagayey inaan laga wadin shirkigii diinta looga baxayey ee laga wado shirki yar, waxaana uu tusaale u soo qaatay:

Aayad qur’aan ah oo ku jirta suuradda Yuusuf, taasoo Illaahay ku sheegayo in dadku badankood ayan ilaahay rumeyneynin iyagoo Mushrikiin ah mooyee. shirkiga aayaddu sheegeyso ayaanan aheyn midkii weynaa.

Wuxuu kaloo soo qaatay Shiikhu aayadda ugu dambeysa suuradda Kahfi ee macnaheedu yahay, qofkii ilaahay iyo la kulankiisa rajeynaya, hasameeyo ficil wanaagsan, cibaadadiisana yuuna Ilaahay la wadaajinin qofna.

Shiikha ayaa sheegay in shirkiga aayaddan tilmaameyso uusan aheyn kii weynaa ee laga waramayo istustuska, isagoona tusaalayaal kale oo arintaasi cadeynaya qoo qaatay.

5- Dad nusuusta qaarkood ay u diideyso Muslinnimada.

6- Dad Nusuusta qaarkood ku sheegeyso in Ilaahay iyo Rasuulkiisa ay bari ka yihiin.

Labadan qeybood ayaa Shiikhu ku soo qaatay Nusuus kala duwan, iyadoona qeybta dambe ee bari ka noqoshada uu ugu talagalay inuu ku soo qaato 29 Nas, balse waqtiga oo ciriir ku noqday ayuu uga wada gaari waayey, walow inta uu ka tagay ay aad u yareyd marka loo eego inta uu ka sheegay.

Ugu dambeyntii: dadkii ka soo qeyb galay Muxaadarada Shiikha ayaa aad u fahmay sida loo fasirayo nusuus badan oo markii hore siyaabo qaldan dadka loogu fasiri jiray amaba ay sidaas u haysteen, waxaana weli dhiman sida Nusuutaasi ay ahlu sunaha u fasiri jireen, taasoo Shiikhu daboolka ka qaadi doona, dad badanna ay ka faa’iideysan doonaan haddii Illaahay idmo.

Hoos Ka Dhageyso Muxaadarada Labaad Sheekh Maxamuud Shible Manhajka Salafka ee Nusuusta Waciidka

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/shible_2.mp3]

Ama Halkan Mp3

Muxaadaradii koowaad Ee Manhajka Salafka ee Nusuusta Waciidka ee xalay ka baxday Masjidka Abu bakar Hoos Ka Dhageyso.

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Mshible1.mp3]

Ama Halkan MP3

C/Casiis Maxamed
Halgan.net
Somalireal.com

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online