Maraakiib Shisheeyey oo maanta Madaafiic ku duqeeyey magaalada Kismaayo

May 29, 2012 - Written by

Kismaayo:-Maraakiib dagaal oo laga leeyahay  dalalka reer galbeedka ah ee ku sugan xeebta dalka Soomaaliya gaar ahaan xeebta Kismaayo ayaa maanta gantaalo ku soo riday xaafadaha ku teedsan xeebata magaalada Kismaayo  ka dib markii ciidamo ka tirsan ururka Al-.shabaab oo saarnaa doonyo ay hub ku rideen.

Sheekh Xassan Yacquub oo ah masuul ka tirsan ururka Al-shabaab oo saxaafada uga waramay duqeynta ka dhacday maanta Kismaayo ayaa sheegay in ilaa 2-bo doon oo ay saar naayeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay madaafiic ku rideen Maraakiib shisheeyey oo dhib badan ku hayey dadka Soomaaliyeed ee badda ka Kaluumaysan jiray ayna ka cayri yeen xeebta.

Sheekh Xassan Yacquub ayaa sheegay in markaas ka dib ay Maraakiibta Shisheeyey ay Madaafiic dhowr ah ku soo riday Xaafadaha u dhow xeebta magaalada Kismaayo iyadoo khasaaraha ka dhashay  in ay yihiin 2-bo wiil oo mid dhintay iyo mid dhaawac ah ka dib markii madaafiicda qaar ay ugu tageen gurigooda.

Maraakiibta ay saaran yihiin ciidanka Shisheeyey ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa dhib badan ku haya dadka Soomaaliyeed ee ka kaluumaysan jiray badda kuwaas oo in badan  loo qabto in ay yihiin burcadbadeed laguna xiro dalal shisheeye.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online