Puntland oo shaacisay qodobada ay diidan tahay ee ku jira Dastuurka qabyo qoraalka ah

May 12, 2012 - Written by

Dowllada Puntlland ayaa saaka si rasmi ah u shaacisay qodabada ay doonayaan in wax laga bedelo ee ku jira Dastuurka Qabyo qoraalka ee la doonayo in loo sameeyo DFKM , war-saxaafadeed shalay ka soo baxday xafiiska Madaxtooyada ee Puntlland ayaa lagu sheegay in ay ka biyo diidsan yihiin qodobo dhowr ah oo ku jira Dastuurka iyo weliba iyagoo ku doodaya in DFKM ay isku kali yeeshay gudiga qubarad ah ee loo egmaday in ay ka soo talo bixiyaan Dastuurka cusub ee DFKM.

Hoos ka akhri qodobada ay dowllada Puntlland  doonayaan in dib loo saxo oo wax laga bedelo

 Dib-u-eegidda Dowladda Puntland Qabyo qoraalka Dastuurka Federaalka ee Somalia (soo gaaray 30/04/2012)

Cinwaanka oo Qabyo-qoraalka ugu qoran “Jamhuuriyadda Somalia” ama “Somali Republic” waa in loo badala: Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia (Constitution of the Federal Republic of Somalia)

Qodobka 1aad Jamhuuriyada

Faqrada 1aad: halaga dhigo: Somalia waa Jamhuuriyada Federaal ah.

Fiiro Gaar ah Meelkasta oo ay ku qoran tahay “Dowlada Goboleedyadda” waa in loo badala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.

Qodobka 5aad: Afafka rasmiga ah

Dalka wuxuu u baahanyahay hal luuqad oo rasmi ah (af Soomaali). Lahjadaha kale oo af guriga ah, si kastaba ha u kala badnaadeenee, deegamada ay ka jiraan sidii hore halooga isticmaalo.

Qodobka 6aad: Calanka iyo Astaanta Qaranka

Faqrada 3aad: oo u qoran: “Baarlamaanka ayaa sharci gaar ah soo saaraya Heesta Qaranka, billadaha sharafta iyo maamuuska ay mudan yihiin calanka iyo heesta qaranka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Halaga saaro weerta ah “Baarlamaankaa ayaa sharci gaar ah ka soo saaraya” iyadoo ay hore u jirtay Heesta Qaranka (Soomaaliyey Toosoo).

Halagu daro: “Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia waxay yeelanayaan Calankooda iyo Astaantooda gaarka ah” taasoo waafaqsan nidaamka Federaalka ee caalamiga ah.

Qodobka 7aad: Dhulka Dowladda

Faqrada 1aad: oo u qoran: “si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.” Halaga dhigo: “si waafaqsan sharciga Caalamiga ah.”

Qodobka 9aad: Magaala Madaxda Qaranka

Halagu daro: “Magaalo madaxda waa meel loo siman yahay, waana in loo sameeyaa maqaam gaar ah (special status) oo ay ka wada xaajoodaan kana heshiiyaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.”

Sidoo kale, halagu daro baahinta xaruumaha Hey’adaha Federaalka Dastuuriga ah, sida Baarlamaanka, Golaha Fulinta, iyo Ciidamada (decentralization of Federal Government institutions).

Qodobka 19aad: Xurmada Hoyga

Faqrada 1aad: Halagu daro: “…ama hadaan fal-dambiyeed gudihiisa ka dhacaynin.”

Qodobka 44aad: Dhulka

Farqada 3aad: Qodobkaa waa in lagu kordhiyaa: “Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia waxay dajinayaan siyaasad-dhuleed heerkooda ah.”

Qodobka 45aad: Kheyraadka dabiiciga ah

Farqada 2aad: oo u qoran: “Baarlamaanka Federaalka waa inuu dejiyaa sharci qeexaya sida ay kala yeelanayaan dawladda federaalka, Dawlad Goboleedyada iyo Maamulada Degaanada dakhliga ka soo baxa shidaalka, macaadiinta iyo rukhsadaha kalluumaysiga.”

Oraahdaa waa mid aan waafaqsanayn nidaamka Federaalka. Qodobkaan waa in meesha laga saaraa illaa ay ka xaajoodaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Kheyraadka dabiiciga ah: Wixii dhulka Somalia oogadiisa ku yaala, oo hadaba la kala leeyahay, sida badda, webbiyadda, iyo dhul beereedka, deegaan walba wixii ku yaal buu leeyahay, waxaana maamulaya Dowladaha Xubanaha ka Dowladda Federaalka. Wixii intaa ka soo haray oo maalgelid u baahan (sida macadiinta, shidaalka, gaas, iwm) waxaa ka wada xaajoonaya wax qaybsigooda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Qodobkaan kheyraadka ah wuxuu ka horimaanaya Qodobka 54aad ee Dastuurka Puntland.

Qodobka 53aad: Nidaamka Doorashooyinka

Qodobkaan oo u qoran: “Nidaamka doorashooyinka Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa saldhig u ah isudhignaanta tirada kuraasta uu xisbi ka helo Golaha Shacabka iyo boqolkiiba inta isla xisbigaasi ka helo tirada guud ee codbixinta.”

Qodobkaan oo ka hadlaya arrin aan cadayn oo Somalia aan lagaga dhaqmi karin lana aqbali karin, waana in meesha laga saaraa.

Qodobka 58aad: Habdhaqanka Doorashooyinka

Halagu daro: “Guddiga Doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka”

Qodobka 59aad: Sharciga Doorashooyinka

Qodobkaan oo u qoran: “Baarlamaanka Federaalka ayaa soo saaraya sharciga doorashooyinka ee heerarka qaranka, Dawlad-goboleedyada iyo Golayaasha Degaanka. Sharcigaas waa in uu xaqiijiyaa:”

Halagu kordhiyo: “Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaanada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa soo kala saaraya sharciga doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka…”

Qodobka 60aad: Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Diwaangelinta Xisbiyadda Waxaa jiri doonaa Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka oo maamula doorashooyinka Federaalka, waxaana sidoo kale jiri doona Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Somalia oo mid kasta yeelanaysa Guddi Doorasho oo iyada u gaar ah

Qodobka 63aad : Qaab dhismeedka Dowladda

Faqradiisa 1aad xarfaha a,b iyo c ha laga dhigo qaab dhismeedka Dowladda waa laba heer oo kala ah:

a) Heerka Dowladda Federaalka iyo

b) Heerka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo ay hoosimaanayaan Dowladaha Deegaanka.

Qodobka 64aad : Tirada iyo xuduudaha Dowlad-goboleedyada iyo Degmooyinka Tirada iyo Xuduudaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia, waa in loo qaata sida ku qoran Faqradaha 5aad iyo 6aad ee isla Qodobkaan. Waana in meesha laga saaraa Faqradaha 1, 2, 3 iyo 4aad, oo ka horimaanaya Faqradaha 5aad iyo 6aad.

Qodobka 67aad: Iskaashiga Dowlad goboleedyada

Faqrada 1aad, (a) weerta ah “Guddoomiyayaalka dawlad goboleedyada” waa in meesha laga saaraa sababtoo ah meel ka dhac ku yahay maamuuska iyo xilka mas’uuliinta sare ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia oo ku qeexan Dastuurka Puntland.

Qodobka 68aad : Wada-xaajoodyada Caalamiga ah

Faqrada 2aad: weerta “Xukuumadda Federaalka ah waa ay ku dari karta ergada wada xaajoodka” waa in lagu bedelaa “waa in ay ka mid noqdaan”

Faqrada 3aad ha laga tuuro, sababtoo ah waxay xadgudub ku tahay xuquuqda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Qodobada kala qaybinta Awoodaha ee 69-77aad

Waxqaybsiga awoodaha oo ku qoran qodobada 69-77aad oo loo soo qoray qaab xadgudub iyo amar ku taaglayn ku ah Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waa in laga saaraa Qabyo-qoraalka ilaa ay ka soo dhismayaan Dowladaha ka mid noqonaya Dowladda Federaalka oo dhiman oo iyagu awoodaa wax qaybsiga leh, kuwasoo wada xaajood ay ka wada gaari doonaan wax qaybsiga awoodaha Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Qodobka 86aad : Hogaamiyaha Mucaaradka

Farqada 1aad ee qodobkan lama garanayo waxa looga jeedo, halaga saaro meesha.

Qodobka 87aad: Xilka Xeer dejinta Golaha Shacabka

Faqradaha C & D waa in laga saaraa qoraalka wuxuu awooda ka qaadayaa Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka, wuxuuna awoodaas ku wareejiyay Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) taasoo keenaysa jahwareer

Qodobka 88aad : Tirada Xubnaha Golaha Shacabka

Faqrada 2aad weerta ah “Sharci gaar ah ayaa qeexaya halbeegyada saldhigga looga dhigayo go’aminta tirada xubnaha Golaha shaciga.”

Faqradaan waa in meesha laga saaraa sababtoo wuxuu ka hor imaanayaa heshiiskii Roadmap-ka iyo Mabaadiida Garoowe 1 iyo 2 ee lagu go’aamiyey dhimida tirada Xildhibaanada Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Dowladda Federaalka lagana dhigay  225 xildhibaan.

Faqrada 4aad ee isla qodabkaan looma baahna sababtoo ah wuxuu ka imaanayaa nidaamka tartanka Xisbiyadda badan.

Qodobka 93aad: Tirada Xubnaha ay shirarku ku ansaxayaan iyo go’aan gaarista Golaha Shacabka

Faqrada 2aad weert ah saddex meelood labo loo bedelaa kala bar lagu daray hal tiro (50% + 1) xubnaha Golaha Shacabka.

Qodobka 96aad: Xilka Golaha Wakiillada Dowlad goboleedyadda Iyadoo la raacayo go’ankii Mabaadiida Garoowe 1 iyo 2 waa in magaca Golahan loo bedelaa Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Somalia.

Fiiro Gaar ah: Meel kasta oo ay ku qoran tahay “Golaha Wakiilada Dowlad-goboleedyada” waa in loo badalaa “Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Somalia” (kuwasoo matalaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia)

Qodobka 97aad: Tirada Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedyada

Cinwaanka qodobkaan waa in loo bedelaa: Golaha Aqalka Sare ee Dowlada Federaalka Somalia.Xubnaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Somalia oo tiradoodu tahay ugu badnaan 54-Xubnood (sida ku qoran Mabaadiida Garowe 2) oo ku salaysan 18-gobol oo midkiiba 3-xubnood oo ka imaanayaa Gobolladii jiray 1991-kii ka hor (18 Gobol x 3 xubnood = 54).

Qodobka 101aad: Go’aan qadashada Golaha Wakiiladda Dowlad-Goboleedyada

Firqada 2aad: Go’aan qaadashada Golaha Aqalka Sare wuxuu ku salaysmayaa tirada aqlabiyada Sadax meelood labo (2/3) markii laga hadlayo danaha gaarka ah ee Dowladaha xubnaha ka Dowladda Federaalka oo ay matalayaan.

Qodobka 106aad: Mashaariicda Sharci ee aan saamayn ku lahayn Dowlad Goboleedyada

Firqada 1aad: Waa in lagu kordhiyaa “Wuxuu ku ansaxaya cod hal-dheeri (50% + 1) tirada guud ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, mashruucaas sharci hadii uusan saamayn ku lahayn danaha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.”

Qodobka 107aad: Mashruuc Sharci oo saamayn ku leh Heerka Dowlad goboleedyada

Qodobkaan wuxu isdaba mariyay awoodihii labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somalia iyo Awoodaha u qaybsan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, wuxuuna keenaya jahwareer iyo iska horimaad.

Waa in loo qoraa sidatan: “Mashruuc sharciyeed kasta waa inuu maraa labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka: Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare oo matala Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia, mashruuc sharciyeed kastana waa inuu ku hormaraa Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka ka dibna loo gudbiyaa Golaha Aqalka Sare.”

Firqada 1aad: Waa in lagu kordhiyaa “Wuxuu ku ansaxaya sadax meelood labo (2 / 3) tirada guud ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, mashruucaas sharci hadii uu saamayn ku leeyahay danaha Dowladaha xubnaha ka Dowladda Federaalka Somalia.”

Faqarada 4aad meesha ay ku qoran Madaxweynuhu gudoomiyo hala dhigo in Madaxweynuhu saxiixo si loogu soo saaro Faafinta Rasmiga ah. Fiiro Gaar ah: Meel kasta oo ay ku taalo “Madaxweynuhu ha gudoomiyo” halagu badalo “Madaxweynuhu ha saxiixo.”

Qodobka 108aad: Guddiga Dhexdhexaadinta Baarlamaanka Federaalka

Looma baahna Guddigaan Dhexdhexaadinta, shaqadaas waxaa iska leh Maxkamadda Dastuuriga ah.

Qodobka 109aad: Faafinta iyo Xafidaada Sharciyada

Halaga dhigo Faafinta iyo Kaydinta Sharciyadda waxaa u xilsaaran Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Somalia iyo Garyaqaanada Guud ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.

Qodobka 112aad: Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Cinwaanka halaga dhigo “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka” meel kasta oo ay ku qoran tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ama Jamhuuriyadda Somalia ha lagu badalo “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka” ama “Jamhuuriyadda Federaalka Somalia”

Faqradiisa 1aad (c) halaga saaro eragya “horumariyaha”

Qodobka 113aad: Shuruudaha Doorashada Madaxweynenimada

Faqrada 1aad

Waa in loo bedelaa sidatan:

Muwaadin kasta oo Somali ah waa u furan tahay in uu u tartamo Madaxweyne Dowladda Federaalka Somalia haddii uu buuxiyo shuruudaha xilka oo ah:-

(a) Inuu yahay muwaadin Somali ah, Muslim ah, ku dhaqma diinta Islaamka, miyirkiisu dhan yahay, da’diisuna aanay ka yarayn afartan (40) sano, qabin xaas ajnabi ah inta uu xilka hayana guursan karin.

(b) Inuu leeyahay tacliin sare, waayo aragnimo hogaamineed, aqoon la xiriirta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed, dalkana ku sugnaa labadii sano ee ugu dambaysay.

(c) Inaan xuquuqdiisa muwaadininimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shantii sano ee ugu dambeysay.

(d) In uusan hore u gelin khiyaamo qaran ama ku xad gudbin xuquuqda  bani’aadamka.

Faqrada 2aad weerta ah: “Murashax Madaxweyne, haddi uu haysto jinsiyada dal ama dalal kale waa inuu doorashada ka hor ka tanaasulaa jinsiyad ama jinsiyadaha shisheeye, waana inuu Guddiga Doorashada Madaxweynaha ee Baarlamaanka u gudbiya caddaymo rasmi ah.”

Halaga saaro faqradaan sababtoo wuxuu ka hor imaanayaa Qodobka 8aad Faqradiisa 3aad & 4aad mana waafaqsana xaalada dhabta ah ee Somalia ka dhacday dhowr iyo 30kii-sano ee u dambeesay ilaa hadana ka jirta.

Qodobka 115aad: Awooda Madaxweynaha

Ha loogu hormariyo faqrad oranaysa: “Ilaaliyaha Diinta Islaamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka Somalia”

Halagu daro Awoodaha Madaxweynaha:

1. Ku dhawaaqiyadda Xaalada Deg degga ah iyo Xaaladda Dagaal

2. Wuxuu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida

3. Magacaabista Sarakiisha sare ee Dowladda Federaalka

Faqrada 1aad: weerta ah “…ogolaanshaha Golaha Wasiirada ka dib” ha lagu badalo “…soo jeedinta Golaha Wasiirada”

Faqrada 5aad halaga dhigo sidatan: “Madaxweynaha waa horumariyaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta”

Faqrada 6aad weerta ah: “Madaxweynuhu inuu gudoomiyo” halaga dhigo “Madaxweynuhu inuu saxiixo”

Faqrada 7aad halaga dhigo “Golaha Shacabka (Aqalka Hoose)”

Qodobka 117aad: Maxkamadaynta iyo Maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha

Faqrada 1aad halaga saaro erayga “culus”

Weerta ah: “Madaxweynaha waxaa maamus ka-xayuubin kusoo oogi kara Golaha Shacabka marka uu ku galo dembi khiyaano-qaran ama xadgudub culus ee Dastuurka.”

Halaga dhigo “Madaxweynaha waxaa maamus ka xayuubin kusoo oogi kara labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka marka uu galo dembi khiyaano qaran ama xadgudub Dastuurka. Madaxweynaha waxaa xilka looga qaadi karaa sadax meelood labo (2 / 3) tirada guud ee Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.”

Qodobka 122aad: Golaha Wasiirada

Faqrada 3aad halaga saaro tirada xadidaysa Wasiirada, waana ka badnaan karaan waana ka yaraan karaan duruufaha siyaasadeed ee jira awgood.

Faqrada 4aad haloo dhigo sidatan: “Golaha Wasiirada waxaa laga dhex xulan karaa Baarlamaanka gudihiisa iyo dibadiisaba. Haddii xubin Baarlamaanka ka tirsan loo magacaabo xubin Golaha Wasiirada wuxuu luminayaa xubinimadiisii Baarlamaanka.”

Farqada 5aad haloo qoro sidan: “Xilbanaynta Raysul Wasaaraha sabab kasta ha ku timaadee waxay keenaysaa dhicidda Golaha Wasiirada.”

Qodobka 123aad: Shuruudaha Xubinimada Golaha Wasiirada

Faqradiisa 1aad

(a) da’da Raysul Wasaraha hala dhigo ugu yaraan 40 sano

(c) weerta ah: “haddi uu haysto jinsiyad dal ama dalal kale waa in uu si

rasmi ah ugu tanaasulaan jinsiyadda shisheeye inta uusan qaban xilalkaas”

Halaga saaro faqrada ah (c) sababtoo wuxuu ka hor imaanayaa Qodobka 8aad Faqradiisa 3aad & 4aad mana waafaqsana xaalada dhabta ah ee Somalia ka dhacday dhowr iyo 30kii-sano ee u dambeesay ilaa hadana ka jirta.

Faqrada 2aad (a) halaga dhigo aan ka yarayn 35 sano

Faqrada 3aad ha la isku daro (a) iyo (b) hana laga dhigo sidatan: “Waxaa ka reeban inay qabtaan xil kale ama Dowladeed ama gaar ahaaneed mudada ay xilka hayaan”

Qodobka 125aad: Xilka iyo Awooda Ra’isalwasaaraha

Faqrada 1aad (c), (d) iyo (e) halaga saaro waxaa iska leh awoodahaas Madaxweynaha Federaalka Somalia.

Qodobka 133aad: Nidaamka Maxkamaha Dalka

Halaga dhigo: “Garsoorku wuxuu noqonayaa laba heer oo ah heer Federaalka iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Waxaa ka dhaxaynaya Maxkamada dalka u saraysa oo Heer Federaal ah iyadoo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay yeelan doonaan Maxkamad Sare oo iyaga u gaar ah.”

Arrintaan ayaan waafaqsan nidaamka dowladaha Federaalka ee caalamka ka jira.

Dowladda Federaalka waxay yeelan kartaa maxkamado shuruucda hey’adaha u gaarka ah Dowladda Federaalka lagu qaado.

Qodobka 141aad: Magacaabista Garsoorayaasha

Qodobkani wuxuu ka hor imaanayaa nidaamka Garsoorka ee Federaalka ah oo labo u qaybsama kuwasoo kala heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Maxkamadaha dalka waxay noqonayaan badidoodu Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, sida Maxkamada Sare, Maxkamada Darajada Koowaad, Maxkamada Gobolka, iyo Maxkamada Degmada. Dowladda Federaalka waxay yeelanaysaa Maxkamada u saraysa dalka oo ah Rafcaanka u sareeya dalka iyo Maxkamada Dastuurka Federaalka ah.

FG: Wixii intaa ka baxsan oo Maxkamadaha ah waa in laga saara.

Qodobada 133-145 oo ka hadlaya Garsoorka Qaabdhismeedkiisa, magacabistiisa iyo xilgudashadiisa

Waa in laga wada hadlaa oo la waafajiyaa nidaamka awood qaybsiga Garsoor Federaalka ah.

Qodobka 147aad: Samaynta Guddi Madaxbannaan

Qodobkan haloo qoro sidatan: “Waxaa jiri doona Guddiyo madaxbanaan oo Heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waajibaadkooda, xilkooda iyo tiradooda waxaa lagu qeexayaa Xeer gaar ah oo laga ansixiyo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Iyadoo la tixgalinayo duruufaha gaarka ah oo Guddiyadaas loo xilsaaray, Xubnaha ka qaybgalaya waa in lagala tashada awoodna loo siiyaa inay ka qeybqaataan Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.”

Tusaale : Guddiga Isucelinta Hantidii la kala dhacay; Guddiga Caasimadda; Guddiga Xuduudaha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka; iyo wixii kale oo si gaar ah u khuseeya Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Wixii intaas lid ku ah, halaga saaro.

Qodobka 148aad: Magacaabista Guddiyada

Halaga dhigo sidatan: “Magacaabidda Guddiga Madaxbanaan waxaa soo jeedin kara Dowladda Federaalka ama Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waxaana ansixinaya Baarlamaanka Federaalka (labada aqal). Haddii Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo magacaabidda Guddigaas, waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha Federaalka, si uu u saxiixo.”

Halaga dhigo sidatan: “Sharciyada gaarka ah ee guddiyada madaxbannaan iyo magacyada xubnaha waxaa soo jeedinaya Dowladda Federaalka ama Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, oo arrinta Guddiga loo saarayo si gaar ah u khusayso.”

Qodobka 149aad: Shuruudaha Xubnaha Guddiyada Madaxbannaan

halagu badalo: “Waa inuu leeyahay aqoon iyo khibrad la xiriirta Guddiga loo magacaabay howsha ay qabanayaan.”

halagu daro: “Waa inuusan ka qaybqaadan dambiyadii dalka ka dhacay”

Qodobka 150aad: Mudadda Xilka

Farqada 1aad halaga saaro sababtoo ah muddada Guddiga waxaa lagu cadeenayaa Xeerka lagu magacaabo Guddi kasta (terms of reference)

Faqrada 2aad halaga saaro hana lagu cadeeyo Xeerka guddi kasta (terms of reference)

Qodobka 151aad: Xil ka qaadista guddiyada

Faqradaha 3aad iyo 4aad halaga saaro sababtoo ah waxay ka horimaanayaan nidaamka Garsoorka lamana samayn karo Maxkamad gaar ah

Qodobka 152aad: Waajibaadka warbixinta

Halaga dhigo sidatan: “Iyadoo muddada howlgalka Guddi kasta ay kala gedisnaan karto, waxaa laga rabaa in Guddi kasta soo qadimo warbixin ku saabsan waxqabadkiisa mudada uu jiro si looga go’aan qaato.” (progress report and final report).

Qodobada kale oo ku saabsan Guddiyada Madaxbanaan oo intaan ka danbaysa halaga saaro dhammaantood, waana tafaasiil iyo iska horimaad aan loo baahnayn.

Qodobka 153aad: Ku dhaqanka qaybtan

Halaga saaro Qodobkaan sababtoo ah arrimahaan waxay ku xusan yihiin Qodobka 148aad ilaa 152aad. Waa tafaasiil iska horimaanaysa iyo isku soo noqnoqod khaldaya qodobadii hore (148aad ilaa 152aad) sidaa darteed halaga saaro Qabyo-qoraalka.

Qodobka 154aad: Xafiisyada Madaxbannaan

Qodobkaan sida uu u qoran yahay ma cadda eray bixintiisa iyo ujeedda qodobkaan midna sidaa darteed halaga dhigo sidatan:

“Waxaa jiraya hey’addo madaxbanaan oo ay yeelanayaan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, sida Garyaqaanka Guud, Hantidhowrka Guud, Bangiga dhexe, diyaaradda Somalia (national flag airline), iyo wixii kale oo haboonaada oo Heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Somalia.”

Qodobka 159aad: Shaqaalaha Dowladda ee Rayidka ah

Faqrada 2aad sidaan haloo qoro: “Waxaa jiraya Guddiga Shaqaalaha Dowladda ee Rayidka ah Heer Federal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka Dowladda Federaalka.”

Qodobka 161aad ilaa Qodobka 163aad: oo ka hadlaya Dastuurada Dowlad Goboleedyada

Qodobada 161aad, 162aad iyo 163aad oo ka hadlaya arrimaha dastuurada Federaalka iyo Dowladaha kale ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, si ay isu waafaqi lahaayeen ayaan la aqbali karin sida ay Qabyo Qoraalka ugu qoran yihiin qodobadaani.

Maadama Dastuurka Puntland loo qaaday afti dadweyne, ahna dastuurka kaliya oo dhamaystiran ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waa in la iswaafajiyaa Dastuurka Federaalka iyo Dastuurka Puntland ka hor ansixinta dadweynaha ee Dastuurka Federaalka, sidii looga heshiiyay Mabaadiida Garowe 1 iyo 2.

Qodobka 163aad: Wax-ka bedelka Dastuurada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka

Qodobkaan looma baahna, sababtoo ah wax ka badalka Dastuurka waxaa iska leh hey’adaha dastuuriga ah ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Qodobada 164-179aad iyo Qodobka 182aad oo dhamaan ka hadlaya Maaliyadda Guud

Sida Qodobadaan u qoran yihiin lama aqbali karo waana xaqdarro iyo xadgudub wax qaybsiga awoodaha maaliyadeed ee dalka oo la wada siiyay Dowladda Federaalka ah iyadoo waxba loo reebin Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, sida Dowladda Puntland si ay ugu fuliso adeegyadii amniga iyo bulshada.

Qodobkaan waa xasaasi waxaa awood u leh dowladaha Federaalka ka mid noqda inay uga heshiiyaan in si cadaalad ku dhisan waafaqsanna nidaamka Federaalka caalamka. Waa in qodobadaan laga saaraa Qabyo qoraalka ama lagu daraa “inta ay ka soo dhismayaan Dowladihii kale ee ka mid noqon lahaa Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.”

Wixii maaliyad ku saabsan oo ku xusan Qodobada 164aad – 179aad iyo Qodobka 182aad kulligood waa in dib uga wadahadlaan ugana heshiiyaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia.

Gaar ahaan: Qodobka 165: Awoodaha Dakhli uruurinta

Faqrada 3aad: weerta ah: “Xukuumada federaalku sharci ayay ugu oggolaanaysaa xukuumadaha dawlad- goboleedyada iyo dawladaha hoose inay uruuriyaan canshuuro…”

Qodobkaani ma aha mid wafaaqsan nidaamka dakhli-qaybsashada ee Federaalka ah. Xukuumadda Federaalka ma yeelanayso awood ay iyadu sharci ugu ogolaanayso Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Balse, kala qaybinta dakhliga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyadoo isu dheelitiran canshuuraha iyo adeegyada Dowladahaasi fulinayaan in marka hore lagaga heshiiyo siyaasad dhaqaale ahaan intaan Qabyo qoraal lagu soo bandhigin.

Qodobka 180aad: Bankiga Federaalka

Faqrada 2aad meesha Maaliyaddu ku qorantahay halagu bedelo “Lacagta”.

Qodobka 183aad: Kaydka Qaranka

Qodobkan Hey’ad loo xilsaaray Keyd Qaran ma jiri karto sababtoo ah Hey’adda kaliya oo keydka qaran hayn kartaa waa Bangiga Dhexe oo kaliya.

Qodobka 184aad: Suggidda Amniga Jamhuuriyadda

Qodobkaan 184aad ma aha mid u gaar ah Dowladda Federaalka oo kaliya, sida ku qoran Qabyo qoraalka. Wuxuu noqonayaa mid ay u dhan yihiin Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federalka, ciidamada qalabka sidana ay ku wada jiraan. Tusaale ahaan, waa in qaabka hoos ku qoran loo badalaa Qodobkaan:

Faqrada 1aad halaga dhigo sidaan:

(a) Ciidamada Xoogga Dalka oo isugu dheelitiran Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka

(b) Booliiska Federaalka iyo Booliiska Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka

(c) Ciidanka Asluubta ee Federaalka iyo kan Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka

(d) halaga dhigo Hay’adda Sirdoonka Federaalka iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Faqrada 2aad adeegsiga Ciidamada Amniga waxaa lagu sugayaa Sharciyadooda u kala gaarka ah Heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Qodobka 187aad: Hay’adda Gardonka (Ombudsman)

Qodobkaan dhaqan-dowladeedka Somalia xilligaan kama shaqayn karo halaga saaro, Hey’adda Gardoonka (Ombudsman) shaqadeeda waxay ka hor imaanyasaa Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud, Maxkamdaha iyo Shuruucda dalka u degsan, sidaas darteed waa in meesha laga saaraa.

Qodobka 188aad: Amaro Sharci darro ah oo cad

Weerta ah: “Xubnaha ka tirsan Ciidammada Qalabka Sidaa uma hogaansami karaan amar sharcidarro cad ah.”

Qodobkan ma geli karo Dastuurka, wuxuu ka mid noqonayaa Xeerka Ciidamadda.

Qodobkaan meesha halaga saaro.

Qodobka 189aad: Kormeerka Rayidka ee Ciidamadda Amniga

Qodobkan cinwaankiisa (Kormeerka Rayidka ee Ciidamadda Amniga) iyo tafaasiisha hoose isma laha waana iska hor imaanayaan dib haloo qoro hana la saxo. Tafaasiisha qaarkeed oo ku qoranna waxay ka mid tahay Awoodaha Madaxweynaha Qodobka 115aad.

Fiiro gaar ah: Qodobkaan wuxuu ka mid yahay meelaha jahwareerka awoodaha hana laga saaro tafaasiisha aan loo baahnayn.

Qodobka 190aad: Waajibaadka iyo Kormeerka Xakamaynta Ciidamadda Xoogga Dalka

Qodobkan wuxuu ka hor imaanayaa qodobo ka horeeyay loomana baahna waa in meesha laga saaraa, Tusaale ahaan faqrada 2aad & 3aad wuxuu ka hor imaanayaa qodobka ka hadlaya Ciidamada iyo Waajibaadkooda (Qodobka 184aad) halaga saaro.

Qodobka 191aad: Waajibaadka Ciidanka Booliiska Federaalka

Qodobkaan wuxuu ka hadlaya shaqo hoosaadkii howlaha Booliska waxaana lagu xusi doonaa Xeerka u gaarka ah Ciidanka Booliska, sidaa darteed looma baahna in Dastuurka lagu qoro tafaasiil hoose halaga saaro.

Qodobka 193aad: Dhismaha iyo Waajibaadka Ciidanka Nabadsuggidda

Qodobkaan oo ka hadlaya Nabadsugida, halka ay Ciidan ka tahay halaga dhigo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida.

Qodobka 194aad: Ciidanka Asluubta Federaalka

Qodobkaan oo ka hadlaya Ciidanka Asluubta Federaalka, dalka wuxuu yeelanayaa Ciidan Asluub heerka Federaal iyo Ciidan Asluub heerka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Qodobka 196aad: Guddiga Adeegga Ciidamadda Amniga

Qodobkani wuxuu ka hor imaanayaa qaab dhismeedka Ciidamada, Guddiga noocaan ahna ma jiri karo halaga saaro. Adeegga Ciidamada waxaa u xilsaaran Wasaaradaha ay hoos yimaadaan iyo Talisyadooda.

Qodobka 197aad: Xaaladda Degdegga ah

Qodobkaan wuxuu khilaafsanyahay Qodobka 125 Faqrada 1 (e) ee isla qabyo-qoraalkan oo awooda ku dhawaaqista Xaaladda degdega ah siinayay Raysul Wasaaraha, hasa yeeshee aanu iswaafajinay Qodobkaan oo sax ah iyo Qodobka 115aad ee Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.

Qodobka198aad: Sharcidejinta Arrimaha Nabadda iyo Amniga

Qodobkaan wuxuu ka hadlayaa waajibaad aan cadayn waa in dib loo qoraa si waafaqsan Qodobadii hore loo soo sheegay ama meesha laga saara.

— DHAMAAD —

Waxaa soo diyaariyey:

Guddiga Dowladda Puntland ee Dib u eegidda Qabyo-qoraalka Dastuurka Federaalka, oo ka kooban:

1.Md.Cabdiweli Xirsi Cabdulle Gudoomiye Wasiirka Shaqada, Ciyaaraha iyo Dhalinyarada

2. Md.Dahir Xaji Khalif Xubin Wasiirka Howlaha Guud

3. Md.Maxamad Farax Gaashan Xubin Wasiiru Dowlaha Maamul Wanaaga

4. Xil.Axmed Jamac Cabdulle Xubin Gudoomiyaha Guddiga Shuruucda Baarlamaanka Puntland

5. Xil.Sadiq Abshir Garaad Xubin Ku-xigeenka Guddiga Shuruucda Baarlamaanka Puntland

6. Md.Axmed Caydiid Cisman Xoghayn Agaasime-ku-xigeenka Madaxtooyadda Puntland

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online