Puntland oo warsaxaafadeed ka soo saartay shaqaaqo ka dhacaday Degmada Xaafuun

May 27, 2012 - Written by

Xaafuun:-Wararka saaka naga soo gaaraya Degmada xaafuun ee gobalka Karkaar ayaa soo sheegay in iska horimaad uu dhexmaray dhalinayo hubeysan iyo ciidamo ka tirsan Puntland waxaana iska horimaadka uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac. Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Bari Col Cismaan Xasan Cawke oo la hadlay warbaahinta magaalada Boosaaso  ayaa sheegay in howlgalada ka socda Degmada Xaafuun lagu soo qabtay 6 dhalin yaro ah.

Dhinaca kale wararka galabta naga soo gaaraya Degmada Xaafuun ayaa sheegaya  inay Xaalada Degmada ay degan tahay wax dagaal ahana uusan ka socon .iyada oo odayaasha iyo waxgaradka ay kulan la qaateen wafdi ka socda Puntland.

Degmada Xaafuun ayaa waxaa haatan ku sugan oo gaaray Taliyaha Ciidanka PMPF Col.Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga iyo Hubka dhigista Dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan, Taliyaha Booliska Puntland Col. MaxamedSiciid Jaqanaf iyo Taliye-ku-xigeenka Booliska Puntland Col Muxyidiin Axmed Muuse.

Dhinaca kale Dowlada Puntland ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay shaqaaqada ka dhacday Degmada Xaafuun wuxuuna u qornaa sidan.

WAR SAXAAFADEED 27 May 2012

Ciidanka Badda Puntland PMPF oo Soo Qabqabtay 11-burcad badeed Cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Badda Puntland (PMPF) ayaa 26 May 2012 waxay hawlgal ku gaareen degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar waxaana hogaaminayey Taliyaha Ciidanka PMPF Col.Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga iyo Hubka dhigista Dowladda Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan, Taliyaha Booliska Puntland Col. Maxamed Siciid Jaqanaf iyo Taliye-ku-xigeenka Booliska Puntland Col. Muxyidiin Axmed Muuse.

Saaka (27 May 2012) abaare 10:30 ayaa hawlgal Ciidamada PMPF ay ka sameeyeen aaga Xaafuun waxay ku soo qabteen 11 nin oo burcad badeed

ah oo uu hogaaminayey Maxamed Maxamuud Maxamed Xasan (Dhafoor) oo ah nin ku caanbaxay ka qowleysiga xeebaha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed in badana Dowladu ku raad joogtey. Dhafoor waxa uu ku lug lahaa jidgooyo horey Ciidamada Amniga ee

Dowladda Puntland loogu dhigey degaanka Hul-Caanood March 2011 halkaasi oo ku dhinteen 5 askari oo ka tirsan Ciidamada kuna dhaawacmen 8 kale islamarkaasna ku burburiyeen qalab ciidan.Dhafoor waxa uu ka tirsanaa ragii burcada ahaa ee afduubka u haystey

qoyskii u dhashey dalka Denmark. Kooxdan burcada ah ayaa dhinaca kale lagu soo qabtey gaari ay wateen oo

nooca Toyota Surf ah, 7 qori oo AK47 ah iyo boobe culus. —

Ministry of Security and DDR

Puntland State of Somalia

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Puntland ay ka soo saartay Dhaqaaqo ka dhacay saaka Degmada Xaafuun ee gobalka Karkaar.

PR_27May2012_So

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online