Puntland oo soo bandhigay 4 dhalinyaro ah oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab

May 27, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa maanta taliska ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ay soo bandhigeen ilaa 4 dhalinyaro ah oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab kuwaas oo lagu soo bandhigay degaanka Af-furur oo ka tirsan degaanka Galgal ee Gobolka Bari. Deegaanka Af.furur  ayaa maanta waxaa tegay masuuliniin ka tirsan Puntlland oo uu hor kacyey wasiirka ku xigeenka amniga dowllada Puntlland Cabdi Jamal Cismaan Maxamed, wasiir ku xigeenka Howlaha guud iyo gadiid Puntland Farax Cali Cabdi, Taliyaal ciidan oo ka tirsan laamaha amaanka ee ciidan ka Puntlland.

Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa saxaafada u soo bandhigay ilaa 4 dhalinyaro ah oo wasiirku uu sheegay in ay ka soo goosteen ciidanka Al-shabaab ee ku jira Buuraha Golis kuwaas oo dagaalo dhowr ah ay ku dhexmareen degaanka Galgala iyo degaanaada ku xeeran .

Wasiirka ayaa sheegay in dhalin yaradaan ay ka faa’iidaysteen cafis ay dowllada Puntlland u fidisay dhalin yarada ka tirsan ururka Al-shabaab ee ku jira Buuraha Golis isagoo ugu baaqay dhalinyarad kalena in ay ka faa’iidaystaan cafiska dowllada ay u fidisay waa sida uu hadalka u dhigaye.

no images were found

Wasiir ku xigeenka amniga Puntand Cabdi Jamal Cismaan Maxamed oo la hadalay dadka degaanka Af-furur ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dadka degaanka ay samaystaan ciidamo madani ah oo ilaaliya nabadgelyadooda isagoo sheegay in dowllada Puntlland ay taageero dhinac walba ah ay u fidin doonto si loo adkeeyo amaanka guud .

Ciidamo ka tirsan ururka Al.shabaab ayaa ku jira Buuraha Golis waxaan ay sheegeen marar badan in dagaal ay la geli doonaa maamulka Puntlland iyagoo dagaalo dhowr ah  iyo weeraro kala duwan ay dhex mareen ciidanka Puntlland.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac ururka Al-shabaab oo ku aadan dhalinayarada ay Puntlland maanta u soo bandhigtay saxaafada kuna sheegtay in ay ka soo goosteen ciidanka ururka Al-shabaab ee ku sugan Buuraha Golis.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online