Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr C/weli Gaas oo gaaray Addis Ababa kulana muhiim ahna la qaatay beesha caalamka

May 20, 2012 - Written by
Ra’iisul Wasaaraha DFKM Prof Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Addis Ababa, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey, Ra’iisul Wasaaraha ayaa isla maanta kulamo muhiim ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub Mr Alexander Rhondos, Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka Ambassador James Swan, Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xog hayaha Guud ee QM Mr Peter De Clercq iyo mas’uuliyiin kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u tagey Addis Ababa si uu uga qeyb galo kulanka ay yeelanayaan Saxiixayaasha Roadmap-ka oo beesha caalamkuna ay goob joogayaal ka ahaan doonaan kulankaas. Kulankan ayaa la filayaa in Madaxda Soomaalida ay go’aanno muhiim ah ku gaaraan oo ku wajahan sidii loo dhameystiri lahaa Xilliga Kala Guurka ah. Bacdamaa lagu jiro dhameystirkii Xilliga Kala Guurka ah ayaa la filayaa in dhowaan Ergeda Ansixinta Dastuurka ay ku kulmaan Muqdisho si ay uga doodaan Qabyo Qoraalka Dastuurka oo ay u ansixiyaan si KMG ah inta laga qabanayo Afti Dadweyne, iyo in Madax Dhaqameedka ay soo xulaan xubnihii Baarlamaanka cusub si August loo helo Dastuurk KMG ah oo Dowladda Rasmiga oo taamka ah ay ku dhaqanto, Baarlamaan tayo leh oo dalka ka saari kara marxaladdan adag iyo Dowlad Rasmi ah oo tayo leh.
Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa u sheegay mas’uuliyiintii uu  la kulmay sida ay uga go’antahay in la soo af-jaro Xilliga Kala Guurka ah oo la helo baarlamaan kooban oo tayo leh iyo dowlad Rasmi ah oo shacabka u istaaga, kalsooni fiicanna ka heysta shacabka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa lagu wadaa inuu kulamo gooni gooni ah la qaato Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi iyo mas’uuliyiin kale ee ka tirsan beesha caalamka gaar ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda UK oo haatan ku sugan Addis Ababa iyo Safiirka UK ee Soomaaliya.
Xafiiska Ra’iisul wasaaraha
Halgan.net, Addis Ababa

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online