Ra’iisul Wasaaraha DFKM oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Turkiga

May 31, 2012 - Written by
Istanbul:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dalka, shirka Istanbul ee arrimaha Soomaaaliya iyo soo afjaridda Xilliga KMG ah.
 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee isaga iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Turkiga, isla markaana uga mahadceliyey doorka hoggaamineed ee saliimka ah ee Turkiga uu ka qaato arrimaha Soomaaliya iyo weliba shirka Istanbul 2 ee arrimaha Soomaaliya oo uu Ra’iisul Wasaare Abdiweli sheegay in Somalidu ay rajo weyn ka qabaan shirkan.
 
Labada mas’uul ayaa si saraaxad leh uga wada hadlay arrimaha Soomaaliya, sida Roadmap ka dhaqangelintiisa, dadaalada Turkiga ay ka wadaan dalka Soomaaliyeed ee ku wajahan mashaariicda horumarineed, dhanka gar-gaarka bani’aadanimo, iyo howlo ballaaran ee ku wajahan dhanka waxbarashada, caafimaadka, iyo dhammaan adeegyada bulshada.
 
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxuu si gaar ah uga mahadceliyey dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Turkiga safarkiisii taariikhiga ahaa ee uu bishii August ku yimid Soomaaliya oo uu sheegay inay keentay in beesha caalamku ay u soo jeestaan arrimaha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxuu sheegay in labada dal ay wadaagaan taariikh facdheer iyo xadaarad wanaagsan, isla markaana uu u sheegay dhigiisa in Soomaalida meel walba ay joogaan dalka gudihiisa iyo dibediisaba ay aad iyo aad ula dhacsanyihiin dadaalada Turkiga ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya kana codsaday inay sii labo jibaaraan.
 
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan ayaa u mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Abdiweli Mohamed Ali iyo sida hogaanka fiican ee uu isbedelo dhab ah uga sameeyey Soomaaliya una rajeeyey in Soomaaliya xal waara loo helo oo ay Dowladda Turkigu ay aad iyo aad uga shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay cagaheeda isagu taagi laheyd.- DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online