Safaaradda Soomaaliya ee India oo Warsaxaafadeed Ka soo Saartay

May 19, 2012 - Written by

India:-Safaaradda Somaliyeed ee saldhigeedu yahay magaalada New Delhi ee Waddanka India, ayaa si diirran usoo dhoweysey Madaxweynaha Puntland Dr. Abdirahman Mohamed Mohamud Faroole iyo wafdigiisii la socdey oo uu ka mid ahaa Mudane Abdullahi Ahmed Jama Ilkojiir, Wasiirka Arrimaha Guddaha.

Sababta ay Madaxda iyo masuuliyiinta Puntland State of Somalia u yimaadeen India waxay ahayd, kadib markii ay casumaad Rasmi ah ka heleen Dawladda India, gaar ahaan Mudane Wasiir E. Ahmed MOS MEA India, oo masuul uga ah Dawladda India arrimaha Africa iyo Carabta. Wasiirkaa oo ahaa masuulkii hogaaminayey wafdigii balaaraa ee ka qayb galay shirkii Somalida loogu qabtey London February 23, 2012.

Musuuliyiinta ka socdey Puntland waxay ka hadleen:

  • Xaaladda guud ee Somalia iyo isbedelka la filayo inuu ka dhaco bisha August 20, 2012, kaasoo ah xilliga laga guurayo Dawlad ku meel gaar ah, loona guurayodawladd iyo dastuur dhameystiran oo Federal ah.
  • Nabadda iyo horumarka ay ku tiigsatey Puntland ilaa 1998 iyo shidaalka hadda laga helay oo lagu dhawaaqey intii ay wafdiga halakan joogeen.
  • Dhibaatooyinka ay ku hayaan burcad badeedda iyo qolooyinka xagjirka.
  • Waxay kaloo si tafatiran uga hadleen dhibaatooyinka ay keeneen Qaxootiyada tirade badan eek u sugan Puntland iyo tahriibta.
  • Waxay ka codsadeen dawladda India inay ka caawiso sidii ay u cirib tiri lahayd burcad baddeed oo si toos ah u saameysay labada waddan. Tusaale, India waxaa kuxiran 120 burcad Somali ah, halka Somalia lagu haysto in ka badan 22 Hindi.

Wasiir E. Ahamed waxayna isku af garteen inay xoojiyaan xiriirka Somalia iyo India. Wuxuu kaloo u ballan qaadey in wafdi loo soo diri doono Somalia soo indho indheeya, gaar ahaan baahida dhabta ah ee ka jirta dhinaca waxbarashada, caafimaadka, beeraha, kaluumeysiga, iyo khayraadka dabiiciga ah.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisii ayaa soo booqdey dhismaha Safaaradda Somalia ee New Delhi, una saxiixey buuggii marti sharafta. Sidoo kale, waxay halkaa kula kulmeen qayb ka mid ah ardeyda Somaliyeed ee waxka barata waddanka India.

Waxaa xusid mudan in safarkaasi ay ku yimaadeen Madaxda Puntland uu ahaa safarkii ugu horeeyey, isla markaana uu ahaa masuulkii saddexaad oo ka socda Somalia muddo 29 sanno ka dib yimaada India. Dr. Abdiweli Mohamed Ali Raiisul Wasaaraha haatan iyo Dr. Aidid Yusuf Wasiirka Waxbarasha ee Somalia ayaa iyaguna safar shaqo ku yimi India labadii sanno ee la soo dhaafey.

Waxaanu mahad gaara u celinaynaa dhammaan saaxiibada Somalia oo ka soo qayb galay khudbaddii Madaxweyaha Puntland State of Somalia ee ka dhacdey ICWA, Supra House.

Wixii faahfaahin intaa ka baxsan, fadlan kala xiriira

Safaaradda Somaliyeed ee India
somaliaembassyindia@yahoo.com

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online