Samafale u shaqaynayey Hay,adda Islamic Relief oo lagu dilay Baydhabo

May 10, 2012 - Written by

Waxaa allaha u naxariistee xalay lagu dilay magaalada Baydhabo samafale ahaa masuulka Hay,adda Islamic Relief ee Gobolka Bay iyo Bakool laguna magacaabi jiray Maxamed Axmed Fanax , Samafale Maxamed Axmed ayaa ahaa shaqsi ka shaqayn jiray isku xirka arrimaha bulshada iyo taakulaynta dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Baydhabo iyo Gobolka Bakool.

Samafalahaan ayaa waxaa la dilay xili uu ka soo baxay masjid ku yaal magaalada Baydhabo  ee xarunta Gobolka Bay oo ku soo tukaday salaadii Cishe , Maxamed axmed Fanax ayaa waxaa uu ahaa allaha u naxaristee nin ahlu diin ah in badan aad ugu dadaali jiray in dadka tabaalaysan uu gaarsiiyo gargaaro kale duwan.

Dhagarqabayaasha dilay Samafale Maxamed Xamed Fanax oo ku hubaysnaa Bistoolado ayaa goobta ka baxsaday iyadoo aan ilaa hadda la aqoon sababta dhabta ah ee ka danbaysa dilkaan fosha xun. Sanadihii ugu danbeeyey ayaa waxaa jiray kooxo abaabulan oo iyagu bartil maamsada dadka wax tarka u ah bulshada iyagoo dilalkooda ku beega marka qofku u socdo ama ka soo baxayo Masaajidka arrinkaas oo tuhun badan abuurtay cid ay u shaqaynayaan kooxaha afka duubt ee dilalka qorshayna ka wada dhamaan Gobollada dalka Soomaaliya oo dhan

Usbuucii la soo dhaafay ayaa sidoo kale magaalada Baydhabo waxaa lagu dilay nin ganacsade ah oo laga yaqaan magaalada ,dilalkaan abaabulan ayaa imaanaya xili magaalada Baydhabo ay haystaan ciidamo Itoobiyaan ah oo taageeraya ciidamo soomaali ah oo sheeganaya in ay taageersan yihiin ama ka mid yihiin DFKM

A/Cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online