Sh.Maxamuud Shible oo bilaabay muxaadaraad uu uga hadlayo Gaalaysiinta dadka muta’awiliinta ah(Dhagayso)

May 25, 2012 - Written by

Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli oo in dhawaaleba masaa’l diiniI ah oo kale duwan uga hadlayey si cilmi ah, ayaa xalay waxa uu bilaabay Muxaadaro uu uga hadlayo waxa ay Ahlu Sunaha ka yiraahdeen gaaleysiinta dadka muta’awiliinta ah ee ay Culimadu kowda ka yihiin.

Shiikha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku sugan yihiin laba qolo oo ku xadgudubtay gaaleysiinta aan shareecada waafaqsaneyn, wuxuuna ku kala sheegay:

1- Qolo hore oo Takfiir loo yaqaan.

2- Qolo kale oo hadda joogta oo aan waxba ka sokeynin Takfiirka caadiga ah.

Shiikha ayaa sheegay in qolyahan dambe ay siyaabo dadban u sheegaan in Soomaalidu ay gaalo u arkaan, balse waxa uu Shiikhu sheegay in duruuftu ay u saamixi la’dahay inay si toos ah bareerahooda u muujistaan.Sheekh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli ayaa sheegay in qolyahan dambe waxyaabaha ay dadka ku gaaleysiiyaan ay ka soo min-guuriyaan kitaab lagu magacaabo (Idaaratu Tawaxush) oo uu qoray nin lagu magacaabo Abuu Bakar Naaji, wuxuuna Shiikhu carrabka ku adkeeyey in arimahani ay aheyn kuwa hadda bilowday.

Shiikha ayaa sheegay in dhaqanka Khawaarijta ay ka mid tahay caayidda Culimada iyo leyntooda, wuxuuna intaas ku daray in qolyo ajar ka doonanaya ay jiraan dilka, qixinta iyo caayidda Culimada, wuxuuna tusaale u soo qaatay in Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan uu dilay nin salaad ku garab tukaday.

Sh. Shibli oo ka waramayey waxyaabaha ay qolyahan dambe aaminsan yihiin, ayaa sheegay in ay caado ka dhigteen in meesha laga saaro shuruudihii iyo waxyaabihii qofka ama bulshada Kufriga ka horistaagayay haddiiba uu ku dhaco wax Kufri ah oo sharciga boos looga helo, wuxuuna Shiikhu ka digay in sidaas loogu cayaaro cilmigii ay Culimada Sunadu qarireen.

Dhinaca kale Shiikha ayaa muxaadaradiisa oo socon doonta habeenada soo socda uga waramay sida Culimada Sunadu  ayan ugu degdegi jirin dadka Muta’awiliinta ah ee daliilku si kale ula muuqday, wuxuuna soo guuriyey hadaladii ay Culimada Sunadu ka yiraahdeen arinkaas.

Ugu dambeyntii: Sh. Shibli ayaa sheegay inuu ka hadli doono hadalada Culimada ee uu xalay soo guuriyey halka ay ka soo dheegteen iyo nusuusta ay cuskadeen, wuxuuna Shiikhu carrabka ku adkeeyey inuu soo bandhigi doono waxyaabo badan oo si kale dadka loogu aqriyey.

Dadweynihii dhageysanayey Muxaadarada Shiikha ayaa aad ugu riyaaqay Mowduucaan Shiikhu ka hadlay, iyadoona si cilmi ah ay wax badan uga ogaadeen masaa’il waayadan ka taagnaa fagaarayaasha Soomaalida.

Illaahay Shiikha ha u barakeeyo Cilmigiisa, cimrigiisa iyo camalkiisa.

Hoos ka Dhagayso muxaadaradii 1aad Sh Shible ee uga hadlay gaalaysiinta dadka muta’awiliinta ah

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/4re9a7a5ti/gaaleysiinta1.mp3]
Halkaan ka rogo

Halgan.net
Nairobi

10 Comments so far

Leave a comment

  1. maasha allah ilaahey qeyr ku sii walaal

  2. yaa fasiih liman tasiih. shiiqa hadalkii waa dhameeyay laakiin yaa wax ku qaadanaayo.

  3. ASC walaalha webka maamula aad ayaan idiin salaamay webkaan shaqada uu hayo iyo maadooyinka cilmiga ah oo aad noo soo galisanaaa waan ku diirsanay weyna shaafisay culimadana ilaah ha xifdiyo iyo xaasidna ka dhowro waxaan idinka sugnaaba waa silsilada oo dhamaystiran iyo qoraalka wanaagiigana alaha badiyo

  4. ASALAMU ALEYKUM WLALAHA HALGAN WAXAAN KA CODSANEYNAN MUXADAROYINKA IN AAD NO SO GALISAAN AYAGOO VIDIO AH MUQAL MUXADAROOYINKAN AAD AYAA LOOGU BAHNAA DAD BADAN AYAA NAGA DALBANAYO IN AAN U DUUBNO WAAD MAHADSANTIHIIN SHEEKANA ILAHAY HA NOO XIFDIYO ADUN IYO AAKHARABA WAQTIGAN LA JOOGA XAQOO LACADEEYO DAD BADAN AYAA DHIBSANAYO

  5. Assalaama caleykum.
    Walaalaha website-ka Halgan.net waxaan ka codsanayaa inay Dhageysiga muxaadarooyinka ku daraan Download. Macnaha, si muxaadaradii ay dhageysi oo keliya ugu koobnaanin laakiin loo gashan karo computer-ka. Download waxaan uga jeedaa adiga oo aan dhageysaneynin si aad muxaadaradii computer-ka u gashatid.

    Jazaakumlaah Kheyr

  6. Asc walalaha halgan.net wan idin salamayaa salanta islamka ASC salaan kadib wan u bahanahay muxadaradi sheikh umul oo kusabsaneyd qisadi salman oo dhamashtiran kheyr Alle hainkasiiyo misanka Aqarana ALLE BIRIYO

  7. AA dhamaan- khayr alaha siiyo sheekha iyo maamulkaba, balse su’aaal- waddankii gaalaa qabsataye goormaynu ka hadalnaa middaa?

  8. Ugu horeyn wad salamantihiin bahda wabsetkan halgan.net maasha,allah allah hano xifdiyo sheekhena waxase layaable dadka markasta culimada iska daba dhigta waxna kasheega kuwas allaha naga qabto.

  9. walaal asalaamu calykum walaal shaqaalah wabseedka waxaan kacodsanyaa in ay soo galiyaan xadiis yadii alwaciid oo daabacan sidii uu balqaaday shiikhu nabad galyo

Leave a comment

*