Sh.Shibli ayaa habeenkii xalay ka hadlay ka digidda gaaleysiinta dadka Muta’waliyiinta ah.

May 26, 2012 - Written by

Sh. Maxamuud Shibli oo Muxaadaradan ka wada Masaajidka Hidaaya ee uu duruusta ka aqriyo ee magaalada Nairobi, ayaa xalay ka hadlay Nusuusta ay Culimada Sunadaha u cuska deen, markii ay ka hadlayeen inaan la gaaleysiin karin dadka wax ismoodsiiya ee Culimo leh iyo dadka caamada ah ee culimada fataawida ka qaata, wuxuuna Shiikhu sheegay:

1- In arintani ay tahay mid ay umaddu ku kulantay, wixii umaddu ku kulantana uu daliil yahay, sida Nabigu NNKH u sheegay, in umaddiisu ayan baadi ku kulmeynin.

2- In qur’aanka iyo sunaduba ay ka marag kaceen in aan waxba loo haysanin qof khalad aan ula kac aheyn uu ka dhacay.

Shiikha ayaa sheegay in tahwiilka uu shuruudo leeyahay, wuxuuna ku kala sheegay:

1- In qofka muta’wilka ah uu Muslim yahay, ee aan Gaal ta’wiil laga yeeleynin.

2- In uu xaq doon yahay

3- In ta’wiilkiisa uu cilmiga iyo luuqadda carabiga boos ku yeelan karaa.

4- In Ta’wiilkiisa uu yahay mid macquul ah oo u dhow waxa uu daliishanayo.

Intaas ka dib Shiikh Maxamuud Shibli ayaa ka hadlay in masaa’isha la isku khilaafsan yahay aan dadka lagu gaaleysiin karin, isagoona hadalo badan oo addilo waafaqsan  ka soo guuriyey culimada Sunada ee cilmiga ku caan baxay.

Sh. Shibli, ayaa tusaale u soo qaatay in galitaanka baarlamaanada ay culimada mucaasiriinta ah badankood u arkaan wax banaan, qaarkoodna ayba gaarsiiyeen inay waajib tahay, sida Sh. Ibnu Cutheymiin, wuxuuna Shiikhu carrabka ku adkeeyey in mas’aail sidaas ah aan dadka lagu gaaleysiin karin, haddii xitaa culimo kale ay qabto in mas’aladaasi ayan banaaneyn, wuxuuna Shiikhu ku adkeystay in la kala saaro in wax la kala rajaxo iyo in baadi iyo gaalnimo lagu xukumo ciddii si kale u aragta.

Shiikha ayaa sheegay in ciddii galitaanka baarlamaanaadka gaalnimo u aragta ay marka hore gaaleysiiyaan culimada u fatwootay dadka xildhibaanada noqda, haddii kale waxa uu Shiikhu sheegay inay noqoneyso, in la ceyrsado dadka aan cilmiga lagu aqoonin, lagana baqayo kuwii u fatwooday.

Ugu dambeyntii Shiikha, ayaa sheegay inuu caawa soo afmeeri doono muxaadaradiisa, wuxuuna sheegay inuu kaga hadli doono mafaasidda ka dhalaneysa gaaleysiinta dadka wax ismoodsiiyey ee Muslimiinta ah, isagoona sheegay in xaaladda Soomaalidu ku nooshahay uu tusaalayaal ka keeni doono.

Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli, ayaa in dhawaale waxa uu waday Muxaadarooyin uu uga hadlayey masaa’il aad muhiim ugu ah xaaladda ay Soomaalidu maanta ku sugan tahay, iyadoona Shiikhu uu wax badan u iftiimiyey dadka cilmi doonka ah, balse waa ciddii wax ku qaadaneysee.

Muaxaadarada labaad oo cod ah dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu ee ha moogaanina

 

Somalireal.com/Halgan.net
Kenya ,Nairobi

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online