Manhajka Salafka ee Nusuusta Waciidka Sh.Shible Muxaadaradii 1aad(Video +Dhageyso)

May 28, 2012 - Written by

Nairobi:-Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli oo ka mid ah culumada caanka ka ah Soomaaliya ayaa waxa uu xalay masaajidka abuu Bakar Sidiiq ee xaafadda Islii ka bilaabay Muxaadaro uu uga hadlayey sida Ahlu Sunaha ay u fasiri jireen Nusuusta ku soo aroortay Gooddiga. Muxaadarada Sheekh. Maxamuud Shibli oo ay dad aad u badan ka soo qeyb galeen, ayaa waxa ay xalay u badneyd horudhac, isagoona ugu horeyn ka hadlay sababaha uu Muxaadaradan u doortay iyo muhiimadda ay leedahay, wuxuuna sheegay in dhowrka habeen ee soo socota ay socon doonto Muxaadarada.

Horudhaca Shiikha ayaa waxa uu ku sheegay in marka dadka Muslimiinta ah culeys uu soo fuulo ay soo baxaan laba aragti oo iska soo horjeeda, kuwaasoo marar badan dhinac mara dariiqii saxa ahaa, waxaana uu labadaas Mad hab ku kala sheegay:

1- Aragtida Khawaarijta

2- Aragtida Murji’ada

Labadan aragtiyood  ayaa waxa uu Shiikhu sheegay inay khatar ku yihiin caqiidada saxiixa ah, balse ay iyaguba kala khatarsan yihiin, taasina ay keeneyso in midda halista badan lagu celceliyo oo laga hormariyo midda kale, waxaana uu ku sababeeyey:

1- In Khawaarijtu ay la fal-galayaan daadinta dhiigga muslimka, baneysashada xoolaha iyo sharafta Muslimiinta, halka dhinaca kale Murji’ada ayan saameyntaas oo kale yeelaneyn.

2- In la helayo Nusuus cad-cad oo Khawaarijta ka digeysa oo si cad tooshka ugu ifineysa, halka Murji’ada ayan Nusuus sidaas u cad ku soo aroorin.

3- In Khawaarijta xukunkooda lagu muransan yahay Muslim iyo Gaalo, halka Murji’ada aan lagu murmin si gaar ah.

Sababahaasi markii uu Shiikhu sheegay, ayaa haddana waxa uu ku daray in Soomaaliya ay ka soo muuqanayaan waxbaabo uu u doortay ka hadlidda mowduucaan, waxaana uu soo qaatay hadalo ay dheheen qaar ka mid ah wadaaddo Soomaaliyeed, waxaana ka mid ah, sida Shiikhu sheegay:

1- Wadaad Soomaaliyeed ayaa waxa uu qoray in dadka Soomaaliyeed ay yihiin Gaalo, Gaalnimadoodana ay tahay mid Asal ah ee ayan riddoobin, ab ka abna ay Gaalo soo ahaayeen, waa sida wadaadkaasi u qoray maqaalkiisa.

2- Wadaad kale oo Soomaaliyeed ayaa isna Maqaal qoray, kaasoo sheegay inay gaalo yihiin dhamaan dadka ku dhaqan meelaha dowladda KMG ah ka taliso, Puntland, Somaliland, iyo dhulka ay Soomaalidu degto ee Itoobiya, waxaana Shiikhu sheegay in maqaalkaas oo 50 bog ka kooban uu akhriyey bishii 1-aad ee sanadkan.

3- Wadaad kale oo Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in dadka Muqdisho ku laabanaya ee ka tagaya Ceelasha biyaha ay gaalo yihiin, taasna ay sababtay inay Muqdisho tahay dhul gaalo, waa sida wadaadkaas hadalka u yiri, Shiikhuna ka soo raraye.

4- Dadka Soomaaliyeed xaqu waa u cad yahay qofkii gaalnimo ku dhaca ama wax lagu gaaleysiin kara sameeyana horay ayuu diinta Islaamka uga baxayaa, waa hadal kale oo ka soo yeeray wadaad Soomaaliyeed, wuxuuna wadaadkaasi sidaas u sheegay Sh. Umal, sida Shiikhu ka soo guuriyey.

Inahaasi oo dhan marka la fiiriyo Shiikhu wuxuu sheegay in aan laga aamusi karin, wixii ay ku bilowdeen Takfiirka Masar na ay muuqanayaan, taasina ay sababeyso in Nusuusta ku soo aroortay gooddiga si khaldan loo adeegsado, taasna uu si faahfaahsan uga warrami doono.

Intaas ka dib ayaa waxa uu Shiikhu sheegay in marka hore loo baahan yahay in la qeexo qofka Muslimka ah iyo waxyaabaha ay ku sugnaan karaan Islaanimadiisa, wuxuuna yiri:

” Waxaa Muslim ah, qof walba oo ku dhawaaqa kalmadda Towxiida, isagoo wax kala garanaya, isla markaasna akhtiyaarkiisa ku doortay ee aan lagu khasbin, qofkaas ayaa Muslim la dhahaa, loomana shardiyo inuu ficilo kale la yimaado marka hore” ayuu yiri Sh. Shibli.

Intaas ka dib Shiikhu wuxuu tiriyey Nusuus badan oo Nabiga ka soo aroortay, taasoo muujineysay in Islaanimadiisa ay sugnaaneyso qofkii Kalmadda Towxiidka afka ka yiraahda, ama xitaa wax laga fahmayo inuu iyada u jeeda yiraahda, ama sameeya wax lagu yaqaano Islaamka, waxaana Shiikhu xoogaa ku hakaday daliilada ku soo arooray arimahaasi iyo kuwa kale oo badan.

Ugu dambeyntii: Muxaadarada Shiikha ayaa sii socon doonta, waxaana uu sheegay in uu sheegi doono ilaa boqol daliil oo ku saabsan gooddiga ku socda dadka ahlu qiblada ah marka ay wax kufri ama Naar lagu muteysan karo ay ku dhacaan, iyo macnaha ay Nusuustaasi leedahay ee ay ahlu sunaha u fasiraan, waxaana Shiikhu sheegay in 3 -da habeen ee soo socota uu isku dayi doono inuu amuurahaasi ku falanqeeyo.

Hoos ka Dhageyso Muxaadarsdii 1aad Sheekh Maxamuud Shible Manhajka Ahlu Suna Ee Nusuusta ku soo aroortay Waciidka oo Video ah

 Hoos ka Dhageyso Muxaadarsdii kowaad  Sheekh Maxamuud Shible Manhajka Ahlu Suna Ee Nusuusta ku soo aroortay Waciidka
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Mshible1.mp3]

Ama Halkan Mp3

Nairobi
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Allaah ha xifdiyo Sheikheena Allaah ha barkeeyo waxaan ku jeclahay siduu xaqa iyo baadilka u kala saaro Allaah waa baray cilmi allaahna ha u siyaadiyo ee dadoow aan difaacno Culamadeena oo yaan agteena wax looga sheegin dhigooda iyo sumacadooda aan u doodno dadka wax magartada ah ee culimada raaf qodanayaay waa dad aan wax dano akhiro ah lahay ee noloshoodu tahay aduunka iyo inta la joogo aloow naga qabo shartooda noonna barkee culimadeena inta wax ka si yihiina soo hadee.

  2. jazaakallaahu kahayran wajazaa sheekhanaa maxamuud aalee haku xifdiyo

  3. Salaamu Caleykum, Fadlan inoo soo dadajiya muxaadaraadkaas hadii Alla idmi. mida kale Kitaabka Dr.Shaykh Ali Maxamud Salah ee ah Al Moowsuucah casharada oo mp3 ah soo gali website-ka hadii aad awoodaan falan.

    Jazaakumullahu Khayran.

    Salaamu Caleykum…

  4. jzkh allah kheyr Halgan.net waxaan sugnaabo Waa Muxaadirooyinka Silsilada ah ee shiekh ..Ajar iyo xasaad badan allaah kasiiyo shiekh ….Annagane kuwii ku camal falo allaah naga dhigo ..Allaahuma Aaaaameen

Leave a comment

*