Shir saxiixayaasha Roud-Map-ka uga furmi doona magaalada Addis Ababa (Dhageyso)

May 19, 2012 - Written by

Addis Ababa :-Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu wadaa in uu shir uga furmo maalinta Isniinta saxiixayaasha Roud-Map-ka ka dib markii ay Puntland ka biyo diiday Dastuurka qabyo qoraalka ee DFKM .Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Saciid Yuusuf Nuur ayaa xaqiijiyey in shirka ka furmayo magaalada Addis Ababa maalinta Isniinta ee soo socota.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Saciid Yuusuf Nuur ayaa sheegay in dhamaan saxiixayaasha Roud-Mapka ay wada iman doonaan shirka ka furmaya magaalada Addis Ababa ayna dhamaantood aqbaleen.

Danjire Saciid Yuusuf Nuur  ayaa wareysi siiyey Laanta afka Soomaaliga ee BBC wuxuuna xaqiijiyey in ay shirka casumtay QM iyo Beesha Caalamka waxaana marti galin doonta ayuu yiri dowlada Itoobiya.

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxaa haatan ku sugan Madaxweynaha dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole waxaana la filayaa in ay ilaa birito ay soo gaaraan Addis Ababa dhamaan saxiixayaasha Roud-Map-ka.

Danjiraha u fadhiya DFKM dalka Itoobiya  Saciid Yuusuf Nuur  ayaa sheegay in shirka uu socon doono laba maalmood lagana yaabo in uu ka bato
Wareysiga Danjiraha u fadhiya DFKM dalka Itoobiya  Saciid Yuusuf Nuur  ay la yeelatay BBC hoos Ka Dhageyso.

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/5hjw816pe3/saciid.mp3]

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online