Shirkii Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya oo saaka ka furmay magaalada Muqdisho

May 5, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa saaka ka furmay magaalada Muqdisho Shirkii Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya kaas oo ay odayaasha ku soo xuli doonaan xubnaha ka mid noqon doona golaha Baarlamaanka ee Dowlada Soomaaliya kaas oo soo dooran doona Madaxweynaha Soomaaliya bisha 8aad 2012-

Madasha shirka ayaa waxaa haatan soo gaaray Raisulwasaaraha DFKM Pro.Cabdiweli Maxamed Gaas ,wasiiro ,xilkdhibaano iyo marti ka socota beesha Caalamka gaar ahaan Ururka Midowga Afrika iyo IGAD.

Furitaanka shirka ayaa waxaa khudbadii ugu horeysay ka jeedshay wasiirka warfaafinta Boostada iyo isgaarsiinta C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn” wuxuuna sheegay in shirka uu ahmiyad weyn u leeyahay wuxuun rajo ka muujiyey in laga baxo xaalada ku meelgaarka ah loona gudbo dowlad rasmi ah.

Ammaanka goobta uu ka dhacayo dhirka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana halkaasi si wadajir ah ammaanka u sugaya ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM  waxaana xiran wadooyinka qaarkood magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa la filayaa in uu ku soo biiro madasha Shirka odayaasha dhaqanka ee Soomaaliya si loo helo dowlad rasmi ah.Culuma,udiin ,Siyaasiyiin iyo waxgarad kale ayaa diidan Dastuurka qabyo qoraalka ah ee DFKM iyaga oo sheegay in Dustuurkan uu yahay mid laga soo miinguuriyey wadamo gaalo ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online