Shirkii Saxiixayaasha Roadmap-ka oo maalintii 2aad ka socda Addis Ababa (Warsaxaafadeed)

May 22, 2012 - Written by

Addis Ababa :-Waxaa maalintii labaad magaalada Addis Ababa ka socda shirkii Madaxda Soomaalida oo looga hadlayey sidii loo dhameystiri lahaa dhamesytirka Xilliga KMG ah oo ay Madaxdu ka wada hadlayeen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin, Oday dhaqameedyada Muqdisho ku sugan, sidii xal loogu heli lahaa khilaafka yar ee jira, sidii loo soo xuli lahaa Ergeda Ansixinta Dastuurka (825), sidii loo hirgelin lahaa Dastuurka Qabyo Qoraalka ah oo shacabka loogu soo bandhigi lahaa iyo sidii loo hubin lahaa in Madaxda Dhaqanka ay soo xulaan xildhibaano tayo leh oo matali kara shacabka Soomaaliyeed.

Xalay doodu waxey u badneyd Madax Dhaqameedka iyo sidii loo dhameystiri lahaa inta ka harsan liiska, isla markaana loogu gudbi lahaa sidii ay bulshada rayidka ah ula shaqeyn lahaayeen Madax dhaqameedyada oo loo arkay inay muhiim tahay inay kaalin muhiim ah ku yeelato soo xulidda xildhibaanada.
Dhammaan Madaxda Soomaalida iyo beesha caalamkaba waxaa ka wada go’an in xilliga la soo afjaro 20ka August. Ha yeeshee loo baahanyahay in caalamku uu dhaqaalihii uu ballanqaaday si dhaqso leh u soo gaarsiiyo si loogu dhameystiro shirarka muhiimka u ah soo afjaridda xilliga KMG ah.
Shirka ayaa doodo xasaasi ah ay ka socdaan maanta oo la filayo in caawa la soo gabogabeeyo. Shirkan Madaxda Soomaalida ayaa muhiimad gaar ah u leh dhameystirka Xilliga KMG ah, oo ay muhiim tahay inay dhammaan aragti mideysan ka wada yeeshaan qorshaha inta ka hartay oo ay ka mid yihiin sidii loo ansixin lahaa dastuurka, in dastuurka ay sixitaan ku wada sameeyaan si loo helo dastuur ay ku wada mideysan yihiin shirka marka uu soo dhammaado, in xal loo helo guddiga farsamada iyo sidii loo soo xuli lahaa iyo ugu danbeyn habkii loo soo xuli lahaa barlamaanka cusub.
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister
& Spokesperson of the Government

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online