Shirkii11-aad ee Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee W/Ameerika oo Minneapolis ka dhacay

May 28, 2012 - Written by

Minneapolis: Waxaa si rasmi Shalay iyo Maanta uga socda MasaajidkaAbuubakar As-Saddique ee Magaalada Minnea polis shirkii 11-aad ee GolahaImaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika loona soo gaabiyo (NACSI), shirkawaxaa kasoo qayb galay golaha shuurada oo matalaya 18 Maraakis/Masaajid iyogolaha fulinta oo ka kooban 5- xubnood, Shuurada waxaa Gudoomiye u ah Sh.C/raxmaan Sh. Cumar, shirkan oo sanadkasta lagu qabto Markas kamid ahMaraakista Golahaan ku midaysan ayaa Sanadkan waxaa MarTi galiyey Maraakistaiyo Masaajida gobolka Minneasota oo Abuubakar uu hogaaminayo.

Shirka ayaa sida caadada ahayd Magaalada aad looga dareemay,maadaama Imaamyada shirka kasoo qayb galay ay ka khudbaynayeen Masaajidda Gobolka Minnesota. Shirka ayaa lagu furay Isdiiwaan galin iyo Soo dhawayn loojeediyey culimmada iyo ducaada ka kala timid Maraykanka daafahiisa. Culimmadaiyo ducaada ayaa aad ugu faraxsanaa inuu shirkaan nasiib u yeeshay inuu kalasoo qayb galo Sh. Maxamed Idris Axmed oo kamid ah Culimmada Waawayn eeSoomaaliyeed, kana mid ah aasaa sayaashii Majlisul aa’iamah ama GolahaImaamyada.

no images were found

Soo dhawayntii kadib ayaa shirka waxaa si rasmi ah u furay : Sh.Abdirahman Sh. Omar, ah Gudoomiyaha Shuurada NACSI, sheikha ayaa ka hadlaymuhiimada kulankan, illaahayna uga mahad celiyey waafajinta CulimmadaanSoomaaliyeed uu waa faajiyey inay Sameeyaan golaah sanadkii 2000 oo ahaydxiligii Soomaalidu Maraykan kusoo qulqulaysay, qodobka labaad ee shirka Saakaayaa ahaa, warbixin Xubnaha Hay’ada NACSI kuna saabsan Nashaadkooda,barnaamijyadooda iyo guud ahaan gobolka ay ka yimaadeen, waxaa xusid mudan inlaga warbixiyey daafaha Maraykanka oo dhan, Minnesota waxaa kasocday 5-Masaajid, California, Georgia, Tennessee , Seattle Washington, Ohio, Arizona,Kansas Missouri, New-England, Utah, iyo qaar kale.

Sidoo kale waxaa shirka warbixin kasoo jeediyey Cali Xaaji oo ahHARO masuulkeeda kana soo noqday Soomaaliya, Ali Xaaji ayaa ka dhawaajiyey arinkasoo qayb galayaashii shirka walaac galisay, taasoo ah “Dacwada wadankaaad ayey u hoosaysaa, mana arkaysid waxbarasho Islaami ah oo kusoo jiidata,waxaan idiin soo jeedin lahaa in Dacwada wadanka aad dad baraarujiya oo oodhiira galiya u diyaarisaan ayuu kudaray.Sidoo kale Dhalinyarada Golahamaraykanka oo majlisku aas aasay ayaa iyana warbixin kooban oo kusaabsanbaahida dhalinyarada kunool wadankan maraykanka kasoo jeediyey. Intaa kadibwaxaa loo dareeray khubada Jimacaha.

Galabnimmadii ayaa shirka dib loogu soo noqday waxaana warbixinkasoo jeediyey Abdullahi Nuur (Abul Fadli) oo ah ku xigeenka gudoomiyahafulinta wuxuuna ka hadlay “Qodabadii ka fulay go’aamadii kalfadhigiigolaha Majliska ee sanadkii hore (2011), kuwii aan fulin iyo sababihii ay lafuliwaayeen!

 

Intaa kadib Taariikhda iyo baahida keentay in la’aas aaso Golahaanwaxaa ka hadlay Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, aadna ugu dheeraaday marxaladihii uusoo maray, intaa ka dib waxaa shirka lagu soo dhaweeyey marti sharaf ay ka midahaayeen Sh. Xasan Jaamici, Sh. Sacad Muse, Sh. Jibriil Qaadi, Sh. C/laahiIbraahim, Sh. C/risaaq Sancaani iyo Sh. C/qani Qardhaawi oo dhamaantood ka midah Culimmada.

Intaa kadib waxaa Siminaar bixiyey kusaabsan Sidee loo tayeynkaraa loona hormarin karaa Nashaadaadka iyo Barnaamijyta NACSI Sh. MohamedIdiris. Shirka waxuu ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan, shirka oo galay maalintisiilabaad dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa, waxii kasoo baxa gabagabadashirka insha allaah.

 

Xasan Dhooye
Halgan.net, Minneapolis

_____________________________________________

Golaha isutaga masaajida eewaqooyiga Ameerika waa jamciyad khayri ah ama organization non profit ah.

Waxaana la aas aasaydhamaadkii sanadkii 2000kii,wuxuusa si rasmi ah u dhaqangalaysanadkii 2001dii

UJEEDOOYINKII LOO AAS AASAY:-

1- Dhismayaasha Masaajidaiyo Maraakista Islaamiga ah.

2-Midaynta Awooda Masaajidaiyo Maraakista jaaliyada .

3-Xalinta qilaafaadkajaaliyada mid good iyo mid gaar ahba. sida Xalinta dhibaatooyinka qoysaska.

4-Ka jawaabida masaa ishadiiniga ah{Fadwah}.

5-Iclaaminta{Sheegidasoogalida iyo bixida bisha ramadaan si loo ilaaliyo midnimada umada.

6-Diyaarinta ducaad{Culimo}si ay jaaliyada uga haqabtiraan baahida diimeed.

7-Wacyi galinta dhalintada’da yar ee qurbaha,si looga ilaaliyo dhaqan xumada iwm.

8-GaarsiintaDacwada{Islamka}Dadyooga kale ee aanan muslimka ahayn.

MASAAJIDA IYO MARAAKISTA KU MIDAYSAN GOLAHA.

1-Masajidka abu-bakarasadiq                Minneapolis,MN

2-Masjidka Al-Ixzan                               St.paul,Mn

3-MasjidIbnu-taymiyah                         Columbus,OH

4-Masjid Arahma                                   Owatanna,MN

5-Masjid Ataqwah                                  Kansas,MO

6-Masjidbilal                                         pelicanrabe,MN

7-Masjid Asunah                                    Atlanta,GA

8-Masjid al-ansar                                  Sandiego,CA

9-Masjid Arahmah                                 Phenix,AZ

10-Masjid Al-faruq                                 Nashville,TN

11-MasjidAl-huda                                   Salt lake city,Ut

12-Masjid Abu-bakarAsadiq                  Seattle WA

13-Omaha IslamicCenter                      Omaha,NE

14-MasjidBillaal                                     Portland,ME

15-MasjidAtawfiq                                  Boston,MA

16-Faribault IslamicCenter                       Faribault,MN

17-Lewiston IslamicCenter                       Lewiston, ME

18-Irshad Islamic Center, Eden Prairie, MN

Iyo maraakis yar yar oo ku yaalo tooliynka qaarkood oo hoostagomasaajida waawayn ee gobalada.

Xasan Dhooye
Halgan.net, Minneapolis

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. maashaa allaah waa wax lagu farxo allena loogu mahadiyo in intaan oo masaajid ah ay ku midoobaan dacwada islaamka, isla markaana ay u istaagaan gaarsiinta dacwada islaamka shucuubta soomaaliyeed ee badaha dalaalaadka ee qurbaha dhex joogta una baahan badbaadinta, ilaahayow noo barakee dedaalka culimada dadka muslimiintana u badbaadi diintooda.

  2. Masha Allaah inta soo diyaarisay iyo inta ka soo qab gashay Allaah ha idin ciso hana idin xifdiyo waa wax aad loogu farxo oo leh najiito wanagsan waxay dadka halkaasdegan nasiib u haleen culimado aad u fir fircoon oo aad uga fekera anagana allaah mahadii inteenas allaah hanoo barkeeyo.

Leave a comment

*