Shirkii11-aad ee Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika oo Minneapoliskafurmay

May 26, 2012 - Written by

Minneapolis: Waxaa si rasmi Shalay iyo Maanta uga socda Masaajidka Abuubakar As-Saddique ee Magaalada Minneapolis shirkii 11-aad ee Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika loona soo gaabiyo (NACSI), shirka waxaa kasoo qayb galay golaha shuurada oo matalaya 18 Maraakis/Masaajid iyo golaha fulinta oo ka kooban 5- xubnood, Shuurada waxaa Gudoomiye u ah Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, shirkan oo sanadkasta lagu qabto Markas kamid ah Maraakista Golahaan ku midaysan ayaa Sanadkan waxaa MarTi galiyey Maraakista iyo Masaajida gobolka Minneasota oo Abuubakar uu hogaaminayo.

Halkaan ka daawo sawirada shirka

Shirka ayaa sida caadada ahayd Magaalada aad looga dareemay, maadaama Imaamyada shirka kasoo qayb galay ay ka khudbaynayeen Masaajiddada Gobolka Minnesota.

Shirka ayaa lagu furay Isdiiwaan galin iyo Soo dhawayn loo jeediyey culimmada iyo ducaada ka kala timid Maraykanka daafahiisa. Culimmada iyo ducaada ayaa aad ugu faraxsanaa inuu shirkaan nasiib u yeeshay inuu kala soo qayb galo Sh. Maxamed Idris Axmed oo kamid ah Culimmada Waawayn ee Soomaaliyeed, kana mid ah aasaa sayaashii Majlisul aa’iamah ama Golaha Imaamyada.

Soo dhawayntii kadib ayaa shirka waxaa si rasmi ah u furay : Sh. Abdirahman Sh. Omar, ah Gudoomiyaha Shuurada NACSI, sheikha ayaa ka hadlay muhiimada kulankan, illaahayna uga mahad celiyey waafajinta Culimmadaan Soomaaliyeed uu waa faajiyey inay Sameeyaan golaah sanadkii 2000 oo ahayd xiligii Soomaalidu Maraykan kusoo qulqulaysay, qodobka labaad ee shirka Saaka ayaa ahaa, warbixin Xubnaha Hay’ada NACSI kuna saabsan Nashaadkooda, barnaamijyadooda iyo guud ahaan gobolka ay ka yimaadeen, waxaa xusid mudan in laga warbixiyey daafaha Maraykanka oo dhan, Minnesota waxaa kasocday 5- Masaajid, California, Georgia, Tennessee , Seattle Washington, Ohio, Arizona, Kansas Missouri, New-England, Utah, iyo qaar kale.

Sidoo kale waxaa shirka warbixin kasoo jeediyey Cali Xaaji oo ah HARO masuulkeeda kana soo noqday Soomaaliya, Ali Xaaji ayaa ka dhawaajiyey arin kasoo qayb galayaashii shirka walaac galisay, taasoo ah “Dacwada wadanka aad ayey u hoosaysaa, mana arkaysid waxbarasho Islaami ah oo kusoo jiidata, waxaan idiin soo jeedin lahaa in Dacwada wadanka aad dad baraarujiya oo oo dhiira galiya u diyaarisaan ayuu kudaray.Sidoo kale Dhalinyarada Golaha maraykanka oo majlisku aas aasay ayaa iyana warbixin kooban oo kusaabsan baahida dhalinyarada kunool wadankan maraykanka kasoo jeediyey. Intaa kadib waxaa loo dareeray khubada Jimacaha.

Galabnimmadii ayaa shirka dib loogu soo noqday waxaana warbixin kasoo jeediyey Abdullahi Nuur (Abul Fadli) oo ah ku xigeenka gudoomiyaha fulinta wuxuuna ka hadlay “Qodabadii ka fulay go’aamadii kalfadhigii golaha Majliska ee sanadkii hore (2011), kuwii aan fulin iyo sababihii ay la fuliwaayeen!

 

Intaa kadib Taariikhda iyo baahida keentay in la’aas aaso Golahaan waxaa ka hadlay Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, aadna ugu dheeraaday marxaladihii uu soo maray, intaa ka dib waxaa shirka lagu soo dhaweeyey marti sharaf ay ka mid ahaayeen Sh. Xasan Jaamici, Sh. Sacad Muse, Sh. Jibriil Qaadi, Sh. C/laahi Ibraahim, Sh. C/risaaq Sancaani iyo Sh. C/qani Qardhaawi oo dhamaantood ka mid ah Culimmada.

Intaa kadib waxaa Siminaar bixiyey kusaabsan Sidee loo tayeyn karaa loona hormarin karaa Nashaadaadka iyo Barnaamijyta NACSI Sh. Mohamed Idiris.
Shirka waxuu ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan, shirka oo galay maalintisii labaad dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa, waxii kasoo baxa gabagabada shirka insha allaah.

Halkaan ka daawo sawirada shirka

Xasan Dhooye
Minneapolis
Somalitalk

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online