Taliyaha cusub ee ciidanka AMISOM Gen Andrew Gutti oo maanta xilka la wareegay

May 2, 2012 - Written by

Muqdisho:-Warsaxaafadeed ka soo baxay maanta xafiiska ciidanka AMISOM ayaa si rasmi ah u shaaciyey in taliyaha cusub ee AMISOM uu yahay Gen Andrew Gutti kaas oo xilka kala wareegay  Gen Fred Mugisha taliyihii hore ee ciidanka AMISOM. Munaasabad uu xilka kula wareegay taliyaha cusub ee AMISOM Jen Andrew Gutti ayaa waxay ka dhac day Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana aad loo adkeeyey amaanka garoonka Aaden Cadde.

Taliyihii hore ee AMISOM, Jeneraal Fred Mugisha oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayay ay ciidamada AMISOM ay guulo la taaban karo soo hoyeen wuxuuna intaas raaciyey in Degmooyinka ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM.

Jeneraal Fred Mugisha taliyihii hore ee AMISOM  ayaa sheegay in khilaafka ku dhexjira xildhibaanka DFKM iyo kala aragti duwanaanta madaxada sare ee DFKM uu noqday caqabada ugu weyn ee uu la kulmay inta uu xilka hayey .

Taliyaha cusub ee AMISOM Jen Andrew Gutti oo ka hadlay munaasabada uu xilka kula wareegay ayaa waxaa uu sheegay  in uu sii wadi doono howlaha ciidanka AMISOM waxaana goobta sidoo kale goobjoog ka ahaa wakiillo ka socday Midowga Afrika, , taliyaha ciidamada xoogga DFKM  Gen Cabdulqaadir Sh Cali Diini iyo saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM iyo DFKM.

Warsaxaafadeedkii ay AMISOM ka soo saartay taliyaha cusub ee AMISOM Gen Andrew Gutti hoos ka akhriso .
AMISOM Press Release 02-05-2012

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online