UAE: XAWAALADDA IFTIN EXPRESS (WAR MUR-TIYEED)

May 7, 2012 - Written by

Dubia:-Waxaa dhamaan macaamiisha Shirkada Iftin Express loogu bishaaraynayaa in ay shirkadu balaarisay adeegyadii ay u haysay Ummada Soomaaliyeed ka dib markii ay shirkadu ku soo xirmeen macaamiil faradabadan. Si hadaba loo daboolo baahida macaamiisha ayaa waxaa maamulka shirkadu sameeyeen isbadaladaan:

1. Waxaa la balaariyay dib uhabayna lagu sameeyay xafiisaydadii horay u jiray ee shirkada
2. Waxa la kordhiyay shaaqaalihii xarumaha waaweyn si loo haqabtiro looguna adeego macaamiisha shirkada.
3. Waxaa shirkadu ka furtay xafiisyo cusub wadamadan iyo magaalooyinkan hoos ku qoran:
USA: Atlanta, Massacheaus, Virginia,Portland
UK: Birmingham, Leicester,Coventry,London East,Hayes,Shepheds Bush,Whitechapel, Bristol,Southall, Uppton Park,Fulham, Harlesden,Acton,New Cross,Old Kent Road.
Denmark: Copenhagen,Arhus,Odense.
Norwey: Oslo, Stanvanger
Italy: Milaano,Roma,Torino
Canada:Toronto, Edminton, Attawa, Calgary
Sweden: Stockolm, Gotenburg, Linkoping, Ludvika, Vaxjo, Hisingen, Orebro
Findland: Helsinki,Turku.

Waxaa kaloo macaamiisha shirkada ee wadanka gudihiisa jooga sidoo kale loogu bishaaraynayaa in IftinBank laga hirgalinayo dhamaan magalooyinka waaweyn ee wadanka Soomaaliya. Waxaa Laantii ugu horaysay laga furayaa magaalada Boosaaso bilaha soo socda, waxaana ku xigi doona Muqdisho, Hargaysa iyo Kismaayo. Fiiro Gaar ah: Waxaa macaamiisha lagu wargalinayaa inuu jiro website caadaystay inuu qoro war aan sal iyo raad toona lahayn (been abuur) kaas oo ay ugu wacan tahay inuu sameeyo been abuurkaas ka dib markii uu shirkada Iftin waydiistay kana waayay lacag uu kuu dalbanayo xayeeysiin.

MAAMULKA IFTIN EXPRESS

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online