Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Cabdiweli Gaas oo u ambabaxay Adis Ababa.

May 20, 2012 - Written by

Muqdisho:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka Aadan-cadde International ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia. Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaraha horkacayay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ku saleysan in Magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia ay kaga qeyb galayaan Shir ay isugu imaanayaan Saxiixayaashii Roadmap-ka oo lagaga hadlayo dhameystirka Barnaamijka Kumeel Gaarka.

no images were found

“Socdaalkeena Waxa uu ku saabsan yahay shir aan kaga qeyb galeeno magaalada Adis Ababa Saxiixayaashii Roadmap-ka, Waxaana ku kulmeenaa Soomaalida iyo Bulshada Caalamka”. Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa sheegay in Shirka Adis Ababa ee dalka Ethiopia ay soo qaban qaabisay Xafiiska Siyaasadda ee QM u qaabilsan Soomaaliya ee UNPOS islamarkaana lagaga arrinsanayo sidii loo dhameystiri lahaa Barnaamijkii Roadmap-ka ayna tahay in la isku yimaado oo laga arrinsado hor u sii socodsiinta howlihii Roadmap-ka waxii hormar laga sameeyayna laga wada hadlo wixii dhiman sidii loo dhameystiri lahaa.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu isna ka soo qeybgeli doono shirka maadaama uu ka mid ahaa Saxiixayaashii Roadmap-ka Iyadoona ay Maamuladda Galmudug iyo Puntland ka soo qeyb galayaan.

-DHAMAAD –

Abdinor Abdikadir Mohamed(Daacad)
Deputy of Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615244689
             +252-699 070907
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online