Wafdi uu horkacayo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo gaaray magaalada Baydhabo

May 17, 2012 - Written by

Baydhabo:-Wafdi uu horkacayo gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa taliyaha ciidamada booliiska DFKM Jen. Shariif Sheekhunaa Maye iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada DFKM G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab)

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo waxaana garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DFKM oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo

Waa markii sadexaad oo wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM Shariif Xasan Sheekh Aden uu gaaro magaalada Baydhabo socdaalka uu saaka ku tagay wafdiga ka socda DFKM ayaa waxaa lagu sheegay in wafdiga uu tababar u soo xiri doono ciidamo ka tirsan DFKM oo ku sugan magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa waxaa haatan gacanta ku haya ciidamada DFKM iyo kuwa Itoobiya waxaana ka dhaca magaalada dilal qorsheysan oo lala beegsado shaqaalaha DFKM iyo dadweynaha rayidka ah

A/cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online