Wariye ka tirsan Idaacadda Shabelle oo lagu dilay Muqdisho

May 24, 2012 - Written by

Allaha u naxariistee waxaa dhagar qabayaal hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho Wariye  Axmed Cadow Canshuur oo ka mid ahaa wariyaasha firfircoon ee ka shaqayn jiray Idaacada Radio Shabelle oo ah idaacada ka howl gasha magaalada Muqdisho, Wariye Axmed Cadow ayaa 4 dhalinyaro ah oo ku hubeysan bistoolado waxaa ay ku toogteen degmada Dhar keenlay ee gobolka Banaadir xili uu marxuun ka la dilay uu ku sugnaa Xaafadda Suuq Boocle.

Ilaa hadda ma jirto koox sheegtay dilka wariye Axmed Cadow  balse Idacaadda Shabelle ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay sheeg tay in handadaad loo jeediyey idaacadda Shabelle. Ma ah markii ugu horaysay oo wariye soomaaliyeed ee aan wax danbi ah geli lagu dilo dalka Soomaaliya , Kooxa dilalka  la beegsada wariyaasha ayaa u jeedadooda ugu weyn ay tahay in ay aamusiyaan  barmaamijta siyaasadeed ee ay u arkayaan in ay lid ku tahay afkaarta ay aaminsan yihiin waan tan mar walba sababta in la dilo wariyaal aan wax siyaasad ah shaqo ku lahayn.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay wariye Axmed Cadow Canshuur uu ahaa wariye Idaacadda Shabeele ugu xil saarnaa barnaamijka qubanaha wararka Shabelle oo ah barnaamij siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaaluda lagu wareysto sidda idaacada Shabelle ay sheegtay.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online