Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka wadahadallo ayaan kula jirnaa Isimada Puntland

May 17, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DFKM C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa maanta si rasmi ah u sheegay inay wadahadallo kula jiraan odayaashii iyo waxgaradii Puntland ee dhaliisha u soo jeediyey qaabka uu u socodo shirka lagu ansaxin rabo Dastuurka DFKM kaas oo ka socda magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DFKM ayaa warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho saaka la hadlay ayaa sheegay in ay meel wanaagsan u mareyso wadahadalo ay kula jiraan Isimadii ka baxay shirka odayaasha dhaqanka ee ka socda Muqdisho wuxuuna rajo weyn ka muujiyey xalinta cabashada Odayaasha Dhaqanka Puntland.

Isimada iyo Salaadiin ka tirsan Odayaasha dhaqanka ee Puntland ayaa dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland iyaga oo dhaliilay qaabka uu shirka u socdo waxayna sheegeen in ay talo ula soo noqdeen Maamulka iyo waxgaradka Puntland ay wakiilka ka ahaayeen.

Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DFKM C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Odayaaasha dhaqanka Soomaaliya ee ku haray Shirka ay wadaan wadatshi iyo qaabkii ay u soo xuli lahaayeen ergadii ansaxin lahayd Dastuurka.Mar wax laga weydiiyey sababaha keenay in ay odayaasha dhaqanka ee Punland ay dib ugu noqdaan Garoowe ayuu ka gaabsaday in uu ka jawaabo wuxuuna sheegay in wadahadal uu socdo lana xalin doono wixii khaldamay.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online