Wasiirka Dastuurka ee DFKM oo ka hadlay cabashada ka soo yeertay Puntland (Dhageyso)

May 11, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wasiirka  Dastuurka iyo dib u heshiisiinta ee DFKM ayaa caawa markii ugu horeysay ka hadlay cabashada ka soo yeertay dowlada Puntland ka dib markii uu warqad qoraal ah ay Puntland u gudbisay Beesha caalamka ,wasiirka ayaa sheegay in dowlada Puntland ay kala hadli doonaan cabashada ay u soo jeediyeen Dastuurka Qabyo Qoraalka ah.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta ee DFKM C/Raxmaan Xoosh Jabriil, ayaa caawa wareysi siiyey Idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga wasiirka ayaa sheegay in ay habooneyd in Madaxweynaha Puntland wixii cabasho ah uu u soo gudbiyo madaxada gudiga madax banaan iyo khubarada Dastuurka gacanta ku haya wuxuuna xusay in arinkaas ay ka xunyihiin.

Mar ay idaacada VOA ay weydiisya Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiinta ee DFKM wax ay dowlada ka yeelayso Puntland maadaama ay dowlada iyo beesha caalamka sheegeen in ay talaabo ka qaadeyso cidii ka soo horjeesta Dastuurka Qabyo Qoraalka wasiirka ayaa yiri Maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna  ma ah qaswadayaal waxayna lafdhabar u yihiin DKM.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee DFKM C/Laahi Goodax Barre, ayaa isna sheegay mar uu caawa wareysi siiyey Idaacada BBC qeybta Afka Soomaaliga in ay la hadli doonaan maamulada Puntland  wixii qodobo ah la sixi doono wixii wadahadal ah wuxuu sheegay wasiirka in lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya.

[audio:http://k004.kiwi6.com/hotlink/lj66pb9vbs/xoosh.mp3]

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Maxa Culumada ku dhan ee ku taxan webkani Halgan ay si wadajir ah u soo saari waayeen qoralka ku saabsan Dastuurka shaki geliyay shacabka soomaaliyeed iyagoo so faahfaahsan u kal dhigaan halka ka qaldan yihiin oo sxid u baahan yihiin, waayo iyagu wa warathatul anbiyaa, in ay diintaa difacaan kitaabka iyo sunnada kor u qaadan, runtii haddii ay nafta u huri la’yihiin wudaada afka wax hak sheegaano runta halka maalin kastoo casharo ay soo jeedinayaan kanna fardu cayn ahoo , oo dad doonayaan in ay demiyaan nuurka Allah.
    tixgelin wacan

  2. waa nasiibdaro in reer walba uu dalab gooniya keensado war midooba oo gobolaysiga iyo imaaradaha qabyaalada waa wixii andalus gacanta kabaxshay walaahi wixii aan midnimo kuwaynay inaynu gobolaysi iyo land landyo kuhelayn (FASATADKURUUNA MAA AQUULULAKUM)

Leave a comment

*