Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga oo Xafiiskiisa ku qaabilay Stefano Porretti

May 6, 2012 - Written by

Muqdisho:-Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay arrimaha gargaarka iyo kuwa bini’aadanimo sidii wax looga qaban lahaa.Kulanka kadib ayaa waxaa ugu horeyn saxaafadda la hadlay Wasiirka Qorsheynta Cabdulaahi Goodax Barre oo sheegay in mas’uuliyiinta ka socota  hay’add Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee WFP ay ka wada hadleen xaaladda gargaar iyo xilliga lagalayo ee xilli roobeedka ah islamarkaana ay barakacayaasha xaaladooda isbedeli doonto iyo sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay roobabka geysan karaan.

Sidoo kale waxaa saxaafadda la hadlay Stefano Porretti oo ah Wakiilka Wadamada ee WFP ayaa aad uga mahadceliyay Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wada shaqeynta balaaran ee ka dhaxeyso hay’adda iyo dowladda KMG Soomaaliya, Wuxuu sidoo kale sheegay in hay’adda aysan ka shaqeynin oo kaliya Cuntada balse ay ogyihiin shacabka Soomaaliyeed balse hadda waxaan xukuumadda ka wada hadalnay xaaladaha gargaarka iyo sidii loo xoojin lahaa gargaarka shacabka Soomaaliyeed iyo inagoo ka gaashaamaneyno xilli roobeedka soo socdo si aysan wax dhibaato ah ugu geysan barakacayaasha.

Dhinaca kale  wuxuu tilamaay in hay’adda WFP ay Soomaaliya ka fulisay mashaariic kala duwan kuwaa oo aan aheyn cunada oo kaliya islamarkaana ay sii jibaarayaan howlaha ay ka wadaan Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka Qorsheynta ayaa tilmaamay in hay’adda WFP iyo Xukuumadaba ay ka wada shaqeynayaan hormarinta arrimaha gargaarka iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka Soomaaliyeed

– DHAMAAD –

Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)

Deputy of Communication Director,

office of the PM

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online