Baaqa si Wadajir ah ay u soo saareen Saxiixayaashiii Roadmap-ka oo shir ugu soo dhamaaday Nairobi

June 22, 2012 - Written by

Saxiixayaasha khariidada dhameystirka kumeelgaarka Soomaaliya, waxay kulan ku yeesheen Nairobi, Kenya laga bilaabo 20 ilaa iyo 22 June, 2012 si ay wadaxaa jood dheeraad ah uga sameeyaan higelinta khariidada dhameystirka ku meelgaarka Soomaaliya. Si gaar ah waxay diiradda u saareen sidii horey loogu dhigi laa hirgelinta waxyaabihii ay ku heshiiyeen shirkii Addis Ababa, Ehiopia, ee 21dii ilaa 23dii May kaasoo looga gol lahaa dedejinta tubta nabadda. Shirka waxaa sahashay Quruumaha midoobay, gaar ahaan u qaybsanaha arrimaha Somalia ee Xoghayaha Qaramada Midoobay, Danjire Augustine P. Mahiga.

Shirka Nairobi waxaa ka soo qaybgala Madaxda Saxiixayaasha Khariidada (Roadmap Signatories), sida Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed, Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah (DFKMG) ee Somalia; Mudane Sharif Xassan Sheikh Adan, Af-hayeenka Baarlammanka DFKMG ah ee Somalia,mudane Cabdiweli Maxamed Cali, Rai’sul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya; Mudane Cabdiraxman Maxamed Maxamud (Farole), Madaxweynaha Dowladda Puntland; Mudane Maxamed Axmed Caalin, Madaxweynaha Galmudug; iyo Sheikh Maxamed Maxamud Yusuf (Aw’Libaax), Wakiilka Ururka Ahlu Sunna Wal Jama’a.

no images were found

1. Protokoolada Dhameystirka Kumeelgaarka:

a) Saxiixayaasha Khariidada Dhameystirka Xilliga  KMG ah markay ka   doodeen dib-u-eegidna ku sameeyeen dhameystirka KMG ah oo ay ka soo shaqeeyeen Guddiga Farsmo ee Dib-u-eegidda Dastuurka ee lagu soo dhisay heshiiskii Addis Ababa ee qabsiimay May 21-23, 2012.

Sidaa darted Saxiixayaashu waxay isku raaceen saxiixeena qodobada soo socda:

1. Protokoolka Guddiga Farsamo ee soo xulidda xubnaha baarlamaanka

2. Protokoolka dhisaya Guddiga sahlaya socodsiinta hawlaha Farsamo (Technical Facilitation Committee)

3. Protokoolka dhisaya Ergeda Golaha Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly)

4. Protokoolka dhisaya Baarlamaanka Federaalka ee Qaranka Somalia (National Federal Parliament)

Sidoo kale, Madaxweynaha DFKMG ah wuxuu saxiixay Xeer ay goobjoog ka yihiin dhammaan Saxiixayaasha, Xeerkaasoo ogolaanaya Protokoolada kor ku xusan oo dhisaya nidaam sharci ah oo lagu dhamaystiro geedisocodka Dastuurka Somalia iyadoo loo marayo ansixin ku meel gaar ah (provisional adoption) ee Dastuurka Somalia oo ay u codeenayaan Ergada Ansixinta Dastuurka.

2. Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah

Saxiixayaasha ayaa si wadajir ah u saxiixay nuqulkii ugu dambeeyey ee Qabyo-Qoraalka Dastuurka KMG ah oo ay soo dhamaystireen Guddiga Farsamo ee Dib-u-Eegida Dastuurka (Technical Revision Committee) ee Addis Ababa. Kani hadda, waxaa weeye, Dastuur KMG ah ee Somalia. Guddiga kor ku xusan magaciisa waxaa loo badalay Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), waxaana Gudoominaya Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFKMG ah.

Inta aan Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah la hordhigin Ergada Ansixinta Dastuurka, Hey’adda IFCC ayaa qaban doonta wacyi-gelin si loo kordhiyo aqoonta Dadweynaha ee arrimaha Dastuurka KMG ah, wacyigalin taasoo qaadan doonta muddo dhan 4-berri. IFCC ayaa Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah dib ugu celin doonto Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), Guddigaasoo ah Guddiga leh mas’uuliyadda u bandhigidda Ergada Ansixinta ee Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah.

3. Ergada Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly)

Shirweynaha Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa furmi doona 12 July 2012 wuxuuna soo xirmi doonaa 20 July 2012. Ergada Ansixinta Dastuurka waxaa la kala dirayaa markii ay soo gabogabeeyaan codeynta ansixinta KMG ah ee Qabyo-qoraalka Dastuurka, ka hor inta aan loogu soo bandhigin Dadweynaha Soomaaliyeed cod-bixin toos ah.

4. Dhisida Guddiyada Dhamaystirka Xilliga KMG ah.

Sida ku xusan Heshiiskii Addis Ababa, xubnaha Guddiyada hoos ku qoran ayaa la magacaabay:

a) Guddiga Farsamo ee Xulida (Technical Selection Committee)

b) Guddiga Dhexdhexaadinta Odayaal-Dhaqameedka (Elders Arbitration Committee)

c) Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee)

d) Xafiiska Xiriirinta ee Saxiixeyaasha (Roadmap Signatories Coordination Office)

Magacyada xubnaha Guddiyada kor ku xusan waxaa lagu soo uruurin doonaa Dowladda Federaalka KMG oo si dhaqso ah ugu soo bandhigi doonto Dadweynaha Somaaliyeed.

5. Wakhtiga ka dhiman Xilliga KMG ah

Saxiixayaasha ayaa si wadajir ugu heelan inay ilaaliyaan wakhtiga kama dambaysta ah ee lagu go’aamiyey Heshiiskii Addis Ababa waxayna si wadajir ah u go’aansadeen in la dhamaystiro Xilliga KMG ah iyo in la hirgaliyo hanaan siyaasadeed oo cusub oo waafaqsan Dastuurka KMG ah oo ay u codeeyeen Ergada Ansixinta Dastuurka.

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online