Ciidanka Puntland iyo kuwa Deegaanka Laasqoray iyo ciidanka Maamulka S/land oo dagaalamay

June 1, 2012 - Written by

Laasqoray:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Laasqoray ee gobalka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal ay isku hardiyeen ciidamo daacad u ah S/land oo weerar ku qaaday Maraakiib waday Agab lagu dhisayo Dekada weyn ee magaalada Laasqorey iyo ciidamo ka tirsan Puntland oo garab ka helaya dadka Deegaanka Laasqorey  Maraakiibta ayaa ka yimid dhanka Yemen.

Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidamo S/land ay weerar kala hortageen Maraakiib ku socotay Laasqorey oo marayey Deegaanka Maydh waxaana qarxay dagaal culus oo socday mudo ku dhow 3saac waxaana dagaal uu sababay khasaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa deegaanka oo wada socda ayaa gurmad iyo dagaal kala hortagay laba doonyood oo weerarka ku qaaday Markab ku sii jeeday Laasqorey dagaal ka dib ayaa maraakiibta waxay soo gaareen Dekkada Laasqorey. Dadweynaha ku dhaqan magaalada Laasqorey ayaa aad u soo dhaweeyey markii ay Maraakiibta ay soo gaareeen caawa maqribkii Dekedda Laasqorey iyga oo sameeyey banaan bax ay ku diidan yihiin Maamulka S/land waxaana la keenay Laasqorey laba qof oo dhaawac ah oo midkood uu aad u daran yahay.

Mashruuca dib u dhisida Dekkada Magaalada Laasqorey ayaa waxaa u kacay qurba joogta Reer Sanaag ah waxaana horkacaya mashruuca dib u habeynta Dekkada Laasqoray Faysal Ahmed Yusuf iyo aqoonyahano iyo waxgarad badan oo ku nool qurbaha kuwaas oo u guntaday dhisida Dekada laasqoray.

Saraakiil ka tirsan S/land ayaa ku eedeeyey maraakiibta caawa ku soo xirtay Dekada Laasqoray inay dhagxaan iyo macaadin ay rabaan  in ay dalka kala baxaan  ayna wateen ciidan ajaanib ah taas oo ay beeniyeen waxgarad ka soo jeeda deegaanka Laasqoray.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online