Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo weerar qorsheysan ku dilay Col. Afrax Cali Afrax

June 22, 2012 - Written by

Afgooye:-Wararka saaka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen  saldhigga Booliska ee deegaanka Ceelaha Biyaha,waxaana dagaalka lagu dilay Col. Afrax Cali Afrax  oo ahaa madaxii amniga ee Deegaanka Ceelasha Biyaha .

Dagaalka ayaa waxaa uu socday in mudo ah waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Sidi ayaa qirtay in lagu dilay dagaal Col. Afrax Cali Afrax wuxuuna ku faanay in ay guulo ka gaareen dagaalka maxaabiis noolna ay qabteen Al-Shabaab.

Dagaalka saaka ka dhacay Ceelasha Biyaha ayaa saameyn waxaa uu ku yeeshay isku socodka waddada isku xirta Muqdisho Afgooye iyada oo uu hakad galay isku socta gawaarida.

Ilaa haatan ma jiraa cid ka tirsan DFKM oo ka hadashay dilka Col. Afrax Cali Afrax :Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaal qorsheysan ay ku dileen saaka askar ka tirsan DFKM baabuurna ay ka gubeen DFKM dagaalkaas oo ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online