Ciidanka DFKM ee magaalada Baydhabo oo toogtay xalay nin dil ka geystay Baydhabo.

June 3, 2012 - Written by

Baydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in xalay ay ciidamada DFKM ay toogteen nin dil ka geystay gudaha magaalada Baydhabo gaar ahaan xaafada Isha Baydhabo oo maalin ka hor lagu dhaawacay  Cali Shaambo oo ka mid ahaa Ciyaartooydiii hore ee xulkii  kubbadda cagta Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka DFKM ayaa sheegay in ninka ay toogteen uu ka mid ahaa kooxaha amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab dilalna uu ka geystay magaalada Baydhabo sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidamada nabadsugidda ee magaalada Baydhabo Shiine Ciise .

Taliyaha Ciidamada nabadsugidda ee magaalada Baydhabo Shiine Ciise  ayaa sidoo kale sheegay in ninka la dilay uu watay Bistoolad iyo Bambaanooyin uuna dagaal kala hor tagay ciidanka DFKM ilaa la dilay markii danbe.

Waa markii ugu horaysay oo ciidamada DFKM ee magaalada Baydhbao ay sheegaan in ay dileen rag ay ku sheegeen in ay ka mid yihiin ururka Al-Shabaab .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online