Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaab wassunnah oo ka tacsiyeynaysa geeridii Sh. Xasan Cali Maxamed Xassan Xabeeb

June 3, 2012 - Written by

Muqdisho:-Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi wassunnah waxay aad uga tiiraanyaysan tahay geeridii Sh. Xasan Cali Maxamed (Sh. Xasan Xabeeb) oo saaka ku geeriyooday xaafadda Shiirgole ee magaalada Muqdisho,  waxayna tacsi u diraysaa qoyskiisii, eheladiisii, ardaydiisii, asxaabtiisii, iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka wada geeriyooday. Jamaacadu waxay Ilaahay ka baryaysaa inuu Sheekha u dambi dhaafo, jannada Firdowsna geeyo, intii Sheekhu ka tagayna inuu xifdiyo adduun iyo aakhiraba, uuna siiyo sabar iyo badal khayr qaba.

Sheekha oo ka mid ahaa culumada ka faafisa dalkeena dacwada iyo tacliinta sharciga ah geeridiisu waxay bannaysay furin weyn oo uu ku aaddanaa; sidaa darteed waxaa la gudboon culumada, ducaadda iyo ardaydii sheekha inay labanlaabaan dadaalkooda iyo iskaashigooda si ay u buuxiyaan kaalintii Sheekha (Alle ha u naxariistee).

إنا لله وإنا إليه راجعون

 

“إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى”

Sheekh Axmed C/samad
Gudd. Golaha Fulinta Jamaacada Al-ictisaam bil-kitaab wassunnah
Muqdisho – Somalia

Leave a comment

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online