Kooxo hubaysan oo dhac u geystay shirkada xawaalada Mustaqbal laanteeda Degmada Waaberi

June 30, 2012 - Written by

Muqdisho:-Kooxo hubaysan ayaa maanta dhac u geystay shirkada  xawaalada Mustaqbal laanta ay ku leedahay Degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir.burcada dhacday shirkada ayaa waxay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud  iyagoo ka baxsaday goobta falka dhaca ah ay ka geesteen.

Taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi Axmed Xuseen Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raga falka dhaca ah geystay ay gaarayaan ilaa 5-ruux kuwaasi oo markii ay dhaca geysteen kaddib goobta ka baxsaday wuxuuna sheegay in ay dhaceen lacag gaareysa  2800$ oo doolar.

Taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi ayaa sheegay inay ku raadjoogaan kooxihii dhacay shirkada  xawaalada Mustaqbal laanta ay ku leedahay Degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir ;Falalka lagu dhaco xawaaladaha ayaan ku soo badanaya  magaalada Muqdisho iyadoo dhowr mar kooxo hubaysan ay dhaceen shirkado xawaaladeed oo kala duwan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online