Madaxweynaha DFKM oo la kulmay maanta Odayaasha-dhaqanka Soomaaliyeed

June 6, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed oo ayaa la kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed kuwaas oo dhawaan ka soo laabatay magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiga; Madaxweynaha ayaa ka codsaday odayaasha in ay ku dhaqsadaan  xulidda ergada ansaxin doonta dastuurka cusub ee Dowlada la dhisi doono bisha 8aad ee 2012.

Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa kula dardaarmay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya  in ay soo xulaan mas’uuliyiin ka bixi kara howsha xildhibaannimo daacadna u ah dalka iyo dadkooda.

Madaxweynaha DFKM ayaa booqashada uu ugu tagay maanta xarunta ay ku sugan yihiin odayaasha dhaqanka ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey ku simaha Raisulwasaaraha DFKM ahna wasiirka ganacsiga Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Madaxweynaha DFKM ayaa ka hadlay buuq ka taagan isku qabsiga ka dhex aloosan beelaha kuwaas o qaarkood ka qeyliyey salaadiin la sheegay in ay matalayaan wuxuuna  yiri Baryahaan waxaa soo badanayay wararka la sheegaya in odayaasha dhaqanka ay ku jiraan kuwo la sameeyay… War suldaan qofi ma sameyn karto, anigu ma dooran karo balse wuxuu qiray in ay jiraa dad ilmo adeer ah ay isku heystaan saldanada iyo Ugaasnimada.

Ku simaha Raisulwasaaraha DFKM ahna wasiirka ganacsiga Cabdiwahaab Ugaas Xuseen oo isna la hadlay Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay  in 14-ka bishan odayaasha loo soo gudbin doono dastuurka si ay uga doodaan una ansaxiyaan.

Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqan ee Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan wili helin nuqul ka mid ah Dastuurka la rabo in la ansaxiyo iyaga ugu baaqay dowlada in ay xil iska saarto arinkaas.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online