Ra’iisal Wasaaraha DFKM Cabdi weli Gaas oo booqday Degmada Balcad

June 26, 2012 - Written by

Muqdisho:-Raa’isal Wasaaraha DFKM Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa ka hadlay qabsashada Degmada Balcad ee gobalka Sh/Dhexe wuxuuna raisulwasaaraha Shirjaraa,id ku qabatay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya isaga oo isla galabtana booqday Degmada Balcad. Raisulwasaaraha DFKM Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa sheegay in uu hambalyo u dirayo ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ee saaka qabsaday Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in ayaa waxaa uu sheegay in ay dowladiisa sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Ururka Al-Shabaab ;Gaas ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusayey Sanad guuradii 52 ee ka soo wareegtay  markii ay horiyada qaateen gobalada Waqooyi . Sidoo kale waxaa ka hadlay qabsashada Degmada Balcad Taliyaha ciidamada xoogga ee DFKM Jen.C/qaadir Sheekh Cali Diini, waxaana uu sheegay in  maanta ay tahay maalin taariikhi ah guusha ay gaareen Degmada Balcad.

no images were found

Degmada Balcad ee gobalka Sh/Dhexe kama dhicin wax dagaal ah waxaana ka baxay ciidamadii Ururka Al Shabaab iyada oo qorsheynaya in ay wadaan dagaal dhuumaaleysi ah. Sheekh  Yuusuf Ciise Kabakutukade Gudoomiyaha Sh/Dhexe ee Ururka Al-Shabaab ayaa caawa Shirjaraa,id qabtay waxaana uu wacad ku maray in ay dagaalka sii wadi doonaan ;Sheekh Yuusuf ayaa sidoo kale ka waramay dagaalka in uu yahay mid fog dheeraan doona marka u danbeysana la jabin doono ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ee maanta ku duulay Degmada Balcad.

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online