Sheekh Xasaan Xuseen oo lagu xiray magaalada Nairobi
June 9, 2012 - Written by
Nairobi:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan sirdoonka dalka Kenya ee loo yaqaano CID ay xalay goor dambe gurigiisak kala baxeen Sheekh Xasaan Xuseen Aadan oo ka mid ah culumada iyo ducaada magaalada Nairobi.
Sheekha Xasaan ayaa la xaqiijinayaa in xalay uu u hoyday xabsi ku yaal magaalada Nairobi ,ilaa haatan lama yaqaan sababta loo qabtay Sheekh Xasaan Xuseen Aadan. Ma aha markii ugu horeysay ee Sheekh Xasaan la xiro waxaana horey loogu xiray magaalada Nairobi waloow markii danbe xabsiga laga sii daayey.
Wixii ka soo kordha xadhiga Sheekh Xasaan dib baan idiinka soo gudbin doonaa inshalaaah
C/Casiis Maxamed
Halgan.net

.gif)

