Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ee dalka Netherland oo soo gaaray Garoowe(Masawiro)

June 6, 2012 - Written by

Garoowe:-Wafdi uu horkacayo Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Netherland Mr Ben Knapen ayaa maanta safar aan horay loo shaacin ku soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowllada Puntlland , Wafdiga wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyey ku simaha madaxweynaha Puntlland ahna Madaxweyne ku xigeen Puntlland Gen Cabdisamad Cali Shire, wasiiro iyo saraakiil ka tiran Madaxtooyada Puntlland.

Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Netherland Mr Ben Knapen iyo wafdiga la socday ayaa waxaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada ee Garoowe waxaan uu kulamo kale duwan la qaadan doonaa Madaxda Puntlland isagoo saxaafada u sheegay in dowllada Holland ay diyaar u tahay in ay xiriir wanaagsan ay la yeelato dowllada Gobolleedyada ka jira Soomaaliya iyo DFKM si dalka Soomaaliya uu uga baxo dowllada la’aanta.

Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Netherland Mr Ben Knapen ayaa sidoo kale saxaafad u sheegay in dowlladiisu ay ku dadaalayso nabadaynta dalka Soomaaliya iyo in laga baxo xiliga kala guurka ee DFKM isagoo sheegay in Puntlland ay u yimaadeen isaga iyo wafdigiisa arrimaha Soomaaliya iyo in la iska kaashado  siddii wax looga qaban lahaa kooxa burcadbadeedka  iyo arrimaha amniga iyo horumarinta.

no images were found

Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Netherland Mr Ben Knapen iyo wafdigiisa ay la filayaa in ay gaaraan dalka Itoobiya iyagoo kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Puntlland Dr Cabdi raxmaan Faroole iyo xubno ka tirsan dowlladiisa oo hadda ku sugan magaalada Addis Abba e caasimada dalka Itoobiya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online