Ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM oo sheegay in ay qabsadeen deegaanka Laanta-buuro

July 11, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in ay qabsadeen maanta  deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo saldhig weyn u ahayd Ciidamada Ururka Al-Shabaab .Dagaal kooban oo ka dhacay ka dib ayaa ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM waxay galeen deegaanka Laanta buuro  ayuu yiri goobjooge la hadlay saxaafada Muqdisho.

Mid ka mid ah Saraakiisha DFKM  oo la yiraahdo Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) ayaa sheegay inay ku dileen dagaalkaas 11-dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna ku faanay in ay qabsadeen Deegaanka Laanta Buuro.

Taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Andrew Gutti ayaa isaguna sheegay in ay ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ay qabsadeen  deegaanka Laanta-buuro oo 40-KM u jirta magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab .

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadashay guulaha ay sheegteen ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM  ee ku aadan qabsashada deegaanka Laanta-buuro oo saldhig weyn u ahayd Ururka Al-Shabaab ilaa intii laga qabsaday Degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidanka AMISOM ayaa lagu sheegay in ay qabsadeen ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM deegaanka Laanta-buuro  xilli magaalada Muqdisho la isku mari la,yahay  ansixinta dastuurka waxaana khilaaf uu ka dhex aloosan yahay madaxada DFKM iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online