Ciidamada Itoobiya oo qarax lagu weeraray magaalada B/weyne xarunta gobolka Hiiraan.

July 17, 2012 - Written by

Hiiraan: Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa  saaka qaraxyo loogu geystay magaalada B/weyne xarunta gobolka Hiiraan
Qaraxa hore ayaa dhacay ka dib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo lugeynaya bariga magaalada B/weyne, lala eegtay qarax miino,kaasoo sida la sheegay geystay khasaare baaxaddiisa aan la garaneyn.

Ciidamo kale oo gurmad ah, ayaa soo gaaray goobta, kuwaasoo iyagana qarax kale uu qabsaday, waxaana jirta in ciidanka Itoobiya ay rasaas aad u badan afarta jiho u rideen.

Dadweynaha ku dhaqan xaafadda ay qaraxyadu ka dhaceen, ayaa waxaa soo wajahday baqdin xoog leh, waxaana jirta in marka ay falalkaan oo kale dhacaan, ay ciidamada Itoobiya dad badan qabqabtaan,kuwaasoo mustaqbalkooda nololeed aan la saadaalin karin.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidanka Itoobiya sidan oo kale qaraxyo loo geysto, waxaana jirta in Itoobiyaanku ayan laheyn afhayeen u hadla oo ka warbixiya khasaaraha ciidankooda gaara iyo howlgallada ay sameeyaan.

Somalireal/Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online