Diyaarado ay leedahay dalka Kenya oo duqeeyey deegaano ka tirsan J/hoose iyo Gedo

July 15, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo ay leedahay dowlada Kenya ay duqeyn ka geysteen shalay deeganka Hoosingow oo ka tirsan gobalka J/hoose waxaana ay duqeynta sababtay khasaaro kala duwan .

Diyaaradaha dowlada Kenya ayaa isla shalay duqeymo kale ka geystay  deeganka Baako  sidoo kale waxay diyaaradaha Kenya duqeeyeen  deegan ku dhow magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo.

Afhayeen u hadlay Ururka Raaskambooni Cabdi Naasir Seeraar ayaa sheegay in duqeymo ka dhacay deeganka Baako oo ka tirsan gobalka Jubbada Hoose ay khasaaro ka soo gaartay Ururka Al-Shabaab ;ilaa haatan ma jiraan masuul ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay Duqeynta ka dhacday deegaano ka tirsan gobalada Gedo iyo J/hoose .

Xildhibaan ka tirsan DFKM oo lagu magacaabo  Maxamed Cumar Geeddi ayaa ku eedeeyay Ciidamada dowlada Kenya in ay kala saari waayeen  shacabka rayidka ah ee xoolo dhaqatada ah  iyo dagaalyahanada Al-Shabaab wuxuuna sheegay in ay xoolo faro badan ay  baabi’iyeen diyaaradaha Kenya ee Duqeeyey deegaanka Baako.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online