Dufcadii 4aad oo ka qalin jabisay Machadka Al-furqaan oo ka dhacday magaalada Laascaanood.(Daawo Video-ga)

July 20, 2012 - Written by
Ardadda ka qalinjabisay Machadka Al-furqaan ee magaalada Laascaanood ayaa Tiradoodu gaaraysay ilaa  158 arday oo dhiganayay  mudo saddex sano ah Machadka ayaa waxaa halkaas lagu gudoon siiyay shahaa dooyin iyo abaalmarino kale duwan waxaana ardaddna laga dheehanyay wajigooda farxad aad u saraysa. Xafladaan ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay Culimo’waalidiin qaar ka mid ah qurbo joogta Gobolka Sool iyo dadwayne aad u tiri badan dhamanaan dadkii ka soo qayb galy waxa ay aad ugu farxeen ardaddan dhalinta yar ee labaray shareecada Islaamka ee macadku baray shareecada waxa ayna tilmaa meen in ay soo dhawaynayaan machadka iyo guud ahaan Culimada dadaalka ugu jirta sidii dadka loo bari lahaa shareecada islaamka.
Ugu horayn waxaa halkaas kahadlay maamulaha macahadka allfurqaan Sh.yuusuf Haybe waxa uuna maamuluhu sheegay machadku inuu utaagan yahay inuu soosaaro ardodhisan kadhisan dhanakasata waxa aan marakasata hiigsanaa sidii aan uhorumarin lahayn machadka allfurqaan.waxaa sidookale halkaas kahadlay ustaad c\rishiid oo kamida barayaasha machadka allfurqaan. Culimada ka soo qaybgashay waxaa kamid ahaa Sh.c\naasir Xaaji Axmed Xafiduhulaah.waxa halkaas Lagasheegay sheekha iyo aasaaskii macadka Iyadoo Sh,c\naasir halkaas loogamahadceliyay kaalinka uu shiikhu kuleeyahay barashada Diinta islaamka ee guud ahaan gobolladan.

no images were found

Sh.Cali Macalin ayaa isna halkaas ka hadlay oo sheegay in maanta ay fursad haystaan ardaddan qalin jabisay inaan barigii hore jirin in qofku intuu halkaas istaago uu ku khudbeeyo carabi markaa waxa aan idin leeyahay waa fursad qaaliya kafaa iidaysta.waxaa halkaas kahadlay Culimo farabadan oo ay ka midka ahaayeen Sh.c\naasir faraaid,Sh.Axmed maxamed Sulaymaan.Sh.Xasan Carab oo ka mid ah culimada G\sanaag oo halkaas ka sheegay qiimaha uu dheeryahay Gobolka Sanaag Gobollada kale ee deegaanadan waxa uuna sheegay in Sanaag ay tahay meel ku fiican nolosha iyo qaybeheeda kale duwan markaa waxaan idin leeyahay bal soo booqda Gobolka Sanaag.
Mid ka mid ah shaqaalaha shirkada Telesom,C\raxmaan Sayn oo ka mid ah shaqaalaha shirkada iyadoo shirkadu kaalin mugleh ka qaadata qaybaha kala duwan ee waxbarashada deegaanka waxa ayna halkaas ku xidhay qalab maqal iyo muuqaala oo lagadaa wanayay guud ahaan qaybaha machadka ee ay ku sugnaayeen haweenku, waxaa isna halkaas ka hadlay .Mubaarag Xasan Aar oo ka mid ah ganacsatada deegaan ka  ahna mulkiilayaasha shirkada Lesco ee korontada Gobolka Sool oo kaalin muhiima ka qaadatay sidii goobaha cibaadadda ugu deeqaab laydh bilaasha iyo guud ahaan masaajidada kuyaal Gobolka Sool ay siiyaan laydhka waxa uuna sheegay inuu wax kaqaban doonaan horumarinta waxbarashada deegaanka.

Hoos ka Daawo Xafladii Dufcadii 4aad oo ka qalin jabisay Machadka Al-furqaan ee magaalada Laascaanood.


Machadka Al-furqaan ee
magaalada Laascaanood.

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online