Golaha Wasiirada DFKM oo maanta ku shiray magaalada Muqdisho

July 12, 2012 - Written by

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, arrimaha amniga, Dhameystirka soo xulida Ergada iyo qabsoomida shirkii lagu ansixin lahaa Dastuurka. Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey safari uu ku tagey dalaka Ugaandha isagoona halkaas kulamo kula qaatay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, wuxuuna Ra’iisul wasaruhu uga mahad celiyey dowlada Ugaandha dadaalka dheeraadka ah oo ciidamadoodu ka wadaan dalka Soomaaliya wuxuuna intaas ku daray in Ugaandha tahay wadanka kaliya ee dadka Soomaaliyeed ku galaan Vise la’aan isla markaana in ka badan 3,000 oo arday ah ay dhigtan jaamacadaha kala duwan ee dalka Ugaandha.

Sidoo kale waxaa Ra’iisul wasaare Gaas ka warbixiye shirkii International Contact Group (ICG) shirkaas oo looga hadlay qodobo muhiim ah waxaana ka soo baxay go’aamo dhaxal gal oo ku saabsan geedi socodka nabada ee Soomaaliya, waxaana qodobadaas ka mid ah in Soomaaliya loo sameeyo sanduuq dhaqaale oo lagu hormarinayo arimaha nabad galyda waxaana uu ahaa go’aan ka soo baxay shirkii Istanbuul in dowlada Turkiga ay hormuud u noqoto arimaha dibu dhiska Soomaaliya isla markaan Bankiga Islaamka uu fuliyo qorsha yaasha dhaqaale.

 

Arimaha Amniga waxaa aad loo soo dhaweeyey qabsashadii Laanta Buuro oo ahayd saldhig muhiim u ah ururka Al-shabaab waxaaa kale oo ciidanka booliska iyo nabad sugida baaritaan ay sameeyeen maalmihii u danbeeyey ku soo qab qabteen dad badan oo looga shakisan yahay ururka Al-shabaab. Wasiirka Dastuurka ayaa isna ka warbixiyey halka uu marayo qabsoomidii shirkii Ansixinta Dastuurka iyo soo xulida Ergada waxaana uu sheegay in in ka badan 500 oo ka mid ah ergadii ansixin lahayd Dastuurka ay diyaar yihiin inta dhimana soo dhamaystirmayaan maalmaha soo socda waxaana ay ahayd in maanta shirku furmo balse arrimo farsamo awgeed ay dib ugu dhacday iyadoo dib laga soo sheegayo xiliga uu si rasmi ah u furmayo.

Wasiirka Maaliyada ayaa goluhu warbixin ka dhagaystay waxaana uu sheEgay in wasaaradu ku howlantahay aruurinta canshuuraha bariga si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo warbixin ku saabsan dakhliyada soo gala dowladda loona samayn lahaa qorshayaal lagu kobcinayo ilaha dhaqaalaha. Ugu dambeyntii Wasiirka Waxbarashada ayaa golaha u soo bandhigay Shahaado dugsiga sare ah oo uu dalka dhan yeesho wuxuuna sharaxaad ka bixiyay in Shahaadada Wasaarada la aqoonsan yahay islamarkaana aanan la maduufikeen karin. Wuxuuna sidoo kale xusay in dhamaan dugsiyada Waxbarashada dalka ay qaadanayaan Shahaadadaani ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya, Maadaama dalku in muda ahba ay dugsiyada kala duwan ee Waxbarasho ee dalka ka jira ay soo saaraan Shahaadooyin kala duwan balse midaa wixii maanta ka dambeysa laga baxayo oo uu dugsiyada Sare ee dalka uu yeelanayo Shahaado mid ah.

Diraac Salaad Fagaase.

Communication Director,
office of the PM
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online