Idaacada Radio Salaam oo marti ay u yihiin Sh Yuusuf Aadan iyo Sh Maxamuud Hoori [Dhagayso]

July 24, 2012 - Written by
Waxaa magaalada xeebta ah ee Mombaza ee dalka Kenya gaaray culimo soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Sh.Yuusuf Aadan oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya iyo Sheekh Dr Maxamuud Hoori oo macali wax ka dhiga Jaamac ku taal magaalada Madina ee dalka Sacuudiga. Howl wadeenada Idaacada Radio Salaam oo uu ugu horeeyo Wariye Maxamed Cabdi Bootaan iyo saaxiibadiis ayaa waxaa ay fursada u siiyeen dadweynaha ku nool magaalada Mombaza in ay culimada wiidiiyeen su,aalo diini ah oo ku saabsan Ramadaanka ayna culimadu ay u jeediyaan towjiihaad iyo muxaadaraad.
Dhinac kale culimo fara badan ayaa maalmihii la soo dhaafay gaaray dalka Kenya iyagoo culimadu ay hadda ka wadaan muxaadaraad iyo towjiihaad diini ah iyagoo qaarkood ay aadeen magaalooyinka Mombaza , Gaarisa, iyo magaalada Nairobi oo ay ku sugan yihiin culimo fara badan oo ka yimid gudaha Soomaali ya iyo dalalka dibad, Muxaadarada culimada iyo Su,aalaha Ramadaaniga ee ay diyaariyeen Idaacada Salaam ee magaalada Mombaza dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu ee ka faa’iidaysi wacan.
Hoos ka Dhagayso Barmamijkii Ramadaanka ee Radio Salaama Wariye Maxamed Cabdi Bootaan qaybta 1aad
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/1ot0vcz66t/sh_yusuf_iyo_sh_hoori.mp3]
Hoos ka Dhagayso Barmamijkii Ramadaanka ee Radio Salaama Wariye Maxamed Cabdi Bootaan qaybta su’aalaha dadweynaha
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/9gfs79ae81/sulaahihii_culumada_iyo_radio_salaam.mp3]
Radio Salaam Mombaza
Wariye Maxamed Abdi Bootaan

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Ilaahey ha awaal mariyo Culimada Soomaaliyeed ee barida Diinka ka dhigtey hawl. nabi Moxammad (صلي الله عليه وسلم
    ayaa laga wariyey inuu yiri ( ان العلماء ورثة الانبيا)

Leave a comment

*