Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo saxiixay xeerka ururada siyaasada

July 7, 2012 - Written by

Garoowe:-Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta qalinka ku duugay  xeerka ururada siyaasada Puntland oo ay soo diyaariyeen guddiga doorashada dowlada Puntland, oo isbuucii la soo dhaafay ay ansaxiyeen xildhibaannada golaha Baarlamaanka Puntland .

Xaflada uu madaxweynaha Puntland ku ansaxiyey xeerka ururada siyaasada Puntland ayaa waxaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada Puntland waxaana ka soo qeyb galay Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Puntland iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland, Maxamed Xasan Barre.

Guddoomiyaha guddiga doorshada Puntland Maxamed Xasan Barre oo goobta ka hadlay ayaa khudbad kooban ka ka jeediyay xaflada isaga in yar dulmaray  qaabkii ay ku soo diyaariyeen xeerkan, wuxuuna sheegay in Puntland ay ka gudubtay qaabkii qabiilka una gudubtay qaabka xisbiyada badan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole oo khudbad  ka joo jeediyey xafladan ayaa u mahadceliyey guddiga doorashooyinka oo hawshan muddo ka soo shaqeynayey.wuxuna yiri ‘’Run ahaantii waxaan ku faraxsanahay Puntland inay leedahay dastuur meel marey iyo nidaam axsaab badan oo  ,waxaa maanta bilaabmey geedi socodkii nidaamkii axsaabta badan oo ay ku talaabsatey Puntland’’

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online