Midowga Afrika oo u digay mar labaad dad uu ku sheegay Qaswadayaal

July 19, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafulu Wmunyinyi ayaa maanta Shirjaraa’id waxaa uu qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu ka hadlay arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin amaanka ,xaalada kala guurka iyo waktiga u dhiman madaxada DFKM .

Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafulu Wmunyinyi ayaa marka hore wuxuu ka hadlay amaan wuxuuna sheegay in dalka uu marayo marxalad xasaasi ah loona baahan yahay in amaanka laga wada Shaqeeyo lana sugo amaanka ergada ansaxineysa dastuurka .

Mar uu ka hadlayey dad uu ku sheegay Qaswadayaal ayaa wuxuu cadeeyey  in laamaha amaanka ee TFG ay la socodsiiyeen in talaabo laga qaadi doono Qaswadayaasha gaar ahaan wasaarada G/dhiga iyo arimaha gudaha wuxuuna yiri “looma dulqaadan doono dadka carqaladeynaya in laga gudbo marxalada kumeel gaarka ”

Wafulu Wmunyinyi kuxigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay soo xulida ergooyinka ansaxin lahaa Dastuurka DFKM wuxuu tilmaamay in meel wanaagsan ay mareyso  isaga oo sidoo kale ka sharqamiyey xiliga la qabanayo doorashada madaxtinimo ee dalka Soomaaliya wuxuuna sheegay in ay bil ka dhiman tahay .

Dhinaca kale Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee arimaha Soomaaliya Wafulu Wmunyinyi ayaa waxaa uu si rasmi ah u shaaciyey maanta in ciidamo Boolis ah oo ka socda AMISOM ay la wareegi doonaan dhawaan xarumaha Booliska ee ku yaal dhamaan Degmooyinka magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online