Nabadoon Col.C/llaahi Maxamed Xassan Faray oo caawa lagu dilay Gaalkacyo

July 30, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug  Nabadoon  Col.C/llaahi Maxamed Xassan Faray iyo walaalkiis halka qof la socday oo kalena uu dhaawac culus soo gaaray, Nabadoon Col.C/llaahi  Faray ayaa waxaa la dilay xili uu ku soo tukaday salaadii Makhrib  Masjidka Al-taqwaa ee Xaafada Israac iyadoo kooxda dilkiiisa geystayna ay goobta ka baxsadeen.

Nabadoon Cabdullaahi Faray ayaa waxaa uu ahaa allaha u naxariiste ganacsade caan ka ah Gobolka Mudug waxaan uu mar uu ka mid noqday Golahii degaanka ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, Nabadoon Cabdullaahi Faray ayaa waxaa kale uu ka mid ahaa ciidankii xoogga dalka Soomaaliya waxaan uu ku gaaray Darajadiisa Gaashaanlle Sare.

Dilka Nabadoon Col.C/llaahi  Maxamed Xassan Faray ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan la hakiyey howl galay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntlland oo ka yimid magaalada Garoowe  iyagoo maalmihii hore howl galo ay ka sameeyeen magaalada ku qabqabtay  kooxo burcadbadeed ah oo dhibaato badan ka geystay  gudaha magaalada.

Gudiga amaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa ah kuwa iyaga la daalaa dhacay dilalka ka dhacay magaalada oo ah kuwo wajiyo badan iyadoo dilalkii u danbeeyey ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed oo kooxo abaabulan ay dilkaas inta badan ay geytaan Madaxda Puntlland ayaa dilalka ka dhac magaalada Gaalakcyo waxaa ay inta badan ay ku eedeeyaan in ay ka danbeeyaan ururka Al-shabaabn iyo shaqsi yaad ay ku sheegeen in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda nabadgelyada Puntlland , ururka Al-shabaab ayaan iyagu wax jawaab ah ka bixin eedey maha uga yimaad inta badan Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online