Nin walba siddo la qabto wuu leeyahay Sh Abu Qataada Vs Sh Xasaan Xusen Qeybtii 2aad

July 19, 2012 - Written by

Nairobi:-Ilaah baa mahad leh amaan iyo nabadgelyo dhamaanteed Nabigeenii Maxamed ahaa korkiisa ha ahaato waxaana qoraaladeydii hore aan uga soo hadlay mawaaqif iyo aqwaal iyo fatwo u gaar ah Sheekh Xasaan Xuseen taas oo uu gaalnimo ku xukmiyey Culumada iyo jamaacada Ictisaam Bilkitaab iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada aysan ka talin Ururka Al-shabaab.

Waxaan kale oo aan qoraaladeydii hore si deg deg ah u soo badhigay in Sheekh Xasaan Xuseen uu leeyahay hadalo iyo mawaaqif kala duwan taas oo aan uga dan lahaa in qof  ka nabad galaya uusan jirin hadalo iska soo horjeeda haddii la daba galo kutubta iyo weliba muxaadaraadka uu leeyahay taasna waxaa sabab u ah cilmiga iyo fahan ka qofka oo mar walba kordhaya.

Waxaa igu kalifay in aan qoraalkan aan qoro ka dib markii aan isha mariyey  laba qoraal oo ay kala leeyihiin Sheekh Dr C/raxmaan Sheekh Claahi Cumar iyo Sheekh Xasaan Xusen , Sheekh C/raxmaan Sh C/laahi Cumar ayaa dhowr su,aalood weydiiyey Sh Xasaan halkan ka eeg Su,aalaha la weydiiyey Sh Xasaan waxaana ka soo jawaabay Sheekh Xasaan Xusen halkan ka eeg Jawabtii Sh Xasaan Xusen

Runtii Niqaashka cilmiga ah ee dhexmara culumada waxaa ay ka faa,idaan ardayda cilmi aad u qiimo badan waana arin soo jireen ah oo lagu yaqaanay saaxada culumada Salafiyada ee Soomaaliyaad iyo dadka ka inxraafay Manhajkaas  tan iyo markii laga soo bilaabo bartamihii todobaadanaadka  markaas oo fikirka Khawaarijta ee loo yaqaan Takfiirka uu soo dhexgalay dacwada Salafiga ayna ku saamoobeen qaar ka mid ah dhalinyardii cilmiga sharciga baranjirtay waxaana ka xusi karaa culumada sida weyn uga hortimid fikirkaas Sh C/qaadir Nuur Faarax iyo Sheekh Yuusuf Aden Maxamed.

Ka dib markii aan akhriyey labada qoraal ee Sheekh Xasaan Xusen iyo Sheekh Dr. C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar ayaa waxaan ka dhex arkay qoraalka Sheekh Xasaan allaha soo hadeeyo isaga iyo anagabee in qoraalada uu ku soo qoray Risaaladiisa ugu danbeysay oo uu uga jawaabayey Su,aalaha uu soo weydiiyey Sheekh Dr.C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar in qoraalada qaar uu ka soo miinguuriyey wareysi dheer oo lala yeeshay Sheekh Abu Qataada al-Falastiini oo ah wadaad falstiini ah oo ku xiran dalka Engiriiska allaha ka soo daayo … Aaamiin. bal waxyar aan dul istaagno wareysiga Sh Abuu Qataada inta aan u galin qoraalada sida gaarka uu u leeyahay Abu Qataada Al Falastiini ee uu Sheekh Xasaan soo xaabsaday!

Sheekh Abu Qataada al-Falastiini ayaa wareysigiisa waxaa cinwaan u ahaa (حوار مع الشيخ أبي قتادة من داخل السجون البريطانية – 1429هـ ) waxaana uu wareysiiga uga hadlay arimo aad u tiro badan waxaana wareysiga ka soo qaaday (الشيخ عادل عبد المجيد ) .

Abu Qataada ayaa waxaa uu wareysigiisa uga hadlay arimaha hoos ku qoran

– آراء الشيخ جرحا وتعديلا في:

الشيخ الألباني رحمه الله.

الشيخ بن باز رحمه الله.

الشيخ سفر الحوالي.

الشيخ سلمان العودة.

شيخ الأزهر سيد طنطاوي.

منهج الاخوان المسلمين و حماس.

– ظاهرة التراجعات في الجماعات الإسلامية.

– أحداث إختطاف الصحفي البريطاني ألن جونسون في غزة.

– القضايا الساخنة في العالم الإسلامي (العراق، أفغانستان، الصومال، لبنان، مستقبل فلسطين).

– الوجه الشرعي للانتخابات البرلمانية.

– الحكم الشرعي في دخول شرطة و جيش البلاد الموالية للكفار.

– دور المرأة في المعركة الإسلامية.

Waxaan Runtii aad ula yaabay sida duruusta iyo muxaadaraadka Sheekh Xasaan ay u yihiin qoraalada uu leeyahay wadaadka abu Qataada Al-Falastiini bal aan yara dul istaagno si aad u aragto Qoraalada uu Sheekh Xasaan ka soo qaatay Abu Qataada Al-falastiini uusana xusin in uu leeyahay taas oo ah mid aan lagu aqoon dadka cilmiga u saaxiibka ah balse dhici karta in Sh Xassaan uu sahladay marka aan ka fiirino dhinac wanaaga.

Sheekh Xasaan risaaladiisa uu ugu magac daray (الإعانة لطالب الإفادة)oo jawaab u ahayd su,aalihii uu weydiiyey Sh Dr C/raxmaan Sh C/laahi Cumar ayaa markii uu ka hadlayey Doorashooyinka safxada (11-ilaa 13) waxaa uu qoraal ka soo qaatay wareysigii dheeraa ee Sheekh Abu Qatada al-Falastiini isaga oo si xariifnimo leh u kala badalay weero aad u yar wuxuuna ka qaatay qoraalka wareysigii Abu Qataada safxada (32-ilaa 42)

Halkan ka eeg Qoraalkii Abu Qataada  (32-ilaa 42)

Halkan ka eeg Qoraalka Sheekh Xasaan Xusen  (الإعانة لطالب الإفادة) uu ka soo qaatay Abu Qataada isaga oo xusin masdarka ! {11 ilaa 13}waxaad ila wada aragteen sida uu Sheekh Xasaan u soo qortay qoraal uu leeyahay Abu Qataada Al-Falstiini Ama Halkan safxadihii oo kooban (11-13) waxaan leeyahay Sheekh Xasaanow Nin walba siddo la qabto wuu leeyahay ee culumada aad ku sheegayso in ay is buriyeen ama kirli uu madax ugu jiro ama aad gaaleysiisay kuma heyno iyagoo soo qortay qoraal wadaad kale leeyahay !

Bal aan idiin soo gudbiyo wareysigii dheer ee uu lahaa Sheekh Abu Qataada Al-Falastiini  iyo Jawaabtii uu Sheekh Xasaan uu ka bixiyey su,aalihii la weydiiyey oo dhameystiran si aad iskugu eegtaan  Halkan ka Akhriso Wareysigii Dheeraa ee Abu Qataada     (32 ilaa 42)  Halkan ka Akhriso Jawaabtii Xasaan (safxada 11 ilaa 13aad) waxaa xusid mudan in inta badan qoraalada wax lagu gaaleysiinayo laga soo miinguuriyo website ay leeyihiin qolooyinka Takfiirka ah sida{Manbar Al tawxiid waljihaad } .Halkan ka eeg wareysiga Abu Qataada

Qoraalo badan iyo erayo badan oo ay isticmaalaan raga qoraalada ku gaaleysiiyey culumada ayaa waxaa inta badan laga soo koobiyeeyaa Manbarka ama Mareegta aan kor ku xusay iyada diin laga dhigayo ,Ardayda aan wili si fiican u baran Cilmiga Sharciga ama aan la socon wax ka socda saaxada Islaamka ayaa ku kadsooma qoraalada noocaan oo kale ah oo ay ku yar tahay amaanada cilmiga iyo fahamka Nasuusta iyo Aqwaasha culumada .

Sheekh C/Raxmaan Abyad ayaa si qoto dheer uga hadlay dhowr muxaadaro isaga oo uga digay dhalinta yar yar ee aan aqoonta u lahayn cilmiga sharciga in aysan ku kadsoomin nuquusha culumada oo inta badan la soo kala reebo iyo nusuusta sharciga oo si khaldan loo fahmay  .

Waxaa xusid mudan in Wareysiga Dheer ee uu leeyahay Sheekh Abu Qataada Al-Falastiini markii uu ka hadlayey doorashada iyo galida baarlamaanaadka uusan ku gaaleysiin wadaada qaba ama ku jira Baarlamaanaadka balse wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo Jaahiliin ah ama Muta’awiliin ah wuxuuna ku yiri Safxada 35aad (ومع وضوح هذه المسألة وهو أن الإنتخابات البرلمانية عمل كفري يضاد الله في حقه في التشريع والحكم إلا أننا لا نكفر مخالفينا في هذه المسألة لأننا نعذر المتأولين الجاهلين، فهم عندنا جهلة، ولا يعرفون الحق، وشرط المشاقة كما تقدم من آية النساء-ومن يشاقق- هو التبيين، وهؤلاء جهلة، هذا في ظاهر الأمر عندنا، والله أعلم بالقلوب و النيات، وندعو لهم بالهداية والعودة للحق، لكن انظر إلى مخالفينا كيف يكذبون علينا ويطلقون علينا الأوصاف الكاذبة، فهم في واقعهم يتحالفون مع العلمانيين والمرتدين وإن جاء حديثهم إلينا كشروا عن أسنانهم ورمونا بأشد الأوصاف وأقساها، غفر الله لنا ولهم.) su,aashu waxay tahay muxuu Sheekh xasaan Shiiqiisa hadalkiisa u soo wada guurin waayey !haduu qoraalada qaar ka soo qaatay Abu Qataada isaga oo aan xusin masdarka.

Waxaan ku soo Afmeerayaa Qoraalkeyga  in qof walba uu qaldami karo loona baahan yahay in alle aan u laabano dhamaanteen aana ka faa,ideysano Bisha Ramadaan.

Qoraaladii hore Ee C/casii Maxamed Halkan ka Akhriso .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net 

42 Comments so far

Leave a comment

  1. waxba wax ba iiga darane hadii shabaab sheekh xasaan haadaantaa takfiirka iyo khawaaarijta ku wado haddana aan nin kaliya oo juuq ka dhihi kara ama waxani waa khaldan yihiin dhihi kara iyaga uu san ku jirin oo madaxa la jabin haduu hadalka ka baqana uusan ikhyaar u lahayn in uu xarakada ka baxo oo uu amniyaad ka baqan oo waliba qofba qof la daba dhigay kkkk soo arrin mucjisaa maaha wali tanoo kale ima soo marin xitaa askartii siyaad barre qafaali jiray waa u jooogee markaa bal aan eegno waxay umusho hadda waa bilow hortiiyey waxaanse dhalinta arintan ku khaldantay ee niyadda wanaagsanayd in cabsida alle ay uga waynaato tan ina godane iyo amniyaadkiisa ayna iska eegaan baadiyaynta sh/xasaan oo intaanay khawaarijnimo ku dhamaan ay dib isu saxaan

  2. الإنصاف سمة من سمات العلم والعلماء ومن ليس له انصاف فلا يمكن ان يقول عنه انه عالم أو شيخ علم
    الانصاف هو طريقة السلف اهل السنة
    لن تجد عالما من علماء اهل اسنة الا وهو يمدح بتصافه هذه الصفة الجليلة
    اقول ان الاخ صاحب المقال رعاه الله حاول ان يكون منصفا بكل احوال وهذا شيء يشكر فيه وياليت بعض الكتاب يتعلمون منه الانصاف والعدل مهما كان الاختلاف وبعد الاراء
    تأملت قوله لشيخ حسان ووصفه بانه شيخ
    وكذلك دعائه لي ابي قتادة الفسلطيني
    اما ما يتعلق بلب الموضوع فاقول وللاسف والله المستعان! قد كنت احسن الظن بحسان فاذا هو صار مثلا يضرب له سرقة اوراق الرجال وبحوث الاخرين وهذه طريقة لصوص النصوص لانهم لا يجدون ما يجعلونه حجة وهذا يدل على افلاسهم وسوقطهم وضعف الحجة عنهدم
    نسال الله ان يعيد رشده ويهديه الى طريقة العلماء ! بدلا من طريقة لصوص النصوص الذين لا يهمهم سوى التعصب المقيت لفرقة ما أو جماعة من الجماعات

  3. Asc Wr Wb

    Bismilaah

    Walaalha qoraalka qoray iyo inta ka faaiiday iyo weliba walaaha halgan net Allaah ha idin wada barkeeyo waxaan marwalba idinkula dardaarmin ixtiraamka culimada Allaah ayaan qaldamin waan wanaag in khaldka la iska qabto balse waxa aan fiicnayan qalad qalad in lagu saxo waxaynu ku jirnaa bil barkaysan ee ducada aan badino in Allaah fitanka inga badbaadsho culimadana quluubtooda ale isu dumo waa ayaan daro weyn hadii xaalku halkaas ku sii socdo waxaan Allaah inooga baryin samir iyo in aan ahaano adoomo waxii loo abuuray ku toosa. waan jeclaan lahayn in qoraalka afsoomaali lagu soo qoro si aan in badan u faaiideysano.

  4. ascwrwbwb halgen net waxaan leeyahey waa bil ramadan ee waxan culada isku hayaan dib u noogu dhiga hadii kale dadka caamada ah ayaa ku wareeraaya waa wax ay diinta baran lahaayeen ayaa iska mashquulinayaan ascwrwb

  5. ASS.W.W
    Wax wayn baasoo baxay, dad badanina waxay kujaahwareen sida culimada qaar sida wadaadka xasaan wax isugu qasaan. Badbaado allah hasiiyociddii qalad iftiimisa daliil saxana raacisa.

  6. asc wallaalayaaal way fiicanatahay inqofkii diinta ku khaldama khaladkiisa lacadeeyo lkn qofka sharaftiisa la ,ilaaliyo runtii shekh xassaan waa nin cilmi leh lkn manhajkii ahlu sunaha waxabada ku garab maray ,sida ku dagdaga gaalaysiinta muslimiinta ,dacniga culimada iyo fataawo iskhalaafsan

  7. marka hore waxaan leeyahay ilaahey hiddaayad ha siiyo xasaan, kuwa daba socdana allaah habad baadiyo meel aan loo baahneyn oo qatar ah ayey ku socdaan, nin isku sheegaya inuu shiikh yahay haddana aan ladhihi karin war nin yahow waad qaldan tahay, ma malaa ik baa mise waa nabi waata aan laga dhaadhici karin inuu qaldan yahay, qofka diinta wax ka yaqaan marka lagu yiraahdo allaah kabaq, waa inuu gariiraa oo yiraah daa maxaan qalday,laakiin sida looga bartay mr xasaan waa dagaal aan dhamaaneyn iyo cadaawad , neceyb , caro iyo waxii lamida , marka waxaan leeyahay umada allaha ka qabto dadka nuucaan ah bulshada ma hagaa jinaayaan balse wey kala geynaayaan
    oo isku dirayaan

  8. السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
    بعد شكر الله تعالى أشكر الإخوة القائمين على الموقع لفتحهم باب التعليق وإبداء الأراء
    marka labaad waxaa u madah cilinaa walaaha tacliiqa ka bixiyay mawduuca waxaa leeyahay walaalka cabdulaahi waa sax in aa ka xumaatid oo ka naxdid in culimada qaar dhiigooda la baneeyay gaalnimana lago xukumay in kasto oo waafasaneen in shiikh xasaan hadalkiisa saas loo fasirto lakin walaal waxaaa ku waydiinaa ma dhagaysan miyaa maxaadraadka shiikh xasaan dusha looga saaray wax uu bari ka yahay taas oo ay ka mid tahay in uu qabaail soomaaliyeed gaaleeseeyay gabi ahaan iyo in uu fatwo ku bixiyay shiikha in la laayo culimada qaar marka shiikha waxaas oo dhan dusha laga saaraaye asaga oo bari ka ah maxaa uga hadli waysay mise waa la qabtaa waxaa leeyahay walaaka qadiyada jaawaanibteeda dhan ka raadi oo hal dhinac dusha wax ka saarin adiga uu darafka kale dhagaysanin cu;imadeedanan makala cilimi badno in kasto oo laga yaabo in midba dhinac baac ku leeyahay waxaa ilaah waydiisaneenaa in uu xaqa na waafajiyo waxaa xasuusinaa walaal qawlka alaah يا أيها الذين آمنوا كونوا قوامين لله شهداء بالقسط ولا يجرمنكم شنئان قوم على ألا تعدلوا إعدلوا هو أقرب للتقوى

  9. To salmaan:

    Salmaan su’aashaas shiikh kuwaydiiyay waa gare bal jawaabta keen fadlan soomaalina kusoo qor badi akhristayaashu soomaaligay doorbidayaane.

  10. ku salmaan .

    ninyohow maxaad ka hadlaysaa!!! war arintu waa dhaaftay tacasub iyo taqliid iwm , adeer waxay maraysaa waa GAALO IYO WAA IN LALAAYAA!!.

    marka hore soo waani ninkan dhiiga culimada banaynaya gaalnimona ku xukumaya .
    .
    meeshanna caruur la maslaxayaa ma joogto !! oo shaadh beena loo huwan karo , waxaa layaable inaanay kuu muuqan ninkan culimada gaalaynaya dhiigoodana banaynaya oo in aad ka difaacdo cid ku haysata khalad uu galay oo aad u yar marka loo eego jariimada uu ku dhex jiro aad la xiiqsan tahay.

    adeer HA LA LAAYO BAY MARAYSAA adna culimadu waa iskhilaafi jirtay iyo tacasubka ha laiska daayo bad ka hadlaysaa , maxay kuula muuqataa fatwada xasaan ma ijtihaad mise jariimo iyo danbi warkaaguba ha cadaado ee.

  11. السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
    بداية أود أن أعبر عن مدى سروري وفرحتي بهذا النقاش بين الإخوة المعلقين على المقال الذي كتبه الأخ وأرجوا أن يكون نقاشنا بناء وقائما على التفاهم والتناصح وعدم التعصب والتقليد لأراء الغير دون دليل واضح وأرجوا من أخوة بأن ماذكره الأخ الكاتب بأن الشيخ حسان قد سرق جهود غيره لم تعد كافية وأود أن أعبر عن مدى أسفي عن تهاون بعض الأخوة المعلقين بإطلاق أسماء التفير والخارجية على بعض الإخوة المسلمين وبعض المواقع المفيدة مثل منبر التوحيد والجهاد ؟ أليس ما كنتم تلوموننا به أننا نطلق حكم التكفير على الناس بدون ضوابط فهل أانتم التزمتم بالضوابد حين تطلقون بعض العلماء على التكفيرية والخار لجية علما بأن كلامي هذا للمعلقين وليس للعلماء فللعلماء منا كل الاحترام والتقدير أمثال الشيخ أمل والشيخ حسان
    وأرجوا أن يتواصل النقاش بدون الخروج على قواعد الحوار البناء وأعتذر للإخوة الذين طلبوا الكتابة باللغة الصومالية فليست الكتابة بالغة الصومالية سهلة للجميع وأرجوا أن تتقبلوا هذا

  12. qolyahan leh culimaa is haysa ama labaduba waa culimadeenii , waxaan waydiin lahaa sidee culimo kuugu wada noqon karaan xassaan oo fatwooday in ay gaalo yihiin oo diintiiba ka baxeen in lalaayona ay gar tahay iyo qoladan uu leeyahay waa gaalo .
    .
    waa laba arimood miduun:
    1- inay yihiin qolo xasaan taageersan oo ka dhigaya ragan uu lee yahay waa gaalo oo waa in la laayaa arin caadi ah oo masalooyinkii culimadu isku khilaafi jireen ka mida .
    2- inay yihiin qolo aan la socon waxa xasaan fatwoonayo .

    suurto gal maaha in hal kolay lagu wada rito xasaan iyo culimada uu gaalaysiiyey dilkana ku xukumay qaarkoodna laba laayay.

  13. Asc
    salan kadib waxan leyahay dadka culimada kala tegeraya labaduba waa culimadena wuxi saxan halga qato wuxi qaldana ha la qato

  14. Waxaan umalaynayaa maahmaah soomaaliyeed inay ahayd nabar danqasho kulul waxaasaaye. Wolyaha ibtilaysan ee muslimiinta lagu ibtileeyay waxay ee website sharka samaystay waxay waayahan cay kuwadaan Sh Abyad yaxfadhullaah. Waa maxay sababtu? Waxaan u arkaa Sh Abyad wuxuu kataabtay meel aad u danqasho kulul. Shiikhoodii Xasaan buu si buqno goys ulakacay. Dee waa. Waa ninkii ugu horreeyay oo fadiixadii Xasaan soo bandhigay. Soomaalidu waxay tiraahdaa mas madaxaa laga dilaa. Hadda fargasho iyo cay waa nin jabay howshiis. Waxaan leeyahay war heedhahaya cay wax idiin siyaadin maysee sh Abyad iyo culimada kalena wax kanaaqusin maysee ee waxa shiikhiina ‘shaykhul islaam’ kkkkk lagu haysto oo ah amaano xumo kasoo gar baxa. Wabilahi towfiiq.

  15. ASW
    WAA YAAB MAR AAN CILMI AAN DIIN AHAYN KA MADMADOOBAYSTEY JAAMACAD QURHAHA KU TAAL, WAXAN XUSUUSTAA QOFKII LAGU HELO FICILKA SHEEKH XASAAN OO KALE IS LAGA CAYRIN JIREY JAAMACADA DANBIGAA WAXAA LOO YAQAAN (Plagiarism) WAANA JARIIMO CILMIYEED UU ADEEGSADO QOF KITAAB GAABLOW AH OO JECEL LOO QAATO INUU CILMI LEEYAHAY ISAGOO ADEEGSANAYO NAFTIISANA KU WAREEJINAYA QOWL AMA FICIL CID KALE LEEYIHIIN MAADAAMA AY KU ADAG TAHAY INUU ISAGU WAX SOO KORDHIYO…LAAKIN WAXA MUCJISO AH IN XAGA DIINTA LALA AADEYL.

  16. a.c.ww ikhwaanii waxaa fiican marka wax ladurayo in mowdica ladurayo sifiican loo fiiriyo hadii kale canbaarayntu macna yeelan mayso .
    waa sax in sh xasaan uusan masdarka noo ixaalayn laakiin waxaa nagu filanoo kaliya in uu yiri <> kadibna uu calaamadaan galiyey hadalka bilowgiisa iyo dhamaadkiisa taas oo macnaheedu yahay waa hadal aan soo guuriyey taasna waa kubadantahay culimada ee halagu baraarugo oo yeysan naqaadin caadifad allena waxaa uu leeyahay markaad wax oronaysaan cadaalad fala
    wqbilaahi towfiiq
    wasalaamu calaykum waraxmatulaah

  17. Xasaan Xuseen waxaba uu ka dhereyay Abu qatada falastiini kkk wale wayeb mesha u ku socdo wadadkaan
    ninkas ay ka baxsan wayen saxabadii rasulka oo fatwada ku baxshay in la laybo khudabada masajida iyo culumada caruurta iyo dumarka subxanalaah

    أبو قتادة الفلسطيني هو عمر أبو عمر الأردني.
    وطعنه في كبار علماء السعودية ص147

    وفتوى بقتل النساء والأطفال في الجزائر ص 205

    وقد طعن في الصحابة , وما وقع عندهم بزعمه من اخطأ في جهادهم , كل ذلك من أجل تزكية ثورة الثائرين في الجزائر انظر كتاب المذكور ص299

    qofkii u bahda waxa uu ugu labanaya siyaasatu nathar fi inqilabaat

    walahi wayaab somalidii waxay maraysaa in ay ka dhereyen qulaadii takfiirka ee culumada islamka dhan ay ka digeen subxanalaah

    bur iyo biyo haloo kala baxo

  18. Aad bay u wanaagsan tahay in dood caafimaad qabta dhinacyada aqoonta oo dhan si xal loo gaaro loona badbaadiyo intii wax dhab ah rabta. Doodahaana iyo kutubta la isu qorayaaba aad bay mira dhal u ahaan la haayeen haddii lagu qoro luqada dadka ay khuseyso. haddii kale inta cilmiga durugsan u leh wax laga hadlayo ayuunbaa garaneysa. Mustaqbalka dhow waxaan ku talinayaa in Soomaaliga la xoojiyo waxna lagu qoro dabadeedna loo turjumo luqadaha kale laakiin asagu asal noqdo.

  19. Asalamu Caleykum

    Runtii Culimada somaliyeed ee dacwadaan dadaalka badan ku bixisay diintane sifiican u taqaanay kuna cimriyeeysatay weey buuxaan al xamdulillaah ee ayaga warkooda iyo cilmigooda hala dahgeeysto hana leesku dayo in cilmigaan la barto oo aan la noqon hayin raac oo qof kasta oo oo mutuun iyo sharax daba qabato aan la moodin in uu waxa uu soo tixay aay xaq yihiin. sh xassan wax badan wuu hadalyay laakin hada waqtiga ayaa ka hiilinaayo. waqtigiisa wuu dhamaaday . xaqane wuu cadaaday ee hala raaco kitaab ka allaah iyo sunnada nabigiisa SCW iyo wadadii saxabada iyo salafka iyo Culimada waaweyn sida aay wax u fahmeen.

  20. Asc marka hore waxan salamayaa walalka maqalka leh abdi.aziz marka xiga waxan salamayaa dhaman aqristayasha horta somalidu waxay ku mah maahdaa soo joog ninkii laga waayo soo jiifo ayaa laga helaa xasaan qoraaladaan waxay ula micna yihin soo jiifo joog lagaa waye intaas kadib waxan waydinaa culumada fadlan wapesityada culumada lagu caynaa waliba cayda kabaa.irta sida murtad iyo usuu hadaan aqriyo ma dambi ayaa mise jawab plz fadlan

  21. ايها الكاتب لماذا تتطاول علي العالم الرباني الذي يشهد له الخلائق علي ماقدم لهذه الامه من احقاق حق الله وابطال باطل المرجفين فالشيخ حسان حفظه الله هو عالم من علماء الصومال ويقر له بذلك عدوه اللدود ومحبه الودود ايها الاخ الكريم تطرقت ايضا في مقالتك هذه موقع منبر التوحيد ووصفته بموقع التكفيريين ونعلم ان هذا الموقع موقع نصر الله به الحق واستفاد منه كثير من طلبة اهل العلم لكن ايها الاخ فاعلم ان من وصفته با التكفير يحق له ان يصفك بالكفر ويقال فان قالوا تكفيري فقل ارجوا منكم ان تقبلوا اراء الاخرين وشكرا لااخ الكاتب ولموقع هلجن

  22. asc dhamaan maamulka halgan iyo dhamaan dadka wax ku soo qoro iyo dadka ka faa’iideysto waxaan ku salaamayaa salaanta aan kor ku xusay qeerka badan aad noo qabateen alaha idinka sabaabiyo. walaalkeyga qormada soo qorayoow walalow adigooo aad u mahadsan maxaad noogu sooo qori weysay afsomali isagaan aad u fahmaynaaa carabiga waaan aqrin karaaa laakiin fahan ma jiro walaalow mar labaad waxaan kaa codsanayaa hadaadan sir qoreynin oo aad doonaysid in lawada fahmo waxaaan kaa codsaneynaa dhamaantanada inta aan carabiga aqoon inaad somali noogu soo qortid waxaa meesha ka dhacay qeyrbadana alaha kaa siiyo amiin amiin amiin wabilaahi towfiiq

  23. ‏TO: Annas
    أخي الفاضل اعلم أن ديينا قائم بالعدل والإنصاف ولا يتصف إنسان بهذه الصفات إلا ارتفعت منزلته عند الله وعند الناس أيضا، فيجب أن لا نظلم على الآخرين وأن لا نتعدى الأدب الراقي الذي جاءت به شريعتنا فلا أرى بأسا أن يسمى حسانا شيخا بل يستحق بذلك لعلمه وإن كنت أخالف إلى ما يدعوا إليه من تكفير وتطاول على العلماء وغير ذلك من مآخذه لكن لا يمنع ذلك بأن نسميه شيخا ولزاما علينا أن لا نهضم من حقه فإنه لم يزل أخا في الإسلام وله ما للمسلمين من آخوة وولاء ، وأما ما يتعلق ما نقل من غيره دون بيان فهي زلة ولم يسلم أحد من الزلات مهما بلغ من العلم لا هو ولا غيره من العلماء الأفاضل ولو تتبعنا يا أنس من أخطائك وزلاتك ولربما بلغت عنان السماء ، فيا رب سترك فلا تفضحنا في الدنيا والآخرة ،،
    والسلام

  24. a/c walaal markale ayaan idinka codsanaynaa soo turjuma risaalooyinka la isku diray

  25. سلمان كيف يمكنك ان تدعو حسان شيخا وهو ينقل ويسرق الرسائل من قبل احد الغلاة في هذ العصر؟

  26. Asc waxan shaki kujirin inu sh.xassan qatay mabda a firqada kawarijta tasi shaki kumajiro

  27. salaamun calaykum,

    qofka suaasha soo qorey ee ah maxay culimadu ugu doodayaan af carabi waxaan dhihii lahaa kheyr Allaah swt haku siiyo sababtoo ah umada aad rabtaan inaad wax fahamsiisaan sow somali maaha, si ay wax u kala cadaadaan af somali oo ay caamada(ama dadka badankooda) ay fahmi karaan ayaa loo baahan yahay hadii kale fursada ah iney dadka ka faaideystaan cilmiga iyo xujooyinka ayaa meesha ka baxayso. kuwaan kale ee luuqada carabiga ku murmaya oo aqristayaasha ahna joojiya murankiina sababtoo ah waa laga maarmaa murankiina.

  28. ‏TO: سلمان عبد الله & cabdirxmaan
    القلب يحزن عندما يشاهد ما آل الأمر إلى بعض من ينتسب إلى العلم وهم أبعد الناس منه،، أقول للأول أعني سلمان من أي دليل تريده حتى أثبت لك أن الشيخ حسان ناقل عن غيره من دون بيان ذلك ، ألا يعتبر هذا سرقة حيث يأخذ صاحبه باسم سارق بجدارة إذ لا يطلق السارق من سرق المال فحسب بل من سرق حق الغير فهو سارق أبى أم رضي سيان ذلك، يا سلمان أمامك هذا الدليل وقارن بين الآصل والفرع كيف نقل حسان حرفا بحرف أم أنك تقول إنها إلهام من الله ألهمه لحسان حتى جاء بطق الأصل ،، الفلسفة لا تمشي ولا نقبلها ومن أراد أن يفلسف علينا فنرفضه أيما رفض..
    ‏https://www.halgan.net/kutub/copy%20from%20qataada%2039-42.pdf هذا هو الأصل الذي أخذ حسان ولم يبين ذلك، ثم انظر ما كتب حسان.
    ‏https://halgan.net/kutub/Jawaab_Xasaan.pdf انظر الصفحة: ١١ ـ ١٣
    وأقول cabdrihmaan نحن لا نتعصب إلى أي أحد بل نجعل الحق نصب أعيننا فإن كان الحق مع الشيخ حسان فنحن معه وهذا هو ما تربينا عليه ولكن نحن نشم منك رائحة التعصب الأعمى حيث ترى بأعينك ما قام حسان ثم تجادل عنه من غير وحه صحيح،فاعلم أننا لا ننكر علم حسان ولكن العبرة ليس بكثرة سرد المتون ولا قراءتها بل العبر إصابة الحق وخلاف أفكار أهل البدع.
    والسلام عليكم

  29. بعد أن بذل الكاتب قصارى جهده وشمر عن ساعد الجد ليبحث عن زلات العالم الفاضل الشيخ حسان حسين حفظه يبدوا أن ماجا ء به الكاتب ليس بالكثير فأعزي الكاتب على الوقت الكثير الذي خسره ليبحث عن زلات العلماء فها أنت أيها الكاتب تعتقد أنك تدافع عن أعراض العلماء وفي الوقت نفسه تقع في أعراض بعضهم أم إن الكاتب لا يعد الشيخ حسان من المشايخ ألا ترى أيها الكاتب أن الشيخ حسان قد ذاع صيته واستفاضت شهرته وكثرت طلا به بدرجة أنه لا يأبه بمقالاتك

  30. السلام عليكم .
    بداية أشكر الأخ على تعلقيه وعلى صدره الواسع ولتكن على علم أيها الأخ العزيز أني من طلاب وكنت أتمشي مع جميع النقاشات التي كانت تدور بين العلماء حفظهم الله ولكن هذا لا يبرر لي أن ألقي التهم على بعض العلماء بأنهم سرقوا جهود غيرهم ولعل الأخوة المتابعين يرون معي أنك لم تأت بالدليل الواضح في مقالك ولا في تعليقك والشيخ حسان حسين من مشايخ الصوماليين الأفاضل ويشهد بعلمه القاصي والداني ولعل الكتب والدروس الكثيرة التي سجلها واستفاذ منها الطلبة خير برهان لذلك ولاأتوقع أن ما رميته به من أخذ لنصوص الغير دون العزو إليهم تضر به ولن تبلغه إن شاء الله أمايدور بين العلماء من نقاشات فنتقبلها ونستفيذ من علمهم ولا نجرح أحدا منهم فأنا أحترم الشيخ أمل وأستفيذ من علمه ولا أتبعه اتباعا أعمي حتى أجرج المشايخ الذين يعارضونه وختاما لا زلت أنتظر منك الدليل فما كتبته لا يكفي أن يقتنع به الأخوة المتابعين وشكرا لإدارة الموقع على ما تفضلتم به

  31. Salaamu Calaykum

    Shukran walaal Marwaan walaahi gacanteyda baad kala baxday qoraalka anoo raba in aan indhoolaha wax tuso ilaahay khayr badan oo aan dhamaan ha ku siiyo

    hadaan u soo Laabo Qoraalka walaalkeen C/casiis aad buu ugu fara yareystay maqaaladii ka horeeyey kanaa isku fuuqsaday markii banaanka la keenay wadaadki Xasaan ee baalxoofteen jiray oo aysiiyeen magacii Ibnu Taymiya isagoo soo bililiqeystay qoraaladii Abu Qataada.walee jug culus baa ku dhacay Xasaan uusan baryahaan ka kici doonin kkk

    wasalaamu calaykum Ramadaan wanaagsan

  32. ‏TO: سلمان عبد الله
    من أعجب العجائب أن يحتاج الشمس دليلا وهو في رابعة النهار،، أخي الفاضل لا يشك الأمي فضلا عن طالب العلم أن الشيخ حسان نقل عن غيره من غير عزو النصوص لأصحابها ليوهم الناس أن الكلام له، وهذا تدليس وينفي مع أدب القواعد البحوث إذ لا يمكن أيا كان من الباحثين أن ينقل نصا حرفيا من غير عزو. أخي الفاضل لا يقبل الأعمى إذا وصل الخبر فما ظنك المبصر الذي يرى التطابق بين ما نقل حسان وما كتب .. فهل يعقل أن يتطابق بجميع الجمل حرفا حرفا.. ما هذا التعامي إن العيب كل العيب أن ينكر الإنسان ما هو ملموس محسوس .. والتمادي في الباطل فضيحة ،، فلا تبحث له تبريرا غير مسوغ فتقع ما هو أقبح مما قام به حسان.. ولم آل جهدا أن أبين لك وجه الصحيح من الأمر ، ومن الغريب عندما قلت للكاتب هل رأيت عند نقل النصوص ،، أخ الكريم أسئلك أين أنت عائش أ في السماء أم أن ساكن في الأرض إذا كنت غائبا عما يحدث بين الطلاب ولم تكن متابعا بما دار بينهم فالأفضل لك أن تعلم أولا ليكون عندك القضية برمتها ثم أكتب ما ترى صحيحا، أخي الفاضل أن الشيخ حسان كتب رسالة سماها الإعانة لطالب الإفادة ونقل حرفيا كلاما لغيره من غير ذكر المصدر المآخوذ وتلك يعتبر خيانة في البحوث ، فلابد عزو النصوص إلى مصادرها وإلا سوف عن قريب تنكشف.. والسلام عليكم

  33. Asc. Awalan waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa walaal abdicazeez juhdigiisa iyo dadaalkiisa waana loobaahanyahay xiligaan maqaaladaan iyo inlacadeeye Kuwa culimada looga taag waayay waxa ay yihiin iyo meeshay kasoo dhuxulqaataan waan leenahay soowad waxbadan oo kalana soosaar.

    Yaryarka waxaan leeyahay adkaysta waxbadanbaa la’idinka aamusnaa oo aadculimada caayayseen in ceebihiina lootago adinkaa sababteedaleh.

  34. asc,walalaka wa mahadsan yahay,sheekh Xsaan waxa la rabay in uu sheekhiisa si fiican wax uga soo wada raro! shukran laka. halgan.net

  35. Aww walaalayaal hadaad xaqdoon tihiin mahaad cadaysaan meesha uu hasan war kaan kasoo raray pdfka ma adaa qoray mise qofkale oo asga kasoo horjeeda? cadeeya si ay arintu u cadaato hadii kale adinkaa ku ceeboobaaya websidekiinuna wuu qiime beele يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاءَ بِالْقِسْطِ ۖ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَىٰ أَلَّا تَعْدِلُوا ۚ اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ

  36. السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
    بداية أشكر الإخوة القائمين على هذا الموقع .
    ثانيا : أرجوا من الإخوة أن يفسحوا صدورهم لأراء المعلقين المخالفين لرأيهم بما أنكم فتحتم باب التعليق للموضوع ولم يكن التعليق خارجا عن موضوع النقاش
    ثالثا : فقد قرأت الموضوع الذي كتبه الأخ ويبدوا أنه قد بذل جهدا كبيرا لكن السوال المطروح ببساطة هو أيها الأخ الكريم ما أدراك أن الشيخ حسان حفظه الله قد نقل كلام الشيخ أبو قتادة الفلسطيني بدون أن يعزو له ؟ هل كنت مع الشيء حينما كان يجيب عن الأسئلة الموجهة إليه ورأئت أنت بأم عينك وهو ينقل كلام الشيخ الذي ذكرته ؟ أليس من الممكن أن يتشابه كلامهما بدون أن ينقل أحدهما عن الأخر ؟ أن إن التعصب المقيت يحجب عن ذكر الحقيقة ؟ ما أريده منك فقط أيها الكاتب أن تأتي لنا بدليل واضح نحس به يؤكد أن الشيخ حسان حفظه نقل كلام الشيخ الذي ذكرته وأرجوا أن تتقبل تعليقي بدون حرج فما أردت إلا الخير وشكرا لك وعلى إدراة الموقع والسلام

  37. acs wr wb walal shekh xasaan waa shekh kamida maashaa ikhda

    hadal kaaguna waxba ku kor dhi mayo suusan wax uga dhimayn dadka culumada ku xadgudbaya ayin kaan waan kasoo horjeeda

    dadka qaarkiina waan kayaaba wax kasta uri yaaqaya
    culumada aan ayga isku dayno cadaaladana hala laa zimo oo haduu ruux wax qoro yaan lagu raacin.

  38. asc wr wb cabdi casiiis akhiii qeeer fara badan alaha kusiiyeee sidaaas ku wad walaahi baan ku dhaartayeee wax badan baa laga faa,idi umada qaladkoodana banaanka halasoo dhigo kuwa culumada daba dhigtayna ilaahay haka qabto sida asluubaysan ee aad wax u bidhaaminaysana alaha kaa ajar siiyo noow ad plz haka daaalin

  39. A,s ? C/casiis maxamed walaal Bulshada wabsaydka ku xiran waa soomaali , Culimada qoraalada iskale waa soomaali maxaa keenay in Carabi lagu wada hadlo , kkkk bulshada aad lahadleeysaan ee aad maqaalada u diyaarineeysaan waa in aad ku xisaabtantaan luqada aay sifiican ufahmi karaan wax ugu so gudbisaan ,

    waa mahadsantihiin

  40. Salaamu Calaykum

    waxaan u mahad celinayaa Walaalka maqaalka qoray waa loo baahnaa in seenta la maroojiyo Sh Xasaan Xusen walaahi ma qosli karo sida loo qabtay xasaan caadi maaha qoraal buu soo guursan mana sheegayo masdarka waxaana la leeyahay Sheekhul islaam Ibnu teymiya kkk Ibnu teymiya ma wuxuu xadi jiray qoraalada culumada kale cajiib

    Walaalka C/casiis Maxamed waxaan leeyahay wad qoraalada noocaan ah hana la keydiyo qoraalada Xasaan iyo website taageera Al-Shabaab si loo qabto buhtaankooda waxaan kale oo u sheegayaa C/casiis in qoraalkii laga saaray website Xasaaaaaaaan kkkkkk

    wasalaamu calaykum

  41. Somalimidnimo muxuu kuhaystay Abuu Fadli oo khaldamay oo shiikh kasoo guuriyey hadal uusan utiirin, waliba Abufudli babaaba shiikh muctamad ah kasoo guuriyaye.

    • Walaahi Halgan.net iyo maamulkooda waxay mudan yihiin in loo duceeyo waxay u taagan yihiin mar kasta iftiiminta manhajka saxda ah.maanta saaxada raba in ay qasbadaan dad aan la aqoon oo raba in umada culumo u noqdaan balse waa ku fashilmeen wax raacana waa waayeen ilaahay mahadiiis

      Hadaan u soo noqdo qoraalka walaalka C/casiis waxaa qoraal Bam ka daran adoonka waxaan maqli jiray bililiqo balse caawa waxaa ii muuqda in xitaa qoraal 1998 uu lahaa Abu Qataada uu la soo shir tagay wadaad Xasaan balse waa eeday walee

Leave a comment

*