Muxaadaradii Sh.C/raxmaan Abyad uu ka jeediyey Masjid Towxiid .[Dhagayso+Qoraal ]

July 7, 2012 - Written by

Shabakadda Wararka Halgan.net ayaa waxaa ay idiin soo gudbinaysaa Muxaadaro uu Sh.C/raxmaan Abyad dhawaan ka jeediyey Masjidka Towxiid ee magaalada Copenhagen , Sheekha ayaa Muxaadaradiisa waxaa ugu magacdaray دفع البهتان وردع العدوان في كشف أباطيل حسان been abuurka , celinta cadawni mada iyo feydida beenaha Xassaan Xuseen .Muxadaaraada ayaa Sh.C/raxmaan Abyad waxaa uu uga hadlayaa gaalay siinta iyo gaalnim ku xunka uu Xassaan Xuseen ku tuuray Jamaacada Ictisaam Bil Kitaabi wa Sunaha .[Ex-Al-itixaad Islaami] iyo isagoo ku baaqay in culimadooda meel walba lagu dilo [ Fil Xili  Walxaram].
Jamaaco Ictisaam Bilkitaabio Wasunaha ayaa ah jamaaco Islaami ah oo ka jirta dalka Soomaaliya dowr shariif ah ka soo qaatay faafinta Towxiidka iyo baraaruga ka jira dalka Soomaaliya oo dad badan maanta ay ku naaloonayaan. Muxaadarada ayaa waxaa si live ah loogala soconday HalganwebTv Station  iyo Qolka Somali Islamic Altaqwaa Network.

Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Sh Cabdiraxmaan Abyad ka jeediyey Masjid Towxiid ee magaalada Copenhagen

[audio:https://halgan.net/Mp3/ShAbyad1.mp3] Halkaan ka rogo muxaadarada oo Mp3 ah

Halkaan ka eeg muxaadaradii Sh Cabdiraxmaan Abyad oo PDF ah

N:B Digniin ku socota shabakadaha caadeystay caayda iyo Been Abuurka Culumada waxaan uga digeynaa in ay xuquuqda u gaarka ah Halgan.net ay u isticmaalaan aflagaada culumada iyaga oo qaar ka mid ah ay xadeen codad iyo Muuqaalo u gaar ah Halgan.net.

Copenhagen Denmark
Halgan.net

11 Comments so far

Leave a comment

  1. sheekh abdiraxman abyad khayr ilaahay ha siiyo hana dhowro wuu cadeyay xaqa sheh xasan kali ahna ma aahane kuwo kale oo iyagon carabiga sixi aqoon xata culimada wax ka shegay waa ka difaacay waana ay dhib badan tahay in qof kasta oo wax aan qiimo lahayn ku qayliyay la dhaho waa la difaca nin mar kasta diyar u ah uun inuu been abuur sheego in aan la isku dalin aya aila quma sida kuwa wax qora ee labaxy baraaruga islaamka wayna ka fogyihin magacy wataan

  2. shiiq abdiraxmaan qeyr alaha ku siiyo wax badan ayaan kaa fahmay shiiq xasaan ilaah hasoo hanuuniyo

  3. Asalamu alaykum, Jazakallahu kheir

  4. maashaa allaah , ijmaacii xasaan sheegay cirkuu aaday.

    sh.abyad waxaan ku canaanayaa muxuu baadilkan uga aamusnaa maadaama oo xasaan ay isku da yihiin.

    halgan.net , abaalkiina lama gudi karo

  5. sheeqa ilaahay khayr ha siiyo.
    qoraalka sheeqa cilmi badan aa ku jira ee ardaydu ha ka faaiidaysato.
    xassaan jawaab uma helaayo , hadaanu caytamayn.

  6. assalaamu calaykum
    waxaan halkaan u mahad celinayaa Sh.Cabdiraxmaan Abyad sida faahfaahsan oo cilmiyeesan oo uu u soo bandhigay muxaadaradaan.
    allah ha ka abaal mariyo janadana haka waraabiyo

  7. جزاك الله وحفظك الله يا استاد عبدالرحمن ابيض محاضرة قيمة وضعت النقاط فوق الحروف النقد البنّا ليس عيبا ولكن العيب كل العيب التمادى على الباطل وانكارالحق لو كان النقد على هذا المنوال وايضاح الحق لمن كان فيه اشكال بدون مراوغة وبعيدا عن العنف والشتيمة لحركة على حساب اخرى لهو امر من الاهميّة بمكان
    وارجو الاخوة من الطرف الاخر عرض النقاط التى اشكل عليهم باسلوب راق تليق باداب العلم واهله
    وجزاكم الله خيرا جميعا

  8. Sheekha abyad Ilahay xanasanad haka siiyo Muxadaradkaga , Af iyo qalin iyo wixii la awoodo halagu radiyo sheeekha xasaan mad-hab anan ku aqoon buu la soo baxaye! Halgan.net kuma qori karo mahadnaqa aan idin hayo kalmado iska yare ee Ilahay ba ajar idinka siinaya insha Allah, taariikhdana waa idin xusi doontaa.

  9. masha alaah ilaahay ha barakeeyo sheekh abdirahman abyad.,

  10. Salaamu Calaykum

    Sheekh C/raxmaan Abyad alaha xifdiyo si wanaagsan buu xaqa u cadeeyey walaalaha halgan.net alaha dhowro

    ws

  11. a.s.c waxan salaamyaa dhamaan shaqaalah reerhalgan isradintu waa wanaagsan tahay hadii wax lagu hagaajinayo culimada ilaahy hanoo dhowro waa kuwii dhaxlay hadyigii nabiga c-s-w a.s.c

Leave a comment

*