Ra’iisul Wasaaraha DFKM iyo Mahiga oo la kulmay odayaasha Dhaqanka(Warsaxaafadeed)

July 10, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kala qayb galay kulanka booqashada ah Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya Mr Agostina Mahiga iyo qaar ka tirsan Golahiisa Wasiiradda.

Ugu horeyntii waxaa Odayaasha la hadlay Ergeyga Gaarka ah QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr Mahiga, Wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta la kulmo Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho ku shiraya.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaa halkaan ku kulano inkastoo aan qaarkiin ku kulaney Istanbul balse aan ku riyaaqsanahay idinkoo wada dhan in aan kulano, Waxaa tihiin Odayaashii Dhaqanka Soomaaliyeed oo laga sugayo talada iyo hogaaminta dalka”.

Wuxuuna intaasi ku daray in Odayaasha Dhaqanka uu saaran yahay Labo xil oo waa weyn oo halkaan la idinkeenay, markuu dhamaado barnaamijkaan Roadmap-ka ay mar walbo qaar idinka idin ka mid ah aad noqon doontaan kuwii laga qaadanayay talada dalka maadaama aad tihiin Odayaashii Dhaqanka Soomaaliyeed isla markaana tilmaamay in shaqada Odayaasha Dhaqanka aysan dhamaaneyn.

Sidoo kale Wuxuu Mahiga xusay in Odayaasha ay Seddex arrimood oo waa weyn laga sugayo sida,

1. iney soo xulaan Ergada Ansixinta Dastuurka,
2. inaad soo xushaan Xubnaha Barlamaanka,
3 . iyo inaad na siisaan talada wanaagsan.

Waxaana sidoo kale goobta ka hadlay Xubin ka mid ah sideeda xubnood oo Beesha Caalamka u matali doona gudiga farsamada  waxeyna ka socotay Midowga Yurub iyadoona sheegtay in Midowga Yurub ay Soomaaliya taageero nooc kasta ah la garab taaganyihiin isla markaan aad u soo dhaweyneyno in ay Dumarku helaan 30% xilalaka dowligga ah.

Ugaas Ibraahim Dheere oo isna ku hadlayey magaca Odayaasha Dhaqanka ayaa xusay in markii hore uu jirey ismaan dhaaf u dhexeeya iyaga iyo gudiga khilaafaadka balse wada hadal dhex maray kadib isku afgarteen iney wada shaqeeyaan, waxaa kale oo uu soo jeediyey in ay haboontahay in laga dhigo Baarlamaanka cusub 275 xubnood si ay ugu fudutaato soo xulida Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhamaadka Bisha Barakeysan ee Ramadaan lagu ciidi doono farxad iyo dalka oo yeesha dowlad rasmi ah.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online