Sh Daahir aw Cabdi oo wacdi qiimo leh ka jeediyey caawa masjidka Cumar Ibnu Khadhaab(Dhagayso)

July 26, 2012 - Written by

Qardho:-Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ka mid ah Culumada ugu waaweyn dalka Soomaaliya halgan dheer na u soo galay fidinta dacwada ayaa caawa wacdi qiimo iyo qiiro leh ka jeediyey Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee magaalada Qardho ee xarun ta gobalka Karkaar.

Sheekh Daahir aw Cabdi Xafidahulaah ayaa waxaa ay ku saxuustaan dhalinyarada iyo ducaada Dacwada Masjidkii Ceel Hindi oo uu dacwada iyo kutubta ka akhrin jiray mudo aad u dheer waxaana in badan Sheekh Daaahir aw Cabdi loo xiray dacwada isaga oo dhib badan u soo maray dacwada .

Sheekh Daahir Aw cabdi ayaa caawa ka hadlay fadliga bisha ramadaan iyo sida ay qiimo u leedahay wuxuuna umada aad ugu booriyey in ay aad uga faa,ideystaan kana fogaadaan macaasida wuxuuna Sheekha shacabka soo camiray salaada taraawiixda xasuusiyey geerida iyo in qof walba la xisaabin doono marka la dhigo qabriga ,

Hoos Ka dhageyso wacdiga Sheekh Daahir Aw Cabdi xafidahulaah.

[audio:https://halgan.net/Mp3/Sheekh_daahir.mp3] Ama Halkan Mp3

Ilaahay ha naga dhigo kuwa ka faa,ideysta Bisha ramadaan  aaaaaaaaaaaa,miin

A/Cawale
Halgan.net

8 Comments so far

Leave a comment

  1. as cal walaal waxan idinka codsanyaa inaad shiikha maxadirooyinkiisa nooso gelisaan waa hadalkooban oo xambarsan cilmi badan iyo wana qadasho

  2. ashaalaah culumada waawayn hadalkoodu saamayn ayay leedahay maantana culumadii waab lagaalaysiinayaa dhalinyaro dayar oon cilmiga culumo ulahayn marka culumada kafaaidaysta waa gabal siidhacayee

  3. masha’allah sh dahir aw cabdi, allah ha xafido, codkisa ma maqal asago kalimad jedinaya muddo 22 sano ah, lakin durbadiba waxa igu so dhacay halhayskiisii ( war bal jooge) iyo masjidki ceel hindi. waxan dib u milicsaday wadajirkii dhallinyarada ee xilligaas. waxana is waydiiyay mar kale ma horfarisan doonna sh daahir ayadoo saf qura la yahay…… ilahay ha xafido asaga iyo amthashisa. amiin

  4. JAZAKA ALLAH KHEEYR

    WALAAL SHEEKHAN MUXADARADIISA MARKASTA NOO SOO GALIYE IMAANKA NOOGU KORDHAYEE THANKS

  5. Asalaamu calaykum w/w
    Dhamaan waxaan salaamayaa umda soomaaliyeed,ilaaahayna ha inaga dhigo kuwa naarta laga xoreeyay bishan brakaysan.waxaan sigaar ah usalaamayaa SHeekh Daahir aw cabdi oo kamid ah culimaada aan aadka ujecelahay waaxaana makhraati galinayaa bahda halgan in sheekh daahir iyo inta lamid ahba aan ilaahay daraaddii ujecelahay.ilaahayna waxaan kabarya hayaa in uu xifdiyo oo xumaan kadheereeyo dhamaan culumadaanada. AAMIIN. Rashid, USA.

  6. salama calykum waraxmatulaahi

    marka hore ilaahy walalaha kashaqayya halgan.net haka ajarsiiyo khayrkaa ay kashaqaynaayaa iyo adeeg khareedka ay ummadda u qabtaan
    tankale shiikha ilaahay haka ajarsiiyo kalimaatkaa wanaagsan runtiii culumadda isagoo kale ah way inakuyartay ee bulshoow aan ka faaiidaysano culumada ilaahow culumadda noo xifdi aaaaaaamiin

  7. الله يحفظ الشيخ ويطيل عمره على طاعته ويحسن له الخاتمه ويجزيه عنا وعن الامة خيرا
    واشكر الاخوة القائمن على موقع هلغن المبارك

    أخوكم

  8. fadlan noo soo gudbiya taraweehda masjidka iyo short muxaadaro between salah thank yó

Leave a comment

*