Sh.C/raxmaan Abyad oo dul istaagay Jawaabtii Sheekh Xasaan Xusen (Akhriso)

July 17, 2012 - Written by

Denmark:-Sh.C/raxmaan Abyad oo ka mid ah Culumada iyo ducaada Masjidka Al-Tawxiid ayaa caawa qoraal soo gaarsiiyey Halgan.net qoraalkaas oo tacqiib u ah qoraal uu qoray Sh Xasaan Xusen isaga oo isku dayey in uu jawaab ka bixiyo su,aalo uu soo weydiiyey Sheekh Dr. C/raxmaan Sh C/laahi Cumar wuxuuna Sheekh C/raxmaan Cinwaan uga dhigay  Qoraalkiisa .(كشف القناع عن محل النزاع)

Sheekh C/raxmaan Abyad ayaa qoraalkiisa waxaa uu dul istaagay waqfaat dhowr ah oo ku qornaa qoraalka Sh Xasaan oo cinwaankiisa uu ahaa  الإعانة لطالب الإفادة

1-Halkan ka Akhriso Su,aalihii uu weydiiyey Dr.Sheekh C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar  Sh Xasaan.
2- Halkan ka Akhriso Jawaabii Sh Xasaan

3-   Halkan ka akhriso Qoraalka Sh C/raxmaan Abyad ku Tacliiqiyey qoraalka Sh Xasaaan Xusen  الإعانة لطالب الإفادة

Halgan.net
A/Cawale

15 Comments so far

Leave a comment

  1. asc salan kadib waxan culamada idinka codsanaya in wax la is tusa lkn an la is mucaaradin hadey dhacdo sidaa waaa la idin ka faa ideysanaaa

  2. Asc. Mamulka waxan si naxaris leh uga codsan lahaa in ay no fududeeyan in aan rasaailkan culimada mobilka ka akhrisan karno oo ay iyagu computers kooda ku qoraan. Tan kale waxan kula talin lahaa dadka aan ardayda ama culimada ka mid ahayn sida kuwa aan carabiga fahmi karin in ay iska daayaan la socoshada ruduuda culimada waayo waa ay ku wareerayaan ama in ay hadda bilaabaan in ay fankan bartaan. Hadda waxaad arkeyseen dad la yaaban ruduudan cilmiga ah oo u haysta is khilaaf dacwada looga mashquulayo, ma oga miyaa in ay iyadu dacwo muhiim ah tahay, kala fikir duwanaanshaha iyo niqaashku wa wax iska caadi ah, hadaad kutubta fiqhiga fiirisid waad arkeysaa in ay ruduudani wax loo baahanyahay tahay. Ammaa is cayda iyo waa la is dilayaa iyadu waa jahli allaha naga dhowree. Wad mahadsantihiin.

  3. jeele sxb see wax u xukumi ama aad ugaran kooda saxan adoo aan fahmayn carabiga cajiib somali wataaa

  4. MANSHA ALLAH MANSHA ALLAH
    حفطك الله يا شيخنا العلام شيخ الدكتور عبد الرحمن ابيض
    اسأل الله ان يهدي ويشفي حسان حسين
    آآآآآآآآمين

  5. Allahu akbar ilaahay ha xifdiyo sheekh craxmaan abyad iyo culimadeena kaleba ee u istaagtey is hortaagga sadkan takfiiriga ah ee aan wax qoyan iyo wax qalalanba reebeynin, shacabkii soomaaliyeed oo dacwadii islaamku sida la ogyahay ay uga soo shaacbaxday iyo samaaxadii dacwada lagu soo waday waxaa carqalad iyo caqabadoba hordhigay fikirka alle aan barakeyn ee takfiiriga ah salkana ku haya manhajka khwaarijta, illaa kuwo cilmi u nisba sheegtaayi ay inta wax walba soo dhaafeen ay marayaan inay aabbayaashii iyo kawaadirtii dacwadaan gaalnimo ku xukmiyaan dhiigoodana sidaas ku xalaaleeyaan.

    Alla maxaa fikirkaani galabba meel uu soo joogay, culimaduse niyad wanaag iyo kaadsiinyo iyo bal u kaadiya isagaa caqliyeysan ayay kusoo sabrayeen, ma fikir khaariji ah ayaa caqliyeysan in uu budada iyo iyaha uun isku sii badiyo mooyee, hadda ayaa culimadu aad moodaa inay usoo istaageen oo sidii la doonayey ay u waajahayaan laakiin waa goor xeedho iyo fandhaal kala dheceen, hadiiba markii ugu horreysay ee amaaraatkiisa la soo arkay si adag loo waajihi lahaa maanta caymo sidan ka bedelan ayuu yeelan lahaa oo sidaas uma fufeen.

    Intaas dabadeed aad baan ugu duceynayaa sheekheenna c/raxmaan abyad sida waadixa ah ee uu u tacliiqiyey qoraalkii sheekh xasaan xuseen ee talbiisaadka badani ka muuqdo ,lawlaa uusan sheekh abyad noo iftiimin mulaabasaadkaas maanaan ku baraarugsanaaneen, laakiin soomaalidu waxay tiraahdaa “ilmo adeer waa intii is taqaan” waxaan taas ula jeedaa sheekh craxmaan waxaa muuqata inuu dhamaan godadkooda ugu galay iyo dhamaan meelaha ay isku qariyaan kuwa manhajkoodu icwijajku galay, sida soo guurinta ay wax kala guursadaan hadaladooda sida uu tooshka ugu ifiyeyba qoraalka sheekh xasaan ee kasoo guuriyey sheekhiisa abuu qataada al-falastiini, iyo sidoo kale risaaladii MUSHIRKUUNA FII SABIILILLAAH ee iyadana ay si cad uga muuqato inuu sheekh xasaan iyada ka qaatey (fatwooyinkii) uu ku gaaleysiiyey culimada soomaaliyeed ee dacwadan aabaha u ahayd-jamaacatal-ictisaam..wallaahi baan ku dhaartaye waaba isagoo aad moodo raad si toos ah loo raacey oo meel kastoo uu u leexdaba laga daba leexday, taasina waxaa ay ku tusinaysaa sida kuwa lagu ibtileeyey gaaleynta muslimiintu aysan u haysan xarig adag oo cilmi ah ee waxa kaliya ee ay citimaadaan ay u tahay tatabuca afkaaraha quluwigu ka buuxo ee aan waxba u reebeyn ummadda muslimka ah, waxaas oo dhan waxaa ifiyey oo toosh weyn la daba galey kheyr alle ha siiyee sheekh abyad iyo culimadeena kale ee u istaagtey is hortaagga fikirkaan, waxaa iyadana xusid mudan sidii looga faaiideystay muxaadaraadkii sheekh abyad ee 2010 uu dhabarka kaga jebiyey aflegaadadii iyo caydii foolxumada badneyd ee lagu jaaifeynayey culimada soomaaliyeed sida sh umal shibli iyo al-waalid sh c/qadir nuur faarax.

    calaakulli xaal waxaan leeyahay sheekh abyad qoraaladan aad soo gudbisay waxay noqon doonaan kuwo dhaxalgal ah, siiba qoraalkan ugu dambeeyey ee aad kusoo cadeysay sida sheekh xasaan manhajkiisu uusan u ahayn mid adag oo uu adeegsaday kala googoyn iyo kala reerbeerb aqwaasha culimada ee qaarka uu doonayna usoo qaatey qaarka kale uga tegey, iyo istinbaadaadka uu isagu keligiis saartey ee fahamkiisa ku macneeyey iyo sidoo kale soo guursashada qoraalada culimadiisa (sida kuwa qullaatu takfiirta aad ku tilmaanteen), waxaas oo dhammi waxaa ahayd sheekhanaa abyad inaad muxaadaro afsoomaali ah kusoo gudbiso marka hore ka dibna qoraal soo raaciso, waayo waa mufiid jiddan, dadkuna inbadan oo ka mid iyo waliba dalabatul-cilmiga way ku adagtahay inay sida aad ugu talagashay ama u sharraxday u fahmaan, waayo waa qoraal academic ah oo dad khaas uun ay si cad u fahmi karaam, maadaam uu qawacid iyo usuul badani xambaarsan yahay hadalkuna salka ku hayo, ilaahayna ha idinka feydo wixii dhib ah ee aakhiro adduunba sida aad u kashfiseen waxyaabo badan oo isku hoor jirey.

  6. asa walayaal culiamdiina is radinysa aadbaan uga xumahay wardadka usoojeesta xaqa bayaamiya idinka maxaad iskag amshquulaysaan warqof walba hor ilahay buu tagayaa khilaafka dalka kajira hadii aad idinkoo culima ah kaqaybqdattaan daku muxuu samynyaa kale ee caamada midkale war dadkan dhalinyarada ah ee culimad amagayaoow kaixshood aculimada ialahy kacabsada oo macalimiintiina akxishooda sheekhul islaam ibnutaymiyah wuxuu yidhi hilibka culimada ninkii cunaa wa dhinta kiidhadhamiyaanaa waxanuunsadaa wasc

  7. Scm
    sln kadib waxan leyahay culumada somaliyed waxd tihin kuwa qudwo ah inad idinka is mucaradan ma’aha aadna firqoyin aad kawada tirsantihin aad udodan waxan leyahay culumada

  8. scw

    wadaadadaan maxay yihiin umada somaliyeed luqadooda waa somali, dadka wax ugu sheega luqad ay fahmayaan marka hadaad af carabi wax iskugu gudbisaan goormaa la idinka faaidaysan see lagu xugminaa kiina saxan.

  9. asc ka dib war hadaan caamo nahahy waan idin layaabnahay idinkibaa is dabo taagan markaasaad carabi ja jab ah isla daba joogtan yaab maxaad isku khilaafeysaan shiikh shiik u jawaabay unbaad maqleysa ilaahey ka baqa culumow ha is khilaafina u midooba jaceelka ilaah qof walbo fikirdiisa ha hoos yeelo oo ha isu arko in laga wanaagsan yahay wey hagageysaa inshalaah waan niyaad jabaa markaan arko culimo iyagii un isku taagan

  10. ascwrwb
    mashallaah halgan runtii waad inoo dadaasheen Alle badalkeeda ha idin siiyo, waxaanse idinka codsanaynaa ka akhristayaal ahaan inaad inoo afsoomaliyeysaan suaalaha iyo jawaabta jzkllhu kheyran

  11. ilaahay ha barakeeyo sh.abyad

  12. Asc halgan waad kumahadsantihiin dadaalka aad mujinaysaan waxaan idinka codsanayaa madaama aan mobaylka kala socdo muxaadarada sh. Abyad oo qoraal ah inay noga dhgaan mahadsanidin

  13. TO mamulka halgan fadlan muxadaroyinka ad sogalineysan dad badan maheystan computer casharada mobile-ka ayay kala socdan sas darted iney so download gareyan wey adagtahay fadlan ayado qoraal eh noo so galiya wabilahi tawfiq

  14. a/c walaal halgan.net waxaan ka codsanaynaa inay noo soo fasiraan su,aalaha iyo jawaabaha waxay rabto ha idinku qaadatee jazaa a,kumu LAAH

Leave a comment

*